Toggaherer’s Weblog

XAFLADA MAANTA LAGU XUSAAYEY GUDAGALKII SNM EE HARGAYSA OO KA DHACAY I MPERIAL HARGAYSA.(SAWIRO)

Posted on: June 4, 2009

XAFLADA MAANTA LAGU XUSAAYEY GUDAGALKII SNM EE HARGAYSA OO KA DHACAY I MPERIAL HARGAYSA.(SAWIRO)

Har 30 May 2009 (THN)
Waxaa maanta Huteel Imperial ee magaalda Hargaysa lagu qaqbtay xaflad lagu xusaayey 21 guuradii maalintii SNM ay soo gashay gudaha magaalada Hargaysa oo ku beegan 31 May maalinta barito ah taas oo ay ka soo qayb galeen madax kala duwan oo ka tirsanaan jirtay ururka SNM taas oo qaar ka mid ahaa madaxdaasi ay ka mid ahaayeen saraakiishii hogaaminaysay gudalka magaladan Hargaysa in kasta oo ayn hogaamiyayaashii ciidanku aanu ku jiray oo badidoodii ay xijaabteen halka maalinti 27 may ee Burco la soo galay sarkaalkii watay uu joogo magalda London.

click to comment
click to comment

click to comment

Waxaa xaflad ka mid aha madaxdii kala duwanayd ee hadalada ka jeediyey Maxamed Xasan Jidhif kaas oo ka hadalay kaas oo sheegay in uu isagu ka mid ahaa garankii caskariga ahaa ee SNM halka uu tibaaxay in uu jiray garab kale oo siyaasi ah uuna sheegay in aaanu kuwayagaa askarta ahaa aynu dhimasho diyaar u ahayd se aanay tii alle noo iman intii aanu dagaalka ku jiray walin aanu noolnahay taas oo uu sheegay waxay ka dagaalamayeen in ay ahayd gumaysi iyo in ay aayaha dhalin yarada ay u talinayeen waxaanuu yidhi “SNM laba qeybood ayay ahayd qeyb siyaasi ah iyo qeyb, kuwayagan askarta ah ee imika soo taag-taagani Anagu waxaanu goosanay inaanu dhimanee ilaahay baa na dili waayay. Waxana laga dhintaa marka lagu yidhaahdo ma jirtid ee aad adiguna leedahay waan jiraa. Haddii aanu odhan lahayn xiligaasi waar aan iska joogno dhalinyarada imiku waxay dhalan lahayd iyagoo gun ah,waxaadse dhalinyarooy dhalateen idinkoo gob ah. Xafladahan oo kale waxay ku fiicnaan lahaayeen 21 sano ka hor, in wixii aanu khaladnay aanu saxno shaki kuma jiro in wax naga khaldameen. Haddii aan wax naga khaldamin rag badan oo halkan ka maqan ayaa maanta inala joogi lahaa. Waxaan maqlayay Mujaahid Axmed Mire oo ninkii Burco qabtay ah oo isagoo qaxoonti ah Ingiriiska Hambalyo yar ka soo dirayay.halgankani wuxuu ka shaqeeyay in jiilka maantu uu dhasho isagoo xor ah.” Sidaa waxaa yidhi mujaahid Jidhif isaga oo sheegay in ay kulan iskgu timaadu wixii ka hadhay SNM maadama ragan haystaa iminka xukunka S/L aanay waxba ka ogayn halgankii iyo SNM toona.
click to comment

click to comment

Waxaa isna ka mid ahaa ragii halkaas ka hadlay Maxamed Xaashi Cilmi taas oo uu sheegay in ninka SNM meeshuu doono ha joogo xisbiguu doono ha ku jiro in ay inaga dhaxayso talo guud taas uu sheegay in la is ogaado lana ogaadoo hawshii dheerayd ee aynu u soo marnay xormiadan hada aynu joogno taas oo dhimasho iyo dhaawac iyo maal intaba aynu u hurnay.
click to comment

click to comment

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Maxamed kaahin oo ka mid ah madaxda Kulmiye horena u ahaan jiray Saraakiishii SNM , Jaamac Ismaacii Cige (Jaamac Shabeel) oo isna ahan jiray Saraakiishii SNm hadeerna aha madaxda Ururka Kulmiye ,Ahmed Muxumed Madar oo isna ahaa dhalinyaradii OFO hadeer ah ragii qurba jooga ahaa ee hadeer dalka dib ugu noqday, Iyo xubno kale oo badan oo intuba ahaa mujaahidintii xaq u dirirka SNM.

Maxamed Muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: