Toggaherer’s Weblog

SHURUUDAHA RAQIISKA AH EE KU XIDHAN AQOONSIGA AY BEESHA CAALAMKU SIISO DIM. S/LAND

Posted on: June 4, 2009

SHURUUDAHA RAQIISKA AH EE KU XIDHAN AQOONSIGA AY BEESHA CAALAMKU SIISO DIM. S/LAND

Har 30 May 2009b (THN)
Deeq bixiyayaasha somaliland ka taageera dimoqraadiyada iyo
doorashooyinka ayaa shuruudo ku xidhay deeqaha lacageed ee ay ku bixinayaan doorashada madaxtooyada somaliland kuwaas oo ay u soo jeediyeen komishanka, xisbiyada qaranka iyo xukuumadaba in si degdeg ah loo qabyatiro shuruucda iyo heshiishyada ay ku heshiiyeen axsaabta siyaasadu iyo komishanku si aanay mar kale dib ugu dhicin doorashada madaxtooyadu. Wefti ka socda MidowgaYurub oo shalay dalka yimid ayaa waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen Komishanka doorashooyinka, Axsaabta qaranka iyo Xukuumada. Waftigan ka socday deeqbixiyayaasha ayaa ujeedada socdaalkoodu wuxuu ahaa xogogaal u noqoshada hawlaha doorashooyinka halka ay marayaan, iyo shuruudaha looga baahan yahay in hayayadaha ay khusaysaa ay ku heshiiyaan si ay deeq bixiyaashu u sii daaayaan kharashkii doorashooyinka. Waftigan ka socday MidowgaYurub iyo hayayada Inter peace ayaa waxay u soo jeediyeen Axsabta iyo Xukuumada in la dhamaystir hawlaha ka qabyada ah ee hor taagan in ay dhacdo doorashada madaxtooyadu, waxaanay u bandhigeen qodobada ay u arkaan inay mihiim u yihiin in la dhameeyo oo heshiis laga gaadho, qodobadaas oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran.

A- In wax kasta oo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka la dhammeeyo.

B- In warbaahinta qaranka, hantida iyo lacagta si siman loo wadaago.

C- In la dhammayeeyo qodobada la xidhiidha sharciga doorashooyinka madaxtooyada iyo sharciga diwaangelinta lagana baas gareeyo Baarlamaanka, hadii aanay suurto gal ahayn xiligan laga maysto Code of connect.

D- In la dhameeyo shuruucda la xidhiidha sharciga doorashada
madaxtooyada iyo diwaangelinta, lana mariyo golayaasha sharci dejinta.

E- Dhamaystirka hawlaha qabyada ah ee hayayadaha caalamiga, sida deeqbixiyaasha, guddida doorashooyinka iyo Axsaabta qaranka, lana xoojiyo wakhtiga hawlahan la dhamaysiraayo.

F- Guddida doorashooyinka qaranku ay hogaamiyaan dhamaystirka heshiisyada iyo xal u helida wada hadalada keeni kara dib u dhac ku yimaada doorashada, isla markaana Saddexda Xisbi ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan dhexdhexaadnimada Inter peace.

G- Heshiiska ay ku wada shaqaynayaan Xisbiyada iyo Komishanku waa in la saxeexaa ugu dambayn 21ka bisha June, isla markaana la ilaaliyo wakhti hawleedka la ogolaaday ee lagama maarmaanka u ah in loo hawl galo oo la diyaariyo doorashada.

H- Xukuumadu waa in ay ogolaataa qaybta ay ku leedahay kharashka miisaaniyadeed ee doorashada, isla markaana ay bixiso inta ka horaysa June 15-keeda, kaas oo ay maamuli doonaan Inte peace iyo guddida doorashooyinku.

I- Xukuumadu waa in ka hawl gasho nabadgalyada, isla markaana
diyaariso saaxada ay ku dhici karto doorashadu, oo ay hirgaliso qorshe ay ku xaqiijinayso nabadgalyada ka hor inta aanay bilaabin olalaha doorashadu.

Waftigan ka socday MidowgaYurub ayaa isla shalay dalka dib uga
laabtay, iyagoo ku kucitamay dhinaca dalka Kenya.

Deeq bixiyayaasha iyo Hay’ada Inter Peace ayaa hore shuruudo ugu xidhay komishanka doorashooyinka inay keenaan xisaab celinta kharashkii ay xukuumadu ku bixisay hawlihii diiwaangalinta codbixiyayaasha, taas oo aanay komishanku ka samaynin xisaab celin ay ku qancaan deeqbixiyayaashu, taasinay ay sababtay inay Hay’adahaa deeq bixiya ay hakiyaan inay sii daayaan kharashka ku baxaya doorashooyinka madaxtooyada.

Saxansaxo

Shuruudaha Rakhiiska Ah Ee Ku Xidhan Aqoonsi Ay Beesha Caalamku Siiso Dimuqraadiyada S/Land

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: