Toggaherer’s Weblog

SAFAARADA SOMALIDA EE QATAR OO CASHO SHARAF U SAMAYSAY CIYAARTOOGA JAALIYADA SOMALIA

Posted on: June 4, 2009

SAFAARADA SOMALIDA EE QATAR OO CASHO SHARAF U SAMAYSAY CIYAARTOOGA JAALIYADA SOMALIA

Doha .Qatar isniin 1/6/2009
Boqolaal ka tirsan jaaliyada soomaliyeed ee ku nool wadanka Qatar ayaa ka soo Qayb galay casho sharaf loo sameyey kooxda ciyaartooga jaaliyada soomaliyeed oo ku guulaysatay Koobkii jaaliyadaha wadanka Qatar oo magac iyo sharaf u soo hooysay jaaliyada waxana dhaamaan ciyaartoogii jaaliyada la gudoonsiyyey Abaalmarimo iyo bilad sharafyo.xafladan oo ay soo abaabuleen jaaliyada soomaliyeed ayaa waxa loogu Qabtay Guriga Ay safaarada soomaliyeed ku leedahay Qatar halkaas oo uu goob joog ka aha Safiirka Soomaliya u Fadhiya wadanka Qatar Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji iyo iyo Gudoomiye ku XIgeenka Jaaliyada Jaamac Cali Raabi iyo Gudoomiyaha Gudiga Dhalinta Mudane Xasan Diiriye Nuux iyo Ku xigeenkiisa Faysal Sheekh Muxayadiin iyo Xubnaha Jaaliyada Soomaliyeed iyo Taagerayaal fara badan oo isagu jira haween iyo wayeel fara badan oo ku noqtay waxanay filayn , waxa halkaa si diran u maaweliynayey dadwaynihii halkaa ka soo Qayb galay munasabaadaa Fanaaninta Reer Qatar oo u Horeyey Fanaanka Dada Yar Maxamed Xuseen Dalmar, Fanaanka iyo Musikastaha Guleed Raashiid iyo Abwaanka Axmed Fartaag iyo Majaajilaystaha Cabdi Yasaalaam iyo Cabdinaasir Maxamed Dacar oo maajaajilo iyo Gabayo ay dadkii ka soo Qayb Galay u Riyaaqeen.

waa markii u horayaysay oo xaflad noocana oo kale lagu qabto safaarada qatar taas oo ay u riyaaqeen bulshawaynta reer Qatar iyaga oo mahad gaara u diraya Safiirka cusub ee soomaliya mudane Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Xubnaha Jaaliyada wadanka Qatar oo shaqo iyo xidhiidh wacan ka dhaxeyo waxa imika xidhiidh heer wacan ka dhaxeeya safarada iyo jaaliyada oo waliba markii u horaysay oo la sameeyo gudiyo ku jira haween iyo dhalin oo si wada jira wax ugu qabta mujtamaca soomaliyeed ee ku dhaqan wadanka Qatar ,jaaliyada soomaliyeed ayaa waxa maanta u muqata jaaliyad aad u firfircoon oo muqata wax tarkeeda siiba xidhiidhka wacan ee ka dhaxeya safarada iyo jaaliyada intii la soo magacabay safiirka cusub ee soomaliya u fadhiya wadanka Qatar Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji oo u Furay Albaabkiisa cidkasta oo Soomaliya.

Nasir Mohamed Ali Shinbir
naasir7171@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: