Toggaherer’s Weblog

OLOLAHA TALAALKA CUDURKA DABAYSHA OO SI RASMI AH UGA BILAWDAY LAASCAANJIID & G. SOOL

Posted on: June 4, 2009

OLOLAHA TALAALKA CUDURKA DABAYSHA OO SI RASMI AH UGA BILAWDAY LAASCAANJIID & G. SOOL

Laascaanood 02 June 2009 (THN)
Waxaa si rasmi ah uga bilaamay magalada laascaanood iyo guud ahaanba gobolka sool qaybihiisa kala duwan ololaha talaalka caruurta.kaasi oo ay wado hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxaana uu ka socdaa dhamaanba daafaha gobolka sool.

Talaalkan oo ah talaalka caruurta ee la dagaalanka cudurka dabaysha ayaa waxaa looga goleeyahay in lagu cidhib tiro cudurka dabaysha oo isagu ah cudur mar walba soo noqnoqda iyadoo mar walba amaba dhowrkii biloodba hal mar ololahan oo kale laga hirgaliyo gobolka sool iyo wadanka oo dhan.

Hawlwadeenada caafimaadka ee ka shaqaynaya hawsha talaalka ayaa waxaa ay u kal baxeen degmooyinka iyo tuulooyinka iyo waliba dhulka miyiga ah ee ay degan yihiin dadka reer guuraaga ah si markaa looga talaalo cudurka dabaysha islamaraana iyadoo uu talaalka sidoo kale ku guda jiro oo caruurta la siinayo kiniinka faytamiin A -ga islamarkaana dadka lagu wargalinayo inay ka faa’iidaystaan oo ay ubadkooda ka talaalaan.

Gudaha magalada aascaanood ayaa waxaa sidoo kale goob walba ka shaqaynaya hawlwadeeno ka tirsan bahda caafimaadka kuwaasi oo ku hawlan gaadhsiinta talaalka dadka si habsami leh iyadoo ay gudaha maglada gaaf wareegayaan baabuur ay ku rakiban yihiin codbaahiyayaal lagu ogaysiinayo dadka oo loogu baaqayo inay u soo baxaan talaalka.

Warqabadka togaherer
Laascaanood Sool

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: