Toggaherer’s Weblog

MUUSE BIIXI OO WEEDHO DAREEN LEH KU MUDMUDAY EEDO CULCULUS OO UU TIRINAAYO XUKUMADA…

Posted on: June 4, 2009

MUUSE BIIXI OO WEEDHO DAREEN LEH KU MUDMUDAY EEDO CULCULUS OO UU TIRINAAYO XUKUMADA…

HAR 01 June 2009 (THN)
Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Gudomiye ku xigeenka kowaad Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xukuumada madaxweyne Rayaale ku guuldarasatay 7 sanadood oo ay xilka haysay in dalka ay gaadhsiiso inuu beesha caalamka ka helo ictiraaf caalamiya, waxaanu ku eedeeyay madaxweyne Rayaale inaanu si faahfaahsan uga waramin safarada uu ku tago dibada. Sidaa waxa uu ku sheegay Muuse Biixi Cabdi Waraysi uu la yeeshay Weriye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan telefishanka Horn Cable.

Waxa kale oo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi sheegay in hantida badan oo ay ummadu leedahay ay xukuumadu si xun u isticmaashay waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo ku tagrifalka hantida ummada si loola xisaabtamo xukuumada iyo masuuliyiiinta xukuumada ka tirsanba.

Waxaana uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyey Telefishaka caalamiga ah ee HVT, kaas oo kaga hadlay arrimo badan oo xidhiidha xaaladaha taagan iyo safarka Madaxweynaha ee Berbera.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Intii uu madaxweynuhu balanqaaday inay doorashadu ku dhacayso 27-ka, mucaarad ahaan waxaa idinka muuqata dabacsanaan badan taasi ma jirtaa?.

J: Mar kasta oo xagaa doorashada loo kacaba waanu dabacsanahay, markii guddidii dhexdhexaadinta ay dhawaaqdayna waanu aqbalnay, rag balan baa xidha geelna dabar baa xidha, hadii aanu aqbalnay wixii ay soo jeediyeen guddidii dhexdhexaadintu anaga waxaa naga go’an in aanu u fulino sidii ay u soo jeediyeen, maantana shaqaanu bilownay oo waxaanu doonaynaa in aanu ka midho dhalino.

S: Madaxweynuhu socdaal ayuu ku marayaa magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, deegaano kala duwana wuu booqday, xisbi ahaan sideed u aragtaa booqashadaasi?.

J: Madaxweynaha joogaa inuu kormeer sameeyo oo dadka noloshooda ogaado, oo wuxuu ka tabanayo iyo waxay qabteen uu ogaadaa waa waajib, waxay ila tahay socdaalkiisa imikuna waa olole wuxuuna ka bilaabay Saaxil oo uu tirsanayo inay tahay halkii nolosha siyaasiga ah ku soo saartay, wuxuu tagi doonaa xabaashii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, wuu u faataxayn doonaa waanu u ducayn doonaa laakiin arwaaxdu way is aragtaa ee waxa laga yaabaa in labadooda arwaaxood is arkaan, kan laftiisu inuu karaamo yeesho ka soo qaad oo isaga iyo Cigaal is waraystaan wuxuuna u sheegi doonaa balan qaadyadii 7-sano ka hor uu u qaaday Saaxil, wuxuu balan qaaday inay noqonayso meel xor ah, wuxuu balan qaaday in daaraha Daaroole ee dunsan uu qaar qurux badan ka dhisi doono, qof walba oo Berbera joogaa uu heli doono AC (qaboojiye) oo kulayl danbe iyo qorax danbe aanay is arki doonin.

Cigaal-na Saaxil ayuu ka soo jeedaa. Midna waa lays waydiinayaa oo waxa uu madaxweynuhu waxaas oo balan qaad ah ugu sameeyay Saaxil, wuxuu yidhi warshadii sibidhka ayaan dhisaynaa, wuxuu dhagax dhigay saddex warshadood oo min intaas oo milyan ah, mar walba balan qaad aanu dalkaba u qaadin ayuu u qaaday reer Saaxil, mana odhan karo madaxweynaha been ayuu sheegayaa reer saaxilna kama muuqdaan oo abaar, diif iyo busaarada ayaa ka muuqata, waxyaabihii madaxweynuhu balan qaaday labadooda dhexdooda ha laga eego

S: Komishanka doorashooyinka oo aad isku qabateen dawlada iyo axsaabta khilaaf soo dhex maray wararka soo baxayaa waxa ay sheegayaan in loo baahan yahay arrintaasi sideed u aragtaa?

J: Horta axsaabta iyo dawlada iskumay khilaafin komishanka warkaasi kulama qabo Hay’ad kasta oo la dhiso iyo cid kasta oo ka hoos shaqaysaba dhaliilo iyo amaanba waa la siinayaa oo way yeelan karaan, qoladan komishanka dhaliilo waa loo jeedinayaa dhaliilaha aanu u jeedinaynaa waxa ugu wayn muddadii ay joogeen afar gudoomiye ayay kala dooranayeen markaa iyaga ayaa kala dhamaan la’, wakhtigaa hadii doorasho la galayo waxaa loo baahan yahay niman is ogol oo is aaminsan oo umada dhex u noqda markaa iyaga dhexdooda waxaanu ku dhaliilaynaa oo aanu leenahay yareeya is qabqabsiga dhexdiina ka jira, sideebaa komishanka loo xoojiyaa hadii uu dhaliilo leeyahay waa lays waydiinayaa?, taa wali jawaabteedii laysuma raacin komishanka laftiisu wuu ogol yahay dhaliishooda iyo in hawsha lala xoojiyo markaa waxa weeye sidee ayuu komishanku hawshiisa culus inoogu fuliyaa oo wixii dhaliilo ah loo dhamaystiraa taana waanu ka wada simanahay dawlad, komishan iyo axsaaba.

S: Markaa fikradaada ma in la kordhiyo ayay kula tahay komishanka?

J: Wali imika fikradaas lama hayo halkaasaa la marayaa laakiin hala kordhiyo iyo hala waaniyo waa arin qaydhin markaa ha soo baxdo.

S: Go’aamada ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta ee khilaafaadkii siyaasiga ahaa wali looma gudbin golayaasha sharci dejinta si looga sharciyeeyo, markaa iyada oo aan sharciyadii la marin ma kula tahay in sidaa ku hir gali karaan?

J: Kulmiye ahaan waxaanu jecelnahay in sidii guddidu u soo jeedisay lagu fuliyo, cida laga rabo inay fulisana oo hadii ay tahay Baaralamaan la gaynayo waa inuu madaxweynuhu saxeexaa, hadii guddi dhexe oo ilaalisa la samaynayo waa inuu madaxweynuhu saxeexaa, qolada looga fadhiyo inay fuliyaan waa qolada xukuumada ee awooda haysa, anaga Kulmiye waanu aqbalnay in sidaa loo fuliyo waxaanan taaganahay xukuumadu sidii ay dadweynaha hortiisa uga sheegtay waa inay u fulisaa.

S: Xukuumadu waxay dad ganacsato ah ka iibisay guryihii Hindiya laynka oo ay sheegtay in la qurxinayo, horena masuuliyiin xisbiga Kulmiye uga tirsan way u canbaareeyeen, markaa adigu gudoomiye ahaan sideed u aragtaa?.

J: Inta aan la canbaarayn waxyaabo badan ayaa u baahan in dib loo eego, guryaha la iibiyay iyo hantida qaranka ee lagu takri falay, maaha hindiya laynka oo qudha sanadkii ugu danbeeyay guryo badan oo ay dawladu leedahay oo badhtamaha suuqa ah oo garoomada diyaaradaha ah iyo dekedaha ayay dawladu iibisay, su’aasha meesha taalaa waxa weeye kolka xukuumada joogta dastuurka waxa uu leeyahay dawladu iyada ayaa ka masuul ah hantida qaranka oo loo doortay, sida ay dawladu u maamushay hantida qarankana guud ahaanba waxaan u arkaa mid khaldan kuwan hindiya laynka iyo kuwii ka horeeyayba waayo waxa looga baahnaa hantida qaranka oo dhan marka hore in la qiimeeyo guud ahaan oo maxay dawladu ka maarmaysaa ama maxaa gaboobay sida gawaadhiga, guryaha iyo iwm.

Waxa jira dawladaha oo dhami marka ay wax gaboobaan oo ay hawlgab noqdaan in laga tashado sida ugu wanaagsan ee laga yeelayo. Tusaale ahaan magaalada Hargeysa oo dhan meel baabuurta lagu baarkin gareeyo malaha, meel banaan oo ilmo yari baaskiilad mariyana ma jirto dadka Hargeysa agagaarkeeda Beeraha ku leh ama dhulka ama guryaha waxa laga gooyaa dhul dan guud ah oo ay dawladu ka qaado, oo hadii la xisaabiyo garoomo dhan noqon lahaa, dawladu waxaas oo dhan waxba ugumay qaban dadwaynaha markaa waxay u baahan tahay baadhitaan in la sameeyo oo dawladani intii ay jirtay hantidii, lacagtii iyo cashuurtii dawlada ee umada ka dhaxaysay iyo awoodii dawladaba sidee ayay u isticmaashay la yidhaa markaas halkaa ayay ka soo baxaysaa, markaa waxaan u arkaa arrintani in aanay ahayn guryaha oo kaliya balse hantidii si xun loo isticmaalay.

Wasiiradii iyo agaasimayaashii mid laba saacadood shaqeeyaa ma jiro, markaa hadii aad todobaadkii sideed saacadood shaqayso wakhtigii waad lumisay. Markaa dadkan ay umadu masuuliyada u dhiibtay waxa ugu badan ee ay ka musuqmaasuqeen waa wakhtiga.

Waxaan jirin daacadnimadii ninka wasiirka ah ama madaxweynaha ah imika ayaa aaminaya hadalkiisa markaa hadii ninkii masuuliyada ugu saraysa ee dalka hayay la leeyahay waa beenaale ama balan buu igaga baxay waa ayaan darro oo milgihii xafiiska ayuu kharibay waxaa ka daran hadii ninka madaxweynaha ah ama wasiirka ah la yidhaa lacagtii ayuu qaatay oo dantiisa ayuu ku raacday milgihii ayuu meel kaga dhacay, hadii madaxweynuhu ama wasiirku inankiisa tacliin Yurub ah u diro oo lacagtii qaranka lagu bixiyo, kii askariga ahaa ee ilaalinayayna inankiisii saaqiday oo uu iska bixin kari waayay lacagtii iskuulka waa danbi qaranka laga galay oo u baahan baadhitaan, hadii marka ninka madaxweynaha ahi uu xanuusado la yidhaahdo jarmalka ayaa lagu soo dawaynayaa oo ay malaayiin doolar ku baxdo lacagtii dadka ayaa lagu isticmaalay, umadii dhamayd oo 200-mitir u jirtaana cusbitaalkooda aan war loo hayn markaa adeer afar guri oo Hindiya laynka ah waxa ka wayn in la xisaabiyaa waxaan leeyahay nidaamka (dawlada) ayaa u baahan in dib loo daba galo.

S: 18-sano ka bacdi Somaliland dedaal badan oo ay gashay wali may helin wax ictiraaf ah, xukuumaduna waxay sheegtay inay dedaalo badan samaysay balse aanay ku guulaysan, idinku mucaarad ahaan hadii xilka ku guulaysataan qorshe isbedel oo arrimahaasi ku saabsan oo idinku keeni kartaan ma jiraan?

J: Dawlada imika joogta siiba ninka madaxweynaha waxaa lagu doortay oo dad badani isku qancinayeen waa laynugu ictiraafayaa madaxweynaha marka sababo badan loo eego awgeed isagu ma dedaalay mise ma dedaalin waxay ku xidhan tahay qof iyo aragtidiisa, laakiin waxaan leeyahay si taa looga baxo isagana aan loo dulmiyin, inaguna aynu xaqa soorno hawlaha uu qabtay ee ictiraafku waa u qarsoodi ee cid ugama jirto, markaa hadii aan anigu malahayga sheego oo aan ku dhaliilo la yaab kuma lihi ilayn wixii naga dhexeeyay ee ama ra’yi ku kordhin lahaa ama aan ugu gar qaadi lahaa wuu iga qarsaday oo intuu iska dhaqaajiyo ayuu danta qarankaan u baxay yidhaahdaa, wuu soo noqday waan isa soo afgaranay ayuu yidhaa, labadiina ictiraaf iyo wax u muuq eg toona ma hayno, imika waxaan joognaa 7-sanadood oo aan ictraafkii la hayn kol hadii aan ictiraafkii la hayna nasiib uma yeelan in ictiraafkii ay helaan, waxa danbi ah in dadka ay dalka wada leeyihiin ee uga tacabka badan ee uga lexe jeclada badan inay ka qarsadaan.

S: Waxaa jirtay xaflado lagu taageerayay madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa halkan lagu qabtay Somaliland waxay sheegtay in 18-May laga xusi doono dalka Jabuuti in kasta oo aanay taasi dhicin. Sideed u aragtaa siyaasada Somaliland iyo Jabuuti ee xukuumadu sheegtay inay sii xoogaysanayso?.

J: Mid waan aaminsanahay oo waa in Jabuuti iyo wadamada jaarkeena ah cilaaqaad wanaagsan aynu yeelano oo saaxiib iyo walaaltinimo yeelano ninkii ku dedaalana waan ku taageerayaa, ninkii taa diidana waan ka duwanaanayaa, markaa waxaan jeclaan lahaa in walaaltinimada iyo saaxiibtinimadu ay ahaato mid isku miisaaman oo aan dhinacna loo duwin kuu doonaba ha ahaadee. Dawlada maanta joogta iyo Jabuuti waxa ka dhexeeya iyo waxay saaxiib ku yihiin ma ogi waayo dawladeenu waxba inooma sheegto, laakiin waxaan ku diirsanayaa hadii uu xidhiidhkaasi wanaagsanaanayo waa inuu noqdaa mid isku dheeli tiran, xafladaha halkan lagu qabtay anigu waxaan aaminsanahay maahmaahda soomaaliga ah ee tidhaahda “Nin maqan amaantii, waa nin jooga caydii”.

Hadii madaxweynaha jabuuti dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabtay oo uu shaqeeyay oo ay ku amaaneen oo geeska afrika oo dhan looga qiraayo oo inaga lafteenu u qirayno inuu dalkiisa u shaqeeya, waxay ahayd inuu isagu (Rayaale) uu amaanta yeesho, laakiin miyaanay ceeb ahayn marka kii joogay wax amaana la waayay kii maqnaana la amaanay. Markaa “Madaxweyne Maqan amaantii waa ka jooga ceebtii”.

Wargeyska Saxansaxo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: