Toggaherer’s Weblog

MAKHATAL OO AHAA MUWAADINKA UGU HOREEYEY EE SOCDAALKA DHUKA KU YIMADA S/L ILAA UK

Posted on: June 4, 2009

MAKHATAL OO AHAA MUWAADINKA UGU HOREEYEY EE SOCDAALKA DHUKA KU YIMADA S/L ILAA UK

HAR 31 May 2009 (THN)
Waxaa maanta magalada Hargaysa si wayn loogu soo dhaweeyey mudane muwaadin Maxamed Muuse Yuusuf Maqtal oo ahaa muwaadinkii Somalilanderka ahaa ee gaadhiga ku soo maray ugu yaraan 19 dal oo dhulka ah waqti gaadhay shan bilood iyo badh taas oo noqonaysa Scor cusub oo uu dhigo no Somali ah .

click to comment
click to comment

Muwaadinka oo ka soo bilaabay socdaalka Dalka UK waxa uu ku soo maray socdaalkiisa ku soo maray dalak badan oo ka kala tirsan qaarada Aurope iyo Asia iyo Africa ilaa uu ku yimid casaamida dalka Somaliland ee Hargaysa oo ah meeshii uu deganaan jiray muwaadinku guriyihisa iyo hadtidiisuna taal.

click to comment

Muwaadinkan arintanta mucjida ah la yimid oo dalka Somaliland ka soo galay dhinacaa iyo dalka jabuuti markii uu safiirka dalka Etiopia u fadhiya Jabuuti uu u diiday Visaha uu ku galilahaa dalkooda taas oo kaliftay in uu soo maro dhinca Somalidna iyo jabuuti xadka u dhaxeeya ayaa waxaa ka hortaga dadweyne aad u tiro badan iyo madax ka socday dawlada.

click to comment

Eng Xussen Maxamuud Jiciir oo ah Gudooomiyaha golaha degaanka ahna Duqada caasimada Hargaysa ayaa si wayn u soo dhaweeyay maada uu yahay duqo masuulka ka masuulka ah caasimada iyo hawlaheeda waxa uu muwaadinkan ku soo dhaweeyey caasimada Hargaysa maadaana uu la yimid arin mucjiso ah oo aan hore loo samayn .
click to comment

Makhtal ayaa markii uu soo gadhay duleedka magaalda Hargaysa waxa uu saxaafada siiyey warbin ku saabsan waayihiisii iyo waxyaalo uu research u soo sameeyey taas oo uu u sheegay warbixinan waxaanuu yidhi mudane Maxamed Muuse “ Waxaan idinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad iigu soo dhawayseen dalkeenii hooyo waxa kale oo aan idiin sheega sababa igu kaliftay in aan waxaas oo dhibaato ah u soo maro taas oo ah in bal aad dadka tuso in aynu nahay dalk jira sidaa awgeed ayn ina ictiraafaan maadaama gaadhi lagu tagi karto ilaa wadanka Somaliland waxa kale oo aan dhiiri galin uga dhigayaa dhaliyarada kale ee ku nool wadamada caalamka in ay jidkan oo kale sameeyaan albaab walbana u garaacaan sidi ictiraaaf loo heli lahaa busho tiro intaa leeg in xaqooda la duudsiyaa meelna kuma qorna waana wax dulmi ah ”
Sidaa waxaa yidhi oday Makhtal.

Isaga oo hadalkii sa sii watana waxa uu ku daray “Cadawga Somaliland waxaa ka mid ah Madaxa laanta BBC da oo had iyo jeer is hor taaga marka war wanaagsan oo khuseeya Somaliland la wado halka uu warka dhibaata ku ah ama lidka uu soo daayo tusaale ahaan aniga laba jeer oo aan u duubay arimo muhiim ah xaga hoose ayuu dhigtay oo soo muu daynin, halka maalmihii qaraxyada uu ku wiirsi ahaa uu doonayey in uu sii wad wado markaa waxaan leeyahay waxaad tahay cadawga Somaliland oo waanu ku ognahay fariintaas ayaan u dirayaa ”

Ugu dambayntii Makhtal oo sheegay in uu dhibaatoyin badan u soo maray arinta ayaa waxa uu u mar labad u mahad naqay mayerka casimada Hargaysa iyo madaxdii kale ee la socotay iyo dhaman shacabkii Somaliland ee iga hor yimid.

Maxamed muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: