Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNAHA IYO WAFTIGIISII OO BOOQDAY DEGMADA SHEEKH .

Posted on: June 4, 2009

MADAXWEYNAHA IYO WAFTIGIISII OO BOOQDAY DEGMADA SHEEKH .

Sheekh 02 June 2009 (THN)


mages/xslide1.gif” border=”0″ ismap=”ismap” />

Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay shalay booqdeen degmada Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dad aad u tiro badan oo safnaa jidadka Magaalada laga galo, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo soo dhawayn ah, isla markaana lulayay calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Caleemo qoyan. Madaxweynuhu waxa dabadeedna booqday Dugsiga Tababarka Xanaanada Xoolaha, dugsigaasi oo dhawaan laga hir geliyay degmada Sheekh, isaga oo ah dugsi ay dhigtaan arday aad u tiro badan oo ka kala socda Somaliland, Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan Geeska Afrika. Madaxweynuhu, waxa uu isla goobtaasi ku dhagax dhigay qayb cusub oo lagu dari doono dugsigaasi tababarka xanaanada xoolaha, kaasi oo noqon doona qayb loogu tallo galay hablaha dugsigaasi wax ka dhigtaa in ay seexdaan iyo shaybaadho dhinaca cuntooyinka ah oo ay wada jir uga soo qayb geli doonaan arday badan oo ka socota wadamada ku bahoobay ururka lagu magacaabo IGAD. Madaxweynuhu, waxa kale oo uu booqday dugsigii sare ee Magaalada Sheekh oo dib u dhiskiisa iyo casriyayntiisaba ay maal gelisay hay’adda loo yaqaano SOS, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Macalimiinta Dugsiga iyo Arday tiro badan oo ah kuwa wax ka dhigta dugsigaasi. Madaxweynuhu waxa kale oo uu booqday degmada Go’da weyn oo ka mid ah degmooyinkii cusubaa ee Madaxweynuhu magacaabay dhawaan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay booqdeen Buurta Gacan Libaaxo oo loogu sameeyay Qado sharaf ay ku marti qaadeen Maamulka iyo Madaxda Degmadu. Buurta Gacan Libaax oo ah meel ku haboon dalxiiska, dad badan oo dalxiisayaal ahina ay soo booqdaan, waxa laga dhex beeray dhir qurxoon oo qiimo badan leh, kuwaasi oo ay taageero weyn ka gaysteen hay’adda loo yaqaano Candle Light oo sagaalkii sano ee ugu dambeeyay ka shaqaynaysay dhiraynta iyo biyo joojinta buurta Gacan Libaax. Intii Madaxweynaha iyo wefdigiisu ay kormeerka ku marayeen degmooyinka Sheekh iyo Go’da weyn, waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxda Degmooyinka, Madax-dhaqameedyada, Culimada , Aqoonyahanka iyo dadweyne aad tiro badan oo isugu jira Haween iyo dhalinyaro. Kulamadaasi dhawr qof oo degmooyinka matalayay oo halkaasi ka hadlay, ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa u soo bandhigay waxa u qabsoomay tan iyo hadda iyo baahiyahooda kala duwan ee u baahan in mustaqbalka la daboolo, xukuumaduna ay ka taageerto, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Amniga. Gabo gabadiina waxa uu Madaxweynuhu u jeediyay dadweynihii halkaasi isugu yimid hadalo kooban oo uu ugu mahad naqayo soo dhawaynta fiican ee uu kala kulmay degmooyinkaasi, isla markaana u sheegay in xukuumadu aanay ka hagranaynin inta ay awoodi karto baahiyahooda ay soo bandhigeen, isla markaana waxa uu ka codsaday Madaxweynuhu in ay qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan xukuumada, si wax looga qabto. Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiir xigeenka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL. Allaa Mahad leh Siciid Cadaani Mooge Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

value=”cy=ms&il=1&channel=2161727821162229075&site=widget-53.slide.com”/>

href=”http://www.slide.com/pivot?cy=ms&at=un&id=2161727821162229075&map=1″ target=”_blank”>

href=”http://www.slide.com/pivot?cy=ms&at=un&id=2161727821162229075&map=2″ target=”_blank”>

href=”http://www.slide.com/pivot?cy=ms&at=un&id=2161727821162229075&map=F” target=”_blank”>

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: