Toggaherer’s Weblog

DAWLADA SWEDEN AYAA SHEEGTAY DHALIYARO DHALASHADOODA HAYSTAA IN AY SOMALIA JIHAD U DONTEEN

Posted on: June 4, 2009

DAWLADA SWEDEN AYAA SHEEGTAY DHALIYARO DHALASHADOODA HAYSTAA IN AY SOMALIA JIHAD U DONTEEN

Warbixin laga soo saarey waaxda amaanka ee wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay heshey warbixin tilmaameysa in illaa 20 dhalinyaro ah oo rag ah oo heysta dhalashada dalka Sweden ay u soo dhoofeen dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya. Patrick Peter oo ah haweeney afhayeenad ah oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa sheegtey in dhalinyarada Sweden u dhaltey ay ka soo tageen dalkaasi afartii bilood ee la soo dhaafey, waxayna dhamaantood ka degeen magaalada Muqdisho halkaasi oo ay dhowaanahan ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Waxaa wasaaradu ay sheegtey inay aad uga walaacsan tahay tirada dhlinayarada Swedish-ka ah ee ku biiray kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya. Afhayeenada wasaarada arimaha dibada u hadashay waxay sheegtey in dhalinyarada qaarkood ay ku dhinteen dagaaladii dhexmarey xoogaga ururka Al Shabaab iyo ciidamada dowlada ee ka dhacay Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay telefoono kula soo hadli jireen meelo ka mid ah Soomaaliya iyagoo aan la ogeyn, waxayna ugu dambeyntii u soo safreen Soomaaliya. Wasaaradu waxay sheegtey in dhalinyaro badan oo u dhashey wadamada reer galbeedka ay ka dagaalameen Soomaaliya, kuwaasi oo fikrado adag laga dhaadhiciyey. Hadalkan ka soo yeeray wasaarada arimaha dibada ee Sweden waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhowaan dowlada Mareykanka ay shaacisey in dagaalyahano ajaaniib ah oo gaaraya illaa 300 ay yimaadeen Soomaaliya si ay uga garab dagaalamaan kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya. Saraakiisha Al Shabaab ayaa iyaguna horey u sheegay inay soo dhoweynayaan walaalaha jihad doonka ah ee ku soo biiraya. Wariye Jokar Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: