Toggaherer’s Weblog

DAWLADA DEUTSCLAND OO SHACISAY IN AY GARGAAR SIIN DOONTO DADKA KA BARAKACAY SOMALIA

Posted on: June 4, 2009

DAWLADA DEUTSCLAND OO SHACISAY IN AY GARGAAR SIIN DOONTO DADKA KA BARAKACAY SOMALIA

Berlin 31 May 2009 (THN)
Xafiiska Amuuraha Dibada ee Dalka Germany ayaa waxaa uu kordhiyay gargaarka biniaadnimo ee loo fidinayay Dadka Soomaaliyeed waxaana gargaarkaas lagu kordhiyay 1 million oo Euro si wax looga qabto xaaladaha biniaadnimo ee halkaasi ka jira.

Warkan ka soo baxay Dowlada Germany ayaa waxaa lagu sheegay in arintani ay timid ka dib markii Maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo xoog badan oo ka dhacay Caasimada Muqdisho ay sababeen in dad badan ay ka barakcaan halkaasi, kuwaasi oo xaalado nolol xumo la so deristay.

Xafiiska Amrimaha Dibada ee Dalkaasi Deutschland waxaa uu ku sheegay warkan ka soo baxay in ay gargaar u fidinayaan Dadkaasi ka barakcay dagaalada Magaalada Muqdisho kuwaasi oo kabadan 60,000 oo qof waxaana ay sheegtay in goobaha ay u barakaceen ugu geyn doonan iyaga oo kaashanaya gaarsiinta gargaarkan NGO-yada Localka ah ee ka shaqeeya Gudaha Soomaliya

Gargaarka Dowlada Germany ay ugu talagashay dadka ka barakacay Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Bustayaal iyo goyaal ay huwadaan dadku ,Biyo nadiif ah oo la cabo,iyo cunto karinteedu ay fududahay oo loogu talagalay dadka xaaladaha nolol xumo ay ku haytaan Duleed Magaalada Muqdisho.

Xafiiska arimaha Dibada ee Germany waxaa uu sheegay inay Qorshaha xiga ee ay ugu talagaleen Dalka soomaaliya geyn doonan Deegaanada Somaliland iyo Puntlanad oo ku aadan in Dawooyin iyo qalab kale la siiyo Isbitaalada Magaalooyin ka mid labadaa maamul sida lagu sheegay warbixinta Dowlada Germany.

Dowlada Deutschland waxay burburkii dawladii Siyaad Bare ilaa xilligan dalka soomaaliya gaarsiisay gargaar bini aadanimo oo gaaraya 20 Million oo dollar tasi oo ay ugu talagaleen wax u qabashada dadka halkaasi ku dhibaateysan waxayna sheegtayinay sii wadi doonan gargaarkaasi.

Dahir Shaami
Wiestbaden
Deutschland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: