Toggaherer’s Weblog

WARAR GOOGOOS AH OO KU SAABSAN BURCAD BADEEDA SOMALIA

Posted on: May 31, 2009

WARAR GOOGOOS AH OO KU SAABSAN BURCAD BADEEDA SOMALIA

Ciidamadda badda ee wadanka Hindiya ayaa waxay ka hor tageen burcad badeed weerar ku qaaday markab nooca Xamuulka qaada oo xilliga ay weeraraayeen maraayay xeebaha gacanka Cadmeed.

Markab dagaal iyo Helicopter ay leedahay wadanka Hindiya ayaa waxay fariin gurmad ah ka jawaabeen Markabka la weeraray oo fariin uu soo diray maraakiibta dagaal ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Waxaana ay isla markii soo aadeen goobta,waxayna Ciidamadda sheegeen in ay arkeen labo qof oo jaran jaro ku sii kori rabay markabka oogadiisa sare.

Balse waxay isaga soo laabteen ka dib marki ay arkeen Ciidamadda.

Kooxaha budhcad badeeda ee markabka weerartay ayaa waxaa la sheegay in ay wateen dooni yar ayna gaareeyeen 8-qof.waxaana ay isla markii isaga carareen oo ka baxsadeen goobta.

Markabka la weeraray ayaa waxaa uu ka diwaan gelisanyahay Wadanka Liberia,waxaana aan la ogeyn halka laga leeyahay iyo tirada iyo wadamada shaqaalaha saaran markabka.

BUDHCAD GADHAYSA 29 AYAA RUUSKU KU WAREEJIYEY IRAAN IYO PAKISTAN:-

Ciidamadda badda ee wadanka Rushka ayaa waxay kooxo burcad Badeed gaareeya 29-qof ku kala wareejiyeen wadamada Pakistan iyo Iraan.

Afhayeen uu hadlay ciidamadda badda ee wadanka Rushka waxaa uu Wakaaladda Wararka ee AFP uu sheegay in usbuuci aan soo dhaafnay ay Kooxahaas labo qayb uu kala qaybiyeen ayna ku kala wareejiyeen Xukumadaha Iraan iyo Pakistan.

Wararka waxay sheegaayan in sababta keentay in xukumada Rushku ay kooxahaas ku wareejiso ay tahay tiradooda oo aad uu badan.

Ciidamadda Badda ee Wadanka Rushka ayaa waxay Kooxahaas budhcad Badeeda soo qabqabatay Bishi aan soo dhaafnay ee April ka dib markii ay isku deyeen in ay Qafaashaan Markab ay la socdeen Shaqaale uu dhashay Wadanka Rushka.

Hore ciidamadda isbahaysiga ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed waxay heshiis la galeen wadanka Kenya kaa oo dhigeeya in ay ku soo wareejiyaan kooxaha budhcad badeeda ay soo qabtaan.

Lama yaqaano iminka sababta dhabta ah ee Keentay in Ciidamadda Rushku ay Kooxo burcad badeed ay soo qab qabatay in ay ku wareejiso Xukumad kale.

Waxaana ay sidoo kale wadankeeda iminka ku haysa Kooxo burcad badeed oo ay ka soo qabatay xeebaha wadanka Soomaaliya halkaas oo lagu Wado in ay ku maxkamadayso.

Axmed Cali Siciid
Nairobi
Kenya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: