Toggaherer’s Weblog

UGU YARAAN 39 TAHRIIBE AYAA KU DHINTAY XEEBAHA YEMEN HALKA TIRO KALENA WAY BADBADAY

Posted on: May 31, 2009

UGU YARAAN 39 TAHRIIBE AYAA KU DHINTAY XEEBAHA YEMEN HALKA TIRO KALENA WAY BADBADAY

Adan 30 May 2009 (THN)
Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintey biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen,ugu yaraan 39 qofood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen biyaha u dhexeeya labada dal markii ay doonidii ay la socdeen ku dejisey meel badweynta ku taal gobolka Shabwa ee dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa wareysi ayaa war uu shaaciyey ku sheegay in dadka la socdey doonta oo ahayd tii ugu dambesey ee gaarta Yemen ay la socdeen 43 qofood oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana ka soo badbaadey 12 qofood oo kaliya.

Qunsulku waxa uu sheegay in tirada dadka tahriibka ah ay soo badanayaan dhowaanahan iyadoo ay taasi ugu wacan tahay xaalada colaadeed ee ka soo cusboonaatey koonfurta ee u dhexeysa dowlada iyo mucaaradka.

Tahriibayaasha soo badbaaday waxaa ku jira carruur aad u da’ yar, kuwaasi oo la soo geliyey safarka tahriibka ee halista ah.

Xuseen Xaaji Axmed waxa uu sheegay in dadka dhintey lagu dejiyey gudaha badweynta oo ay dabaalan waayeen, sidaasina ay keentey inay biyaha ku dhintaan.

Meydadka dadkaasi waxaa lagu aasey xeebta gobolka Shabwa ee dalka Yemen.
Waxaa jira dad kale oo la soo badbaadiyey iyago la ill daran xanuunka shubanka oo ka dhashey biyaha cusbada oo ay cabeen ka dib markii mudo ku dhow todobaad ay bada ku jireen.

Xuseen Xaaji Axmed waxa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay baaritaan ku sameeyeen dadkaasi oo hadda ku jira cusbitaalka daweyna lagu hayo.

Qunsulku waxa uu sheegay in dadka tahriibka haatan ay soo badanayaan, waxaana dadkaasi dhamaantood ay ka soo tahriibaan xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Dhacdadan ayaa noqoneysa midi ugu dambeysey oo ka dhacda biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya, halkaasi oo ay sanad walba boqollaal ku geeriyoodaan safarka tahriibka ee ay galaan.

Axmed Xasan Farax (Xayfi)
Adan
Yemen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: