Toggaherer’s Weblog

SAFAARADA AY NORWAY KU LEEDAHAY WADANKA KENYA OO HANJABAAD EMAIL AH LOO SOO DIRAY

Posted on: May 29, 2009

SAFAARADA AY NORWAY KU LEEDAHAY WADANKA KENYA OO HANJABAAD EMAIL AH LOO SOO DIRAY

click to comment

Safaarada dowlada Norway ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xaqiijisey inay heshey farriin hanjabaad ah oo loo soo direy.

Fariintan oo E-mail ahaan lagu soo gaadhsiiyey safaarada ayaa lagu sheegay in qoraalka soo gaadhey safaarada uu ku socdo xarunta safaarada.

Haweeneyda safiirada ka ah safaarada Norway ee Kenya Elisabth Jicobson ayaa u sheegtey wakaalada wararka Reuters in hanjabadaasi ay ku wargelisey booliska Kenya.

Waxaa qoraalka e-mailka ee ay heshey safaarada oo ay soo bandhigtey wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu soo qorey in Norway ay ku jirto talaabooyin lagu boobayo badda Soomaaliyeed, iyadoo teegeero ku siisay dowlada Kenya habka diyaarinta khariirada iyo sahminta badda.

Elisabth Jicobson ayaa sheegtey in E-mailka loogu soo direy e-mailka ay leedahay safaarada ayna aragtey xilli ay eegeysey fariimaha usoo dhacay.

Waxa e-mailka lagu qorey “Kenya waxay saldhig u noqotey cadawga Islaamka waana inay u diyaar garowdaa weerar aar goosi ah”.

Fariintaasi Emailka waxaa sidoo kale loogu hanjabey warbaahinta Kenya qaarkood oo iyaguna lagu eedeeyey inay gacan siiyaan dad cadow ah.
Booliska Kenya weli kama hadlin arintan, waxaase wararka naga soo gaadhaya ay sheegayaan in ciidamada boolisku baadhitaan ku sameynayaan arintan.

Norway waxay khubaro ugu deeqday dhowaan guddi ku hawlanaa heshiiskii xagga badda ee ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa hanjabaadan ay noqoneysaa tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee loo diro safaarada Norway ee Kenya oo ah dal deris la ah Soomaaliya.

Mana jirto cid weli si gaar ah loogu eedeeyey inay soo dirtey fariinta loogu hanjabay safaarada Norway ee dalka Kenya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: