Toggaherer’s Weblog

RAISAL WASAARAHA SOMALIA OO MAANTA U DHOOFAY DALKA LIBIYA(SAWIRO)

Posted on: May 29, 2009

RAISAL WASAARAHA SOMALIA OO MAANTA U DHOOFAY DALKA LIBIYA(SAWIRO)

click to comment

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wefdi uu hoaaminayo ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde International Airport, isagoo ku sii jeeda magaalada Tripoli ee dalkaasi Liibiya.

click to comment

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehliyay wasiirada Dib u dhiska iyo Waxbarashada, Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Sheekh Maxamuud (Waayeel) iyo Sarakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Yaasiin Muuse Boqor iyo Cawaale Cali Kullane.

click to comment

Kulankan oo ka furmi doona dalkaasi Liibiya maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beean tahay (29.05.2009), ayaa la filayaa inuu socdo ilaa 30-ka bishan May, iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan dalalka ka tirsan jiida Saahel oo kala ah, Somalia, Nigeria, Sudan Senegal, Mautiritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad iyo Ethiopia.

click to comment

Ajendaha ugu weyn ee shirkan ayaa noqon doona arrimaha ku aadan Caafimaadka iyo dhaqanka, waxaase la filayaa in si weyn diirada loo saaro arrinta Somalia, gaar ahaana taageero ay dalalkani u fidiyaan dowladda, sida arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Waxbarashada, iyo Caafimaadka.

Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa la filayaa inuu khudbo halkaasi ka jeediyo, taasoo uu ku sharaxayo arrimaha dalka Somalia iyo sida ku haboon ee loo taageeri karo dowladda Somalia, waxaana sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalkaasi iyo kuwa dalka Liibiya.

Joker
Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: