Toggaherer’s Weblog

HAYADA XUQUUDA AADAMIGA AMNESTY OO WARBIXIN KA SOO SAARATY HEERKA XUQUUQDA AFRIKA

Posted on: May 29, 2009

HAYADA XUQUUDA AADAMIGA AMNESTY OO WARBIXIN KA SOO SAARATY HEERKA XUQUUQDA AFRIKA

click to comment

Hay’ada Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa soo saartey warbixin sanadeed ay kaga hadashay heerka xuquuqda aadanaha ee qaarada Afrika taasi oo ay Soomaaliya meel sare kaga jirto.

Warbixinta hay’ada Amnesty International oo soo baxday maanta ayay hay’adu si daran walaac uga muujisey heerka ay mareyso xaalada xuquuqda aadanaha ee ka jirta guud ahaan qaarada Afrika, waxayna hay’adu tilmaantey inay sii bateen ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Warbixinta Amnesty Interntional waxay Soomaaliya ku sheegtey inay bateen tacadiyada ku xadgudubka xuquuqda dadka sida kufsiga dumarka oo aad ugu badan goobaha colaadaha, iyadoo sidoo kalana ay jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dilka iyo weerarada dadka ka shaqeeya arimaha bulshada iyo saxaafada.

Amnesty International waxay walaac ka muujisey in haddii aan la helin wax ka qabasho lagu joojinayo dhibatooyinkaasi ay gaadhi karto meel khatar ah.

Gobolada dagaalada ay ka jiraan ee koonfurta iyo badhtamaha ayey hay’adu tusaale ugu soo qaadatey inay ku badan yihiin tacadiyada loo geysto dadka.

Waxay hay’adu ku baaqday in la helo la xisaabttan dhab ah oo lagu fuliyo dadka ku kaca tacadiyada ka dhanka ah bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Dalka Sudan ayey Amnesty International sheegtey inay sii bateen weerarada, xadhiga iyo shaqo ka joojinta dadka ka shaqeeya hawlaha gargaarka, kuwaasi oo soo kordhayey tan iyo wixii ka dambeeyey markii maxkamada dambiyada ee caalamiga ay soo saartey amar lagu xidhayo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Warbixin sanadeedka Amnesty International waxaa isku soo dubaridey xafiiska hay’ada ugu qaabilsan qaarada Afrika, waxayna ku soo beegmeysaa xilli dalka Soomaaliya ay ka jiraan dagaalo u dhexeeya dowllada KMG iyo xoogag islaamig ah ee ka hor jeeda.

Waxaana dagaaladaasi ay galaafteen nolosha dad badan oo rayid ah, iyadoo kumanaan kalana ay ku barakeceen colaadaha.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa mararka qaar lagu eedeeyaa inay galaan falal ka dhan ah bani’aadanimada oo ay ka mid yihiin in laga taxdarin dadka rayidka marka ay dagaalada socdaan ama ay dadku barakacayaan oo ay dhexmarayaan cidamada dagaalamaya.

Dad badan ayaa iyaguna lala beegsadaa rasaasta iyo madaafiicda taasi oo keenta dhimashada rayid Soomaaliyeed oo aan dagaal ku jirin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: