Toggaherer’s Weblog

DHACDOOYINKA ADUUNKA:ILMO YAR OO LA SOO HELAY ISAGA OO LA NOOL EY IYO BISADO DALKA RUUSHKA

Posted on: May 29, 2009

DHACDOOYINKA ADUUNKA:ILMO YAR OO LA SOO HELAY ISAGA OO LA NOOL EY IYO BISADO DALKA RUUSHKA

click to comment
SAWIRKA ILMAHA YAR

Booliiska dalka RUSSIA gaar ahaan gobalka Siberia ayaa soo helay Ilmo yar INAN (GABADH)ah oo jirto 4 sano, Inantaas yar ayaa sida la rumeysan yahay waxaa soo koriyey Bisado iyo Ey.

Ilmaha ayaa laga dhex helay guri Dunsan oo ku dhexyaal magaalada Chita ee gobalka Siberia, Ilmahan yar ayaa la sheegay inaysan hadli karin.

Booliiska ayaa sheegay in gabadhan yar aan weligeed loo ogolaan inay banaanka uga soo baxdo gurigii laga dhex helay, waxayna sheegeen Boolisku inay gabadhan yar u dhaqanto sida ay u dhaqmaan Xayawaankii ay ku dhex nooleyd ee Eyada iyo Bisadaha.

Booliiska ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay markay arkeen gabadhan oo u ciyeysa sidii Eyada isla markaan u bood boodeysa sida xaywaanka oo kale, iyada oo ku soconeysa gacmaha iyo lugahaba.

Booliiska ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo helaan hooyadii dhashay Ilmahan, balse Aabihii dhalay ayaan weli Isaga la soo qaban.

Booliska ayaa sheegay in gabadhan aan weligeed loo meydhin, isla markaana ay qaabkeedu u ee kaaday sidii xaywaanka.

Warbixinta Booliiska ayaa lagu sheegay in Afar sano illaa shan sano ay soo korinayeen gabadhan koox bisado ah iyo Ey ah, isla markaana aysan weligeed banaanka arag.

Gabadhan ayaa la sheegay inay awood u leedahay inay is af fahmaan Xayawaanka, balse aan luuqadna ku hadli karin, walow la sheegay inay u muuqato iney fahmeyso qeybo kamid ah luuqada Ruushka.

click to comment
SAWIRKA AY SOO BANDHIGEEN BOOLISKU EE EYDA AY LA NOOLAYD ILMAHA YARI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: