Toggaherer’s Weblog

WARARKII U DANBEEYEY EE MADAXWEYNE RIYAALE IYO WARFTIGIISII KU SUGNAA BERBERA(DAAWO SAWIRADA )

Posted on: May 28, 2009

WARARKII U DANBEEYEY EE MADAXWEYNE RIYAALE IYO WARFTIGIISII KU SUGNAA BERBERA(DAAWO SAWIRADA )

Warsaxaafadeed Wefdiga Madaxweynaha ee Berbera

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee weli ku guda jira safarkii shaqo ee ay ku joogeen Magaalada Berbera, Caasimada Gobolka Saaxil, ayaa Saaka ka qayb galay Shir balaadhan oo uu u kuur galayay Waxqabadka Waaxyaha iyo laamaha Xukuumada
ee Gobolka Saaxil.

click to comment

Kulankaasi balaadhan oo lagu qabtay xarunta Dawlada Hoose, waxa ka soo qayb galay Dhamaan Waaxyaha iyo Laamaha horumarinta Bulshada haddii ay noqon lahayd Dawlada Hoose, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, Cadaalada , Arrimaha Qoyska, Diinta iyo Awqaafta iyo waaxyaha kale ee ka
hawl gala Arrimaha Horumarinta Gobolka.

click to comment

Kulankaasi, waxa ka hadlay Masuuliyiin fara badan oo si qoto dheer u qaadaa dhigay waxyaabaha u qabsoomay dhinacyada Adeega Bulshada iyo baahiyaha kala duwan ee aanay weli dabooli Karin, una baahan in sida ugu
dhakhsaha badan wax looga qabto.

click to comment

Masuuliyiinta halkaasi ka hadashay wax ka mid ahaa Maayarka Magaalada Berbera, Badhasaabka Gobolka, Maamulaha Wakaalada Biyaha, Agaasimaha Waaxda Laydhka, Isu-duwaha Caafimaadka iyo masuuliyiin badan oo kale, wax intooduba ay ugu mahad naqeen socdaalka Madaxweynuhu uu ku yimid Gobolka
Saaxil caasimadiisa Berbera, si uu ugu kuur galo Waxqabadka Waaxyaha kala duwan iyo baahiyahoodaba, waxana ay sheegeen in Magaalada Berbera ay aad ugu diirsatay Mishiinadii waaweynaa ee Laydhka oo aan la bakhtiinin afar
iyo labaatanka saacadood habeen iyo maalinba, kuwaasi oo ay sheegeen in hirgelintooda uu sabab u ahaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku dedaalay in Berbera ay hesho laydh ku filan, iyadoo Mishiinadu ay u baahan yihiin wakhtigan xaadirka ah Macmiil ka badan inta
ay haatan gacanta ku hayso, taasi oo ay rajaynayso in ay soo kordhi doonaan mustaqbalka, si loo daboolo baahiyaha dhinaca shidaalka iyo kharashaadka kale ee ku baxa waaxda Laydhka.

Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladii halkaasi Madaxdu ka sheegeen Maareyaha Wakaalada Biyaha oo yidhi (Berberi waa Magaalada Kaliya ee Biyaha Macaani aanay ka go;in maalin walba, dhamaan magaalada qaybaheeda kala duwan).

click to comment

Madaxweynaha oo halkaasi hadal uga jeediyay masuuliyiintaasi , waxa uu ka codsaday intii awoodooda ah in ay dedaalkooda sii laban laabaan, iyada oo
xukuumadiisuna ay ku dedaali doonto intii awoodeeda ah in ay wax ka qabato baahiyaha ay u soo bandhigeen.

Madaxweynaha iyo wefdigii uu hogaaminayay waxa kale oo ay soo kormeereen Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Berbera oo iyana uu u kuur galay baahiyahooda kala duwan ee ku saabsan kor u qaadida adeega caafimaadka ee
Cisbitaalka.

Ugu danbayntii, waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku soo maray Dekeda Magaalada Berbera, halkaasi oo warbixin kaga dhagaystay Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Xoor-xoor, iyadoo wakhtigaasi ay dekeda ku xidhnaayeen Maraakiib siday Raashin badan oo ay dekeda ka soo dejinaysay laanta
Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhinaca Cuntada ee loo yaqaano WFP,Raashinkaasi oo qaar ka mid ahi ay u socdeen dalka itoobiya.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: