Toggaherer’s Weblog

HALKAN KA AKHRI WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH 28 MAY

Posted on: May 28, 2009

HALKAN KA AKHRI WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH 28 MAY

Wararkii Wargeyska Ogaal, Khamiis May28, 2009.

Af-gobaadsigii Cirro, Afeeftii Faysal iyo Garnaqsigii Muuse Biixi

Shalay: Jewigii Madasha iyo Khudbadihii Masuuliyiinta

“Damaanad muuqata oo ah in aanu Komishankaasi dib u dhigin arrintaas (doorashada) ma arkayo. Laakiin, maantana.….”Muuse Biixi

“Waxa muuqata inay aqoon-daro inaga haysato xagga Diiwaangelinta, sababtoo ah..” Faysal Cali Waraabe

“Waa in dhukumentigaa la kala-saxeexanayana sidaa si ka sii qurux badan cid walba oo qayb ka ahi ay u xaq-dhowraan…” Xoghayaha Guud ee UDUB

“Waxaan qabaa in maanta Somaliland ku bad-baadayso Doorasho Xor iyo xalaal ah,” Gudd. Golaha Wakiillada

Hargeysa (Ogaal)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland, ayaa mar kale kala saxeexday qodobadda heshiis ka tarjumaya sidii loo hirgelin lahaa doorashada Madaxtooyada oo dhowr jeer dib uga dhacday waqtiyo loo cayimay.

Munaasibad loo sameeyay heshiiskaa afar-geesoodka ah ee dhexmaray Guddiga doorashooyinka, Xisbiyada UCID, UDUB iyo KULMIYE, waxa ka qaybgalay Shirguddoonka Golaha Wakiillada, xubnaha Komishanka, Madaxda Xisbiyada Qaranka, wakiilka EU-da ee Somaliland, masuuliyiinta hay’adda Interpeace, Salaadiin, xubno ka tirsan Culima-awdiinka dalka iyo marti-sharaf kale oo tiro badan. Qaar ka mid ah masuuliyiinta munaasibadaa ka qaybgalay oo hadalo ka jeediyay halkaas, waxay si faahfaahsan uga warameen muhiimada heshiiskaas, geedi-socodka hawlaha doorashooyina, saamaynta ay Somaliland ku yeelatay dib-u-dhacyada doorashadu, sida loogu baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinteeda, xaalada guud ee dalka iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Komishanka:

Ugu horayn Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in Komishan ahaan umaddu ka mudan tahay inay ka raaligeliyaan dib-u-dhacyada doorashada Madaxtooyada.“Waynu ognahayoo Doorashada inagu soo fool leh dhawr goor bay hakatay. Komishan ahaan, shacbiga iyo dadweynaha reer Somaliland waxay naga mudan yihiin in aanu ka raaligelino, haddii xagayaga wax ku habsaameen – tu (hawl) aynu wada leenahay iyo mid aynu kala leenahayba way jirtaa, guud ahaana waxa laynaga rabaa nin walba inuu kaalintiisa ka qaato, haddaan la isku duubnaan oo aan qof waliba kaalintiisa ka qaadan wax socon karayaa ma jiraan.

Mashruuca Diiwaangelintu mashruuc wadankan qiimo weyn u leh weeyaan- waa marka natiijo lagu qancaa ka soo baxdo, taasna Illaahay idamkiisa waan rejaynaynaa. Halkan qodobada imika lagu kala saxeexayaa waxay saldhig u noqonayaan oo ay tiir u yihiin Farsamada aynu ku gelayno doorashada. Xisbiyada Qaranka waxaanu ku codsanay in beri (maanta) loo balamo oo laga shaqeeyo Code Of Conduct-ka (Xeerka hab-dhaqanka anshaxa doorashooyinka) iyo qaybyadii Xeerka ka shaqeeyaan, si loo dareemo talaabada (heshiiska la gaadhay). Waxa ku xigaysa, iyadoo aanu ku xigsiinayno in 1 bisha Juun shaqaalihii gobollada iyo degmooyinka ee doorashooyinka la qoro. Waxa weeye; haddii aynaan maanta heshiiskan iskugu iman, talaabadii walba ee la qaadi lahaaba dib bay u dhacaysaa,” ayuu yidhi.

Suldaan Xassan-barre Warsame

“Anigoo ku hadlaya magaca Salaadiinta, waxaanu ku ducaynaynaa in Ilaahay ina siiyo tawqiif, wax wada qabsi, wadajir iyo wada-shaqayn baanu idiinku ducaynaynaa, waxaananu ka rejaynaynaa saddexda Xisbi qaran in waxaa maanta halkaa sida wanaagsan loogu wada saxeexay ay si fiican uga wada shaqeeyaan, yooyootankii, caydii iyo waxyaabihii ina wareerinayayna halkaas ku xidhanto.” Sidaana waxa yidhi Suldaan Xassan Barre oo ku hadlayay magaca Madax-dhaqameedkii munaasibadaa ka qaybgalay.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB:

“Waxaan rejaynayaa sidaa quruxda badan ee loo soo sharfay kulan, in dhukumentigaa la kala-saxeexanayana sidaa si ka sii qurux badan in cid walba oo qayb ka ah heshiisku ay u xaq-dhowraan oo quruxdaa maanta muuqataa ay noqoto mid ilaa doorashooyinku inoo dhamaadaan aynu joogtayno.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas.

Muuse Biixi Cabdi:

Kusimaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer ka jeediyay xafladaas, ayaa si qoto dheer uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geedi-socodka hawsha doorashadu. Isla markaana waxa uu eeda dib-u-dhaca doorashada u xambaariyay Komishanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay muddo shan jeer ka badan dib u dhigeen dib, iyadoo aanay marnaba u cuskan qodobadda Distoorka ee la xidhiidha sababaha dib u dhigi kara qabsoomida doorashada. Muj. Muuse Biixi wada uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Horta, aad baanu u soo dhawaynaynaa dadkaa akhyaarta ah ee shirkan ka soo qaybgalay, bal inay goob-joog ka ahaadaan markii lixaad ama todobaad ee doorasho dib u dhacday, haddana loo xafladaynayo in saxeex la sameeyo. Waxaanu waafaqsanahay oo aanu ogolahay in doorasho xor ah oo xalaal ahi inoo dhacdo, Nabad inoogu dhacdo oo ay calool-samaan iyo wanaag hawlaheenu inoogu dhamaadaan. Hase yeeshee, wixii run ah laga tegi maayo oo wixii welwel ah qofkii hayaa mar walba waa sheegayaa. Doorashadu waxay ahayd inay dhacdo 15/4/08, dib bay u dhacday oo Komishankan ayaa raray, waxaana la geeyay 30/8/08-dii, haddana waa la raray oo isla Komishankan baa raray, waxayna tagtay 30/12/2008-dii. Haddana waa la raray oo waxa la geeyay 29/03/09, haddana mar kale ayaa la geeyay 31/05/09, haatana waxaynu joognaa oo waraaqo u kala-saxeexaynaa 27/9/09. Isla hoolkan (Maansoor) ayaynu ku saxeexnay mid hore oo aynu sidaas oo kale yeelay.

Haddaba, waxaynu is waydiinaynaa xagee la inaga haystaa ee ay ka socon la’dahay (doorashadu), maxaase damaanad ah ee maantana aynu ku haynaa inay doorashadu dhici doonto 27 September 2009-kaa la qabtay? Intaa ay doorashadu dib u dhacaysay, mar qudha Illaahay inaguma keenin duruuftii ay doorashadu dib ugu dhici lahayd ee Distoorku qeexayo ee ahayd ‘Nabadgelyo-daro baahsan.’ Mar walba inagoo xasiloon oo waxeenu inoo Nabad qabaan ayay arrintaasi guuraysay. Haddaba, arrintaa eedeeda yaa yeelanaya? Anigu eedaa waxaan saarayaa Komishanka Qaranka, waayo; Qaranku isaga (Komishanka) ayuu u xilsaaray inuu doorashada qabto. Mar qudha Komishanku sabab Distoor ah oo uu dib ugu dhigay ma keeno, mar walbana isagaa dib u rara.! Maantana waxaynu u joognaa oo aynu waraaqaha u saxeexaynaa, iyadoo aynu ognahay hawlihii ina soo maray iyo kacaa-kuftii badnaa ee aynu ka soo marnay in aynu arrintaa (doorashada) mar uun hirgelino, waxa ugu dambeeyay Guddigii is-xilqaantay ee dhexdhexaadinta. Rag dedaaalay bay ahaayeen, waxayna soo saareen heshiis 8-qodob ah, waa la wada aqbalay baa afka laga yidhi, laakiin Xisbiga UDUB Guddoomiyihiisu wuu diiday inuu saxeexo, arrintaasina mid aan ilaa hadda garan karo maaha. Waan ogolaaday, saxeexina maayo waa arrin adag. Sidaas oo ay tahay, annagu waxaanu la saxeexaynaa heshiiska, wixii lagu qabanayo doorashada ama dalkan dan u ahba waanu saxeexaynaa oo odhan mayno shalay baa diideene, horta tii ka waynayd soo saxeexa, danta qaranka ayaananu taas ka hor marinaynaa.

Komishanka laba arrimood baan ku dardaarayaa. Laba sannadood oo ay imika korodhay mudaddii xilka dawladdu igmanayd, labadaaba dambigeeda iyo dalka wixii soo gaadhay idinkaa leh. Iyadoo qoladan dawladda uun la dhaliilo ayaad maqasheena, haddii gar Illaahay la qaadayo – gartaa idinkaa leh, waayo iyagu (Xukuumaddu) way iska jeclaan lahaayeen inay iska fadhiyaan oo aan cidina kaga daba iman. Laakiin, idinka ayay ahayd inaad dadka kala qabataan oo waqtiga iyo muddada qabataan. Imika laba sanno waynu soo gudubnay, maantana waynu joognaa, damaanad la hayo oo muuqata oo ah in aanu Komishankaasi dib u dhigin arrintaas (doorashada) ma arkayo. Laakiin, maantana waanu idin aaminaynaaye bal luuda idinka iyo qolyihii idinla shaqayn jiray oo 27-kaa yaanay inagu dhaafin.”

Dhinaca kale, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, kuwaasoo uu sheegay inay saamayn ku yeelan karaan Somaliland. “Arrintaas iyadoo aanay qaraxyadii iyo weerarkii dhicina hore ayaynu uga hadalay. Waxaad moodaa in aynu nahay Doqon nasiib badan, dadka shacabka ah iyo Mucaaridkana waxaan leeyahay, dawladda laguma lahayn karo arrintaas, waayo iyadu gaar uma laha, waana weerar inagu soo wada maqan oo Somaliland baa la diidan yahay…Waxaan codsanayaa oo aan soo jeedinayaa in Qaran ahaan arrintaas feejigo weyn iyo iskaashi badan laga yeesho, qolada xilka haysana waxaan leeyahay arrinta ha isku koobina, umadda u wada qayshada. Arrintaasi waa arrin culus, waxaanan qabaa in aynaan feejigadeedii iyo miisaankeedii lahayn, balse aynu nahay uun dad iska Nasiib badan,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID:

Eng Faysal Cali Waraabe oo hadal dheer ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu u duceeyay Mujaahidiintii SNM ee xorrayntii dalka ku naf waayay, wuxuuna ugu duceeyay xuska sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay gudo-galkii Burco oo shalay ku beegnayd, ka dib markii halgamayaashii SNM madax-madax iskugu tuureen 27 May, 1988-kii. Isla markaana waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan loo soo maray sidii umadda reer Somaliland Xornimo u heli lahaayeen, si markaa ka dib ay u dhistaan dawlad wanaagsan. “Maanta tan aynu hayno ee ah Dimoqraadiyaddu waa horseedka dawlad-wanaaga. Tiirarka ugu horeeyay ee Dimoqraadiyaddu leedahay waa Doorashooyinka oo ka kow ah. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadka inaga caawiyay doorashooyinkii, haddana inaga caawiyay Diiwaangelinta oo kow ah ka doorashooyinka. Waxa weeye; inagu umad ahaan waxaynu ku caan baxnay dad dagaalama, wax iska celiya oo aan aarsan. Waxaynu ku caan-baxnay dad waxna isu diida, waxna isu ogolaada. Maanta tani waxay ka mid tahay waxyaabaha aynu isu ogolahay, waana in aynu adduunka mar walba tusnaa inay jirto wax Birma-geydo ah oo guud oo inoo dhexeeya oo aynu wada jecelahay inay dhacdo. Maanta tani (heshiiska) waxay ka mid tahay, inkastoo farqi inoo dhexeeyo, haddana inuu jiro wax aynu heshiis ku nahay, sidii aynu caanka ku ahayn oo ay tani muujinaysaa…Waxa muuqata inay aqoon-daro inaga haysato xaga Diiwaangelinta, waayo Diiwaangelintu waa Sharciga ah ‘yaa codaynaya?’ Ma waxa codaynaya dadka af-Soomaaliga ku hadla, mise dadka reer Somaliland? taas baanay kala qeexaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID, wuxuuna intaa ku daray, in gobollada dalka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland si siman fursad loogu siiyay inay isdiiwaangeliyaan, isla markaana bulshada intii waqti u helaysay ay isdiiwaangelisay. Guddoomiyuhu waxa uu soo jeediyay in aan mugdi la gelinin natiijada Diiwaangelinta, isla markaana uu Mishiinka kala-hufaya (Server-ka) Codbixiyeyaashu uu kala saarayo oo uu saxayo dadkii hal mar wax ka badan isdiiwaangeliyay, sidaa darteedna loo baahanyahay in natiijada ka soo baxda lagu qanco, si wadajir ahna looga shaqeeyo sidii ay u noqon lahayd mid hufan oo aan mad-madow lahayn. “Maaha in Diiwaangelinta mugdi la geliyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay duruufo dhaqaale xumo uu sheegay inay dalka ka jiraan, taasoo uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Xukuumadda. Isla markaana waxa uu Golaha Wakiillada ugu baaqay inuu guddi u saaro baadhista sababaha keenay dhaqaale-xumada dalka ka taagan iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee Xukuumaddu la gashay Shirkadaha Shisheeye. Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska Xukuumaddu kula jirto Shirkadda Shidaalka ee TOTAL. Waxa kale oo uu ku taliyay in la caddeeyo halka la mariyay lacagaha dhulka Xukuumaddu iibisay ee danta guud, gaar ahaan Indian-line-ka oo dhawaan la faasaxay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gebogebadii munaasibadaa hadal kooban ka jeediyay, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Somaliland ku badbaadayso qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Waxa uu tilmaamay in heshiiskan is-afgarad iyo qodobadda arrimaha doorashada la xidhiidha ee Axsaabta iyo Komishanku kala saxeexdeen ay wax weyn ka bedelayso xaalada dalka, isla markaana ay saadaal wanaagsan u tahay hirgelida doorashada soo socota ee Madaxtooyada. “Waxaan qabaa in maanta Somaliland ku bad-baadayso Doorasho Xor iyo xalaal ah,” ayuu yidhi. Guddoomiyuhu waxa uu iftiimiyay in Guddiga Doorashooyinku dhaliil ku leeyihiin dib-u-dhacyada doorashada oo muddo soo jiitamaysay. Waxa uu sheegay in xubnaha Komishanka ay soo xuleen dhinacyo kala duwan, wuxuuna xusay in haddii loo baahdo wax-ka-bedelka iyo ka hadalka xil-haynta xubnaha Guddigaas in loo maro sifo Sharci ah.

Kulmiye oo ka hadlay Lacagta lagu dhacay Fadhi-ku-macaashka

“Waxa naxdin ah in Madaxtooyada Tuhun galo, Dumarku Lacagtii laga dhacay halkaa ku sheegaan”

Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Ogaal)- “Sida Dhaqankeenu yahay, Hablaha iyo Sodohuhu markay arrini dhacdo qaylada ayay lahaan jireen, Raguna wuu gurman jiray…” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo ka hadlay eedaynta Haween ka mid ah kuwii lacagaha lagaga dhacay Mashruucii Fadhi-ku-macaash ay qoyska Madaxtooyada ugu jeediyeen inay qarsanayaan haweenay ay sheegeen inay Madax ka ahayd barnaamijkaas.

Haweenkaas oo horaantii todobaadkan shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inay lacagihii laga dhacay u haystaan Madaxweyne Rayaale, Marwadiisa iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynuhu u saaray wax-ka-qabashada arrintaas, kuwaasoo ay sheegeen inay Madaxtooyada ku qarinayaan haweenay sida la sheegay madax ka ahayd barnaamijkaas oo qaab xeeladaysan dad fara badan lacago loogaga urursaday.

Muuse Biixi oo shalay ka hadlayay xaflad ay heshiis ku kala saxeexdeen Axsaabta iyo Komishanka doorashooyinku, waxa uu sheegay in dhacaa xeeladaysnaa iyo cabashada Haweenkii lagu dhacayba aan sidii loo baahnaa wax looga qaban. “Waxaad moodaa dawlad iyo shicib, Xisbi kasta aynu ahaanee, dumarkaa qayladooda in aanay ciddi dheg jalaq u siinin, maalin walbana dumarkii way soo qaylinayaan. Arrintaasi waa mid qaran, waana arrin u baahan in si qaran looga hawlgalo, waxayna u baahantahay in la ogaado halkay ku dambaysay. Dhaqankeena Ragu wax bay dacaayadeeyaan, hadalka way ku degdegaan, dadkana way iska eedeeyaan, laakiin Dumarku waa Hablo, waa Sodoho, erayga ka soo baxaana 90% waa eray ay iska hubsadeen oo ay ka fiirsadeen. Habluhu (haweenka la dhacay) ama ha fool-xumaato ama naxdin ha lahaato ama wax adag ha ahaato’e, Madaxtooyada ayay farta ku fiiqeen in dadkii dhacay ay galeen. Illaahay baa og inay jirto iyo inkale, laakiin waxaaba naxdin ah in Madaxtooyada tuhun galo, Hablihii iyo Sodohuhu ka soo cawdaan oo ay dhacoodii halkaa u sheegaan. Anigu odhan maayo oo taas ma qabo, waayo Madaxtooyadu waa meeshii Qaranka metelaysay, waa Muraayadii, Illaahayna taas oo kale kuma keeno. Laakiin, mar haddii qayladaasi yeedhay waxa wanaagsan in Shicib, Mucaarad, Muxaafid iyo Qaranba in aynu gurmano oo aynu arrintaa meel ku hubsano,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

“Haddii UDUB ay is-duminayso, cidi toosin kari mayso”

Hargeysa: Dadweyne ka gadooday hadal ka soo yeedhay Golaha Deegaanka oo xidhay Jidka D/Hoose

Hargeysa (Ogaal)- Dadweyne ka gadoodsan dhawaaq ka soo yeedhay Masuuliyin ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa oo ku wajahan in Xaafad dhawaan Wan-qal loo sameeyay oo lagu magacaabo Axmed Macalin Haaruun ee bariga Magaalada Hargeysa aanay ahayn Degmo, balse ay tahay Waax, ayaa shalay isu-soo bax ka sameeyay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo agagaarkeeda. Taas oo keentay in uu hakad galo isu-socodka Jidka hormara iyo hawl-maalmeedkeedaba.

Dadweynahan ayaa ka gadooday Shir-jaraa’id oo ay Guddoomiye-xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, ahna Maayar-xigeenka Magaalada Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde iyo Xildhibaan Golahaas ka tirsani ay ku sheegeen in Xaafadda Axmed Macalin Haaruun ee bariga Hargeysa ay dadku khalad ka fahmeen ee aanay ahayn Degmo, balse ay tahay Waax ka tirsan Degmada Gacan-Libaax.

Inkasta oo aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay Isu-soo baxaas ay isugu yimaadeen dadkan gadoodsani, haddana Madax-dhaqameed iyo Odayaasha Xaafaddaas ayaa ku guulaystay inay dadkaas kala dareeriyaan, isla markaana ay ku qanciyaan in ay iyaga ka war sugaan.

Qaar ka mid ahaa Odayaashaas oo Wargeyska Ogaal u waramay, ayaa mid ka mid ahi hadalkiisa wuxuu ku bilaabay, “Maxamed Faarax Caynaanshe ayaa lay yidhaahdaa, waxaanan ahay guddoomiyaha Beelaha Garxajis. Waxaan doonayaa inaan ka hadlo wixii ay dadku maanta (shalay) ka kaceen buuqii ka dhaxay Dawladda hoose hareerihiisa. Dadku waxay ka kaceen Xaafadda Ina Macalin Haaruun oo dhawaan la magacaabay ayaa amar lagu xidhayaa dawladda dhexe ka yimi. Markaa haddaanu nahay Odayaasha nabadda ku hawlan, dadkii nabadda masuulka ka ahaa inay dadka kiciyaan maaha. Waxa dawladdii hore (Siyaad Barre) jiray afar xaafadood, Maayarkii Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xaafadda Koodbuur ku daray, cidi kama hadal oo waa lagu hambalyeeyay. Golaha Deegaanku iyagaa u xil saaran hawsha fidinta Magaalada, mana aha Maayarkii Madaxtooyada laga soo magacaabay ee waa Maayar cod lagu doortay. Waxa kale oo aanu leenahay oo uu dareen naga galay, Wasiirka Daakhiliga ayaa xaafaddaa joojiyay..waxaanu leenahay, waxaynu nahay dawlad.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Maxamed, “.Waxaanu maqalnay Madaxweyne-ku-xigeenku raalli buu ka yahay, ee waxaanu leeyahay dadkani waa dadkii aad Codka ka doonaysay ee aad UDUB codka uga doonaysay, balse haddii ay UDUB is-duminayso cidina toosin kari mayso. Waxaan leeyahay, Degmadaas Ina Macallin Haaruun waxay la mid tahay Degmooyinka Sh. Muuse Ducaale iyo Koodbuur. Wixii halkaa ka dhacayna waxa masuul ka ahaa Wasiirka Daakhiliga, Badhasaabka iyo Maayarka”

Dhinaca kale, Odayaasha arrintan ka hadlay ayaa isna waxa ka mid ahaa Ibraahim Daahir Qaasaali oo hadalkiisa ku bilaabay, ‘Magacaygu waa Caaqil Ibraahim Daahir Qaasaali. Amarka lagu yidhi Degmadaas Ina Macalin Haaruun ma jirto, waxaanu u aragnaa inay cid kale u shaqaynayaan oo ay Xukuumadda ka weecsan yihiin baanu qabnaa cidda ka dambaysa amarkaas, kuwaa la magacaabay baana ka masuul ah”

Inkasta oo aanu wax ka waydiinay arrinta Sharciyadda ee ay sheegeen Masuuliyiinta Dawladda hoose inaanay magacaabista Degmo awood u lahayn ee ay ansixiyaan Baarlamaanku, iyada oo sii maraysa Golaha Wasiirada, ayaa waxay Odayaashani ku adkaysteen Golaha Deegaanku awood u leeyihiin ansixinta Degmo cusub.

“Annagu Komishanka kuma kalsoonin, Shaqadoodana kuma kalsoonin, laakiin…”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa mar kale ka hadlay sida ay xisbi ahaan u arkaan Komishanka doorashooyinka iyo sida ay tahay kalsoonida ay ku qabaan.

Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay munaasibad ay Axsaabta siyaasadda dalka iyo Komishanku heshiis ku kala saxeexanayeen, waxa uu sheegay in aan dhaliisha Komishanku leeyahay lagula gal-galan hay’adda Interpeace iyo kuwa kale ee ay wada-shaqaynta leeyihiin. “Maaha marka aynu inagu wax qabsan kari waynay in aynu Interpeace iyo dadka ina caawiya cayno, gacantii wax ina siinaysay ayaynu qaniinaynaa. Inagu lacag ma haysano, adduunkuna saddex milyan ayuu ku bixinayaa, hal Milyan ayaa dawladda ku soo hagaagay. Wadnaha ayaanu farta ku haynaa, tolow Milyankaa ma keenayaan? Dawladdu Milyankii si dhakhso ah ha u keento,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, “Komishanka waa in aynu adkaynaa, Komiishanka anagu kuma kalsoonin, shaqadooda kuma kalsoonin, wada-shaqayntoodana kuma kalsoonin, waana in la adkeeyaa. Markaa marka aanu leenahay Komishanka hala hagaajiyo, macnaheedu maaha UDUB dalka ka haysato, balse waa hawshan kama soo bixi karaan ee hala adkeeyo.” Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu soo jeediyay in la adkeeyo Guddiga Kormeerka iyo anshaxa doorashooyinka. “Waxa weeyaan; in la sameeyo Guddi Kormeer oo adag oo aanu Adduunka ka codsanayno inay naga caawiyaan oo kuwii hore bilaa Ilko ayay ahaayeene, mid ilko leh oo wixii lagu heshiiyay wax ka qaban kara la sameeyo,” ayuu raaciyay.

Eedaynta Madaxweynaha Soomaaliya ee Dawladda Ereteriya iyo jawaabta dhiggiisa dalkaas

“Saraakiil Ereteriyaan ah ayaa si toos ah Lacagta iyo Hubka u keena Muqdisho”

Shariif Sh. Axmed

Muqdisho (Ogaal/AFP)- Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa si toos ah Dawladda Ereteriya ugu eedeeyay inay ka dambayso Colaadaha ka taagan Soomaaliya, isla markaana ay Saraakiil dawladdaas ka tirsani Lacag iyo Hub si toos ah u geeyaan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay saad u yihiin Kooxaha dagaalka kula jira Dawladdiisa. Halka dhiggiisa Dawladda Ereteriyana uu ka hadlay arrintan iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Warbaahinta Caalamiga ah kula hadlay Magaalada Muqdisho maalin uun ka dib markii Xaruntiisa Madaxtooyada ee Villa Somalia lagu weeraray Hoobiyayaal iyo Madaafiic, ayaa Dawladda Ereteriya ku eedeeyay inay hubayso Kooxaha ka dagaallama Muqdisho. “Waanu hubnaa in Hubka ku jira Gacmaha Kooxaha dagaallada wada badankoodu ay ka yimaadaan Ereteriya. Waxaanay Ereteriya halkan ku leedahay saamayn badan.” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu ognahay in Saraakiil Ereteriyaan ahi ay halkan (Muqdisho) yimaadeen oo ay keeneen Lacag Kaash ah. markii hore Lacagta waxay ka soo diri jireen Nairobi iyo Dubai, laakiin hadda iyaga ayaa toos halkan u yimaadda.”
Shariif Sh. Axmed waxa uu ka hadlay sabab uu sheegay in ay Ereteriya u hubaynayso Kooxaha ka dagaallama Muqdisho, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Ilaa markii uu bilaabmay dareenka Colaadeed ee u dhaxeeya Ereteriya iyo Itoobiya, Ereteriya waxay u baahan tahay meel ay Kooxaha Mucaaradka Itoobiya ah lagu tababaro, waxaanay doonaysaa inay Itoobiya ka qasto Soomaaliya. Waxaanu doonaynaa in dalkayagu madax-bannaanaado.”
Shariif Sh. Axmed waxa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka ay ku sii qulqulayaan Soomaaliya. “Waxaanu ilaa hadda ka war qabnaa in imaatinka Xubnaha Al-Qaacida uu socdo, waanad suurayn kartaa sida Xaaladdu noqonayso haddii ay Xukunka la wareegaan.” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed.

Dawladda Ereteriya:
Dawladda Ereteriya ayaa ka hadashay go’aan ka soo yeedhay Midowga Afrika, kaas oo Qaramada Midoobay ugu baaqayay in cuna-qabatayn la saaro Ereteriya oo ay ku eedeeyeen inay ka dambayso colaadaha ka jira Soomaaliya. Waxaanay go’aankaa ku tilmaameen mid masuuliyad-darro ah. “Ereteriya waxay xooggan u diiddan tahay go’aanka Masuuliyad-darrada iyo sharci-darrada ah eek u soo baxay Afka Midowga Afrika. Kuwaas oo salka ku haya eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagaga horjeedo Ereteriya, kana fog xaqiiqada, iyada oo aan lagala tashan Guddoomiyaha Midowga Afrika.” Sidaa waxa lagu yidhi Warsaxaafadeed ay soo saartay Dawladda Ereteriya oo lagu baahiyay Shabakadda Internet-ka ay ku leedahay Wasaaradda Warfaafinta ee dalkaasi.
Madaxweynaha Ereteriya ayaa eedaymaha loo jeediyay Dawladdiisa ee ah in ay Saanad Milatari iyo taageero Dhaqaale u fidiso Kooxda AL-Shabaab ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, waxaanu mar kale u yeedhay Safiirka Dawladdiisa u fadhiya Xarunta Midowga Afrika. “Ereteriya si ballaadhan bay uga war qabtaa halka, goorta iyo cidda ay ka timi eedayntaas aan salka iyo raadka toona lahayn.” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.
Hadalkan Dawladda Ereteriya ku dedafaynayso inay taageero dhaqaale iyo Hub u fidiso Kooxda Al-Shabaab ee Kooxaha kale ee dagaalka kula jira Dawladda Shariifka, ayaa wuxuu ku soo beegmay toddobaad ka dib markii Xasan Daahir Aweys oo dorraad noqday Guddoomiyaha Kooxda Xisbul-Islaam uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay taageero ka helaan Dawladda Ereteriya.

Kenya waxay noqotay Cadowga Islaamka ee waa inay u diyaar-garowdaa Qaraxyada Al-Qaacida”
Farriin Digniin ah oo loo diray Safaaradda Norway & Hay’ado Warbaahineed
Nairobi (Ogaal/Reuters)- Kooxo aan la aqoonsan ayaa farriin hanjabaad ah u diray Safaaradda Norway ee dalka Kenya iyo laba Hay’adood-Warbaahineed, kuwaas oo ay ugu hanjabeen inay la beegsanayaan Qaraxyo goor aanay cayimin, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen muranka dhinaca Xadka Badaha ee Kenya iyo Soomaaliya oo ay sheegeen inay Dawladda Norway ka dambaysay.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Xafiiskooda Nairobi helay Qoraalkan hanjabaadda ah oo Khadka Internet-ka loogu diray Safaaradda Norway ee Nairobi iyo Wargeysyada Standard Group iyo Nation Group, Kooxda farriintan hanjabaadda ah qoray ayaa Dawladda Norway ku eedeeyay inay ka dambaysay muranka ka dhashay lahaanshaha Xuduudeed ee Biyaha Badda Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay sheegeen inay Dawladda Kenya ku amartay inay sheegato Dhul dhinaca Badda ah oo la sheegay inay Soomaaliya leedahay. “Haa, waa run oo waxaanu helnay farriin E-mail lagu soo diray oo hanjabaad ah. dabcan, waa arrin welwel leh, waxaananu wargelinay Ciidamada Booliska Kenya.” Sidaa waxa tidhi Safiirka Norway u fadhiya Kenya Elisabeth Jacobson oo ka hadlaysay hanjabaaddan.
Farriintan ayaa ereyada lagu qoray ee ay xambaarsanayd waxa ka mid ahaa, “Kenya waxay noqotay cadowga Islaamka, waana inay diyaar u ahaataa Weeraradii Al-Qaacida mar ay noqotaba.” Hase ahaatee, Safiirka Norway ee Nairobi way ka gaabsatay inay wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixiso farriiintan.
Dhinaca kale, farriin tan ka gaar ah oo isla Kooxdan aan la aqoosani u dirtay Hay’adaha Warbaahineed ee Standard Group iyo Nation Media Group, ayaa lagu sheegay in iyagana la weerari doono xarumahooda, isla markaana lagu eedeeyay inay cadow u yihiin Islaamka.
Sanadkii 7 August 1998 ayay ahayd markii Gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay ku dhinteen in ka badan 225 qof, halka afar sanno ka dibna, weerar kale lagu qaaday Hudheel Yuhuuddu leedahay oo ku yaalay meel u dhaw Magaalo-xeebeedda Mombaza ee isla dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay in ku dhaw 15 qof.
Dawladda Kenya ayaa ogolaatay in dalkeeda Maxkamad lagu saari karo Kooxaha Budhcad-Badeedka ee Soomaalida ah, isla markaana waxa la sheegay inay hore gacanta ugu dhigtay xubno looga shakiyay inay Ururka Al-Qaacida ka tirsan yihiin, hase ahaatee waxay hadda ku jirtaa feejignaan adag oo ku waajahan Weeraro lala beegsado.

“Waa ONLF doonaya inay waxyeello ka fuliyaan Somaliland gudaheeda”

Somaliland iyo Itoobiya oo wada-jir ugu hawlan qabashada 8-Nin oo hubaysan oo isaga tallaabada Xadka labada dal

Burco (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa xidhay Xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca Gobolka Togdheer, ka dib markii siday sheegtay Rag hubaysan oo ka tirsan Jabhadda ONLF ee Dagaalka kala horjeedda Dawladda Itoobiya ay dorraad ka soo gudbeen Xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana lagu arkay Deegaannada Laan-Mullaaxo iyo Khaatumo oo qiyaas ahaan 95-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qorshaynayeen in gudaha Somaliland ay ka fuliyaan falal ka dhan ah Amniga dalka. Waxaanay sheegeen in ku daba-joogaan raggaas oo baadi-goobkooda lagu jiro.

Sida uu noogu soo waramay Weriyaha Ogaal ee Magaalada Burco Foosi Saleebaan Aw-Biindhe, Raggan oo tiradooda lagu sheegay 8-Nin, ayaa maalinimadii Salaasada ee aynu ka soo gudubnay lagu arkay Tuulooyinka Laan-mullaaxo iyo Khaatumo, ka dib markii ay dad reer-guuraa ahi arkeen Raggan hubaysan oo ka soo tallaabay Xadka Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ku sugan Deegaannadaas. Kuwaas oo la sheegay in ay ku soo wergeliyeen Ciidamada Booliska ee Gobolka Togdheer. Taasina waxay keentay in dorraad gelinkii dambe ay Magaalada Burco ka amba-baxaan Ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis oo uu horkacayo Taliyaha Qaybta Booliska ee Degmada Maxamed Cali ee Gobolka Togdheer Cabdi Xandulle Cilmi, kuwaas oo u jihaystay Deegannada lagu sheegay Ragga hubaysan. “Waa siddeed Nin oo hubaysan, waxana ay yihiin ONLF nimankan isku sheega ee dawlada Ethopia dagaalada kula jira. Waxaanay doonayaan in ay falal waxyeelo ah ka fuliyaan gudaha Somaliland, gaar ahaan goobaha ay yaalaan Ateenooyinka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee raacsan Xuduudaha, MCH-yada (Xarumaha Caafimaadka) Tuulooyinka Iyo Gaadiidka Ha’yaddaha Samo-falka” Sidaa waxa Weriyaha Ogaal ee Burco Khadka Telefoonka ugu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Cabdi Xandulle Cilmi isaga oo jooga meel u dhaxaysa Tuulooyinka Xaaji Saalax Iyo Mulaaxo.

Mar uu wax ka sii waydiiyay Taliyaha waxa uu caddayn u hayo in Raggani ay yihiin ONLF, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxaanu ku cadaynaynaa xogaha ay helayaan Sirdoonkayaga iyo dadka Shicibka ah oo laftoodu iska wada Sirdoon ah oo dalkooda ilaashanayaa, waxaananu ku aqoonsanay xeeladahayaga Millateri oo aanu ku qiimayn karno. Markaa shaki nagagama jiro in ay yihiin ONLF, waxaana ujeedadoodu ahayd in ay waxyeelayn u geystaa Baabuurta Hay’addaha Samo-falka iyo dadka shicibka ahba. Waxaanay rabaan in ay waxyeelayn u geystaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland Iyo Dawlada Itoobiya ka dhexeeya.” Waxaanu sheegay in ay baadi-goobka raggaas ay horumar ka gaadheen Ciidan ahaan, iyaga oo kaashanaya Cidamada Federaalka ee Itoobiya, isla markaana ay xidheen Xadka Itoobiya iyo Somaliland ee dhinaca Gobolka Togdheer. “Horumar badan ayaanu samaynay waxaanu gaadhnay ilaa Tuulada Raamaalle, Ciidamadayadu hadda waxay xidheen dhinaca xuduuda Somaliland, waxaana ku daba jira Ciidamada Itoobiya oo gudaha dalkooda ay ku noqdeen nimankan Shuftada ahi, markaa ciidan ahaan labadayaduba (Cidamada Ethopia Iyo Somaliland), waanu is qaybinay oo hadda raadkoodu waxa uu astaan u yahay in aanu qaban doono saacadaha soo socda” Ayuu yidhi Taliye Cabdi Xandulle. Waxaanu Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Deegaannadaas ugu baaqay inay ciidamada amaanka gacan ka siiyaan sidii ay u qaban lahaayeen 8-daa Nin ee hubaysan.

Sidoo kale mar aanu wax ka weydiinay sababta ay aaminsan yihiin Xukuumad ahaan in Raggan Hubaysani u weerarayaan Taawada Isgaadhsiinta ee ku yaala Xadka, sida uu sheegay Taliyuhu, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Shirkado Isgaadhsiineed ayaa Ateenooyinkoodu ku yaalaan dhamaanba Tuulooyinkan oo dee Adiguba (Weriyaha waraystay) igula soo xidhiidhay. Markaa Signalka Telefoonka ee dhulkan Miyiga ah soo gaadhayaa waxa uu mushkilad ku yahay ayaan qabaa hawlahooda ay sida Tuugada ah doonayaan in ay uga fuliyaan xuduudka labadan dawladood ee jaarka ah, marka loo eego su’aalaha ay waydiinayeen dadka reer miyiga ah ee ay la kulmeen”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: