Toggaherer’s Weblog

BARCELONA OO CIYAARTII CAAWA 2-0 KU DUBATAY MANCHESTER CIYAAR TAARIIKHI AH

Posted on: May 28, 2009

BARCELONA OO CIYAARTII CAAWA 2-0 KU DUBATAY MANCHESTER CIYAAR TAARIIKHI AH

click to comment
Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa Caawa guul ka soo hoysey ciyaartii ay kula yeelatey garoonka magaalada Rome kooxda Manchester United.
click to comment
Kooxda Barcelona ayaa 2-0 ku garaacay kooxda Manchester United ciyaar si weyn loo sugayey oo xaley ka dhacday garoonka Stadio Olimpico ee magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga, waxaana taasi ay Barcelona xaley siisay koobka horyaalka Europe ee Champion League.
click to comment
Ciyaaryahanada Lionel Messi iyo Samuel Eto’o ayaa u dhaliyey Barcelona labada gool ee ay guusha klu hanatay taaso oo meesha ka saartey rajadii ay Manchester United ka qabtey in ciyaartaasi ay ku soo baxdo.

Laakiin dadka la socda ciyaaraha ayaa sheegaya in Barcelona ay goolasHa u dheereyd ciyaar wanaag ay soo bandhigtey ciyaartii xaley.

Taageerayaasha Barcelona iyo ciyaaryahanada kooxda ayaa buuq iyo farxad ku qeyliyey garoonka gudihiisa, iyagoo kor u qadey koobkay hanteen.

Waxay ciyaarta xaley ahayd mid si weyn loo sugayey, waxaana gudaha garoonka ku daawanayey dad ka badan 70,000. waxaa sidoo kale intaa dheeraa masuuliyiin ka qeybgashey daawashada ciyaartan halka caalamkana ay ka daawanayeen boqollaal million oo qof shaashadaha telefishanada.

Amaanka garoonka iyo goobaha ku dhow ayaa si aad ah loo adkeeyey iyadoo ciidamo boolis ah iyo diyaaradaha helicopter ka ay waardiye ka hayeen garoonka Stadio Olimpico oo ay ka socotey ciyaarta dhexmareysey labada kooxood ee xifaaltanka badan ka dhexeeyo.

Masuuliyiinta xaley garoonka joogtey waxaa ka mid ahaa raisul wasaarayaasha Talyaaniga iyo Spain iyo boqorka Spain oo si aad ah ula socdey ciyaarta xaley.

Waxaa isla xaley dabaaldegyo waaweyn ay ka bilawdeenqeybo ka mid ah adduunka oo dhan iyadoo loo dabaaldegayo guusha Barcelona.

Tabaraha kooxda Barcelona ayaa isagoo faraxsan sheegay inuu rajeynayo in Barcelona ay sii wadi doonto inay soo celceliso guusha noocan oo kale ah.

click to comment
click to comment
click to comment

click to comment

click to comment
click to comment
click to comment

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: