Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO ARBACA 27 MAY 2009

Posted on: May 27, 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO ARBACA 27 MAY 2009

Wararkii Wargeyska Ogaal Arbaca May27, 2009.

Ma jirtaa in la sii daayay Rag tuhumo Argagixiso loo xidh-xidhay?

“Adduunka oo dhan khiyaamadu way ka dhacdaa, lacag-na qofna inta gurigiisa la jabsaday lagalama bixin” Wasiirka Daakhiliga………Waraysi gaar ah

“Iyadoo aanay garanayn (haweenku) magaca qofka wax dhacay, haddana inay yidhaahdaan ‘Madaxtooyada ayay ku jirtaa’ waa wax lala yaabo, kuwa qorayna waxaan u arkaa inay….”

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday xog-ururin ay ku sameeyeen xaddiga lacageed ee lagu dhacay Mashruucii Fadhi-ku-macaash oo dad badan lacago loogaga urursaday qaab xirfadaysan.

Wasiirka oo uu xalay khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Barkhad Daahir oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, waxa uu beeniyay eedayn todobaadkan ay haween ka mid ah kuwii lacagaha laga dhacay qoyska Madaxtooyada ugu jeediyeen inay qarsanayaan haweenay ay sheegeen inay madax ka ahayd barnaamijkaas. Wuxuuna sheegay in haweenkaas ay soo abaabuleen dad ujeedo siyaasadeed ka leh oo fadeexadayn iyo ceebayn la raba cid gaar ah. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;

Ogaal: Wasiir, waxa jira in haweenkii lacagaha lagaga dhacay mashruucii Fadhi-ku-macaash ay Xukuumad ahaan idinkaga cawdeen geedi-socodka dacwada dadkii lacagaha ka qaaday, eedayna idiin jeediyeen, arrintaas sideed u aragtaa?

Wasiir Cirro: Horta, waxaan aad iyo aad uga xumahay warbaahinta qaarkood wararkii ay siidaayeen ee ahaa lacagtii khiyaamada ahayd ee dad badan oo dumar u badan laga khiyaameeyay ee ay warbaahintu sida foosha-xun u qoreen. Midda kale, horta lacagtaa qofka gurigiisa lagama dhicin oo Tuug caadi ah oo la yaqaanaa inta uu gurigiisii jabsaday Shandada lacagta kalamuu soo bixine, qof kastaa isagoo xor ah ayuu waxan u dhiibtay, adduunka oo dhana khiyaamadaasi way ka dhacdaa ama qof hala khiyaameeyo ama dad badan hala khiyaameeyee, khiyaamadu way dhacdaa. Laakiin, si kasta ha ahaatee, waxay ahayd dhacdo xun oo inaga ugub inagu ahayd. Dad badan baa wax badso, wax-beel bay leedahay ku dhacmay, damacuna mushkilada ayuu ka mid yahay – al-damacu mahlaka. Balse, waxaanu aad iyo aad ula yaabnay, iyadoo aanay garanayn (haweenku) magaca qofka wax dhacay, haddana inay ku eedeeyaan oo ay yidhaahdaan ‘Madaxtooyada ayay ku jirtaa’, waana wax lala yaabo, kuwa qorayna waxaan u arkaa inay ujeedo uun ka lahaayeen iyo fadeexadayn, haddii ay xaqiiqo raadinayeena way ogyihiin in aanu qofna maanta meel ku ogayn (haweenayda loo tirinayo inay madax ka ahayd barnaamijkaa), way ogyihiin.

Ogaal: Wasiir, haweenayda aad sheegtay in aanu qofna meel ku ogayn marka laga tago, waxa jira haween tiro badan oo la sheegay inay wakiilo u ahaayeen oo aad muddo ka hor xidhxidheen, markaa hadda baadhista kiiskoodu halkuu marayaa?

Wasiir Cirro: Anigu Wasiir baan ahayoo kiiska ma baadhayee, kiisku CID-da ayuu ka socdaa, baadhisteeduna nidaam caadi ah oo qof kastaa markhaatigeeda iyo wixii uu marag haysto ama dad ha ahaato ama ducomentis ha ahaato’e, CID-da, Maxkamadda, Xeer-ilaalinta iyo nidaamka caadi bay u maraysaa. Kiisku waa khiyaamo isku xidhan oo loo gudbiyo, baadhistuna inta aan Anigu ogahay si fiican bay u socotaa. Qofkii shaki ka qabaa xaq buu u leeyahay inuu Looyar qabsado iyo inuu doodo oo maalin dhawayd waa kuwii Gabiley ugu wada tegay. Islaantaa marka laga reebo, dadkan Islaanta iyo dadka u dhexeeyay badidoodu way xidhan yihiin oo dhawr iyo sodon qof baa xidhan. Qof lacagtiisii habeen madow meel ku dhiibay oo aan markhaati iyo waxba toona haysan, dee isagay u taalaa hadhow siduu u caddaysanayo. Laakiin, waxaan la yaabahay inay cid kale ku eedeeyaan, ilayn lama khasbine wax uu qof kastaa u geystay, imikana uu u dacwoonayo, dacwadiina furantahay, Maxkamaddii inoo jirto, Xeer-ilaalintii inoo jirto, Looyaradiina xaq u leeyahay, haddana inuu maanta cid kale ku ceebeeyo maaha…Anigu dadkii waxan samaynayay waxaan u arkayay dadkii lacagtu ka maqnayd in aanay ahayn, balse ay ahayd weji siyaasadeed oo la soo abaabulay, cid ujeedo lihina ay ka dambaysay.

Ogaal: Wasiir, waa ayo cidda ka dambaysay ee soo abaabushay?

Wasiir Cirro: Way soo bixi doontaa – war jiraaba Cakaaruu iman doonaa.

Ogaal: Haweenka Shirka qabtay waxay idinku eedeeyeen in aydaan geedi-socodka Kiiska dardar-gelin, isla markaana aad tasiilaad fara badan u samayseen dadkii iyaga lacagaha ka qaaday, taas maxaad ka odhan lahayd?

Wasiir Cirro: Horta, waa tan aanu kuu sheegayoo Anigu Wasiir baan ahayoo Kiiska ma baadhayo, balse Booliska ayaa baadhaya. Midda kale, haddii xataa ay habkii baadhista ka cabayaan, Joornaalka halkay uga tegayeen, xaq waxay u leeyihiin inay Xeer-ilaalinta u tagaan, Madaxda Booliska u tagaan ama ay Anigaba ii yimaadaan. Laakiin, inay joornaal uun qabsadaan, Joornaalku waxbana u tari maayo, waxna u kordhin maayo.

Ogaal: Tan aad leedahay waa fadeexadayn inay Islaantii cid baa haysata yidhaahdaa, idinku ogaalkiina Islaantu maxay ahayd, halkeed ku ogtihiin, maxaadse xog ka haysaan?

Wasiir Cirro: Horta, Haweenayda dumarkan badidoodu sheegayaan waa haweenay la garanayo, magaceedana Faadumo Haybe la yidhaahdo, meel ay ku sugan tahayna maanta qof sheegayaa ma jiro oo haddaanu meel ku ognahay waanu soo qaban lahayn oo xataa haddii ay dawladdahan jaarka ah u talowdo xidhiidh baanu dawladdahaa la leenahay oo waanu soo qaban kari lahayn. Markaa Islaantii waa fakad ilaa hadda, meel ay ku fakatayna way soo bixi doontaaye, ilaa haatan ma hayno.

Ogaal: Markaa, ma waxaad leedahay waxba kama jiraan eedaynta haweenku ku sheegeen in Qoyska Madaxtooyadu haweenaydaa qarsanayaan?

Wasiir Cirro: Waa fadeexada aan kuu sheegayo ee aan ku leeyahay arrintaasi waa fadeexad. Meel ay iska soo gelayaan ama ay Madaxtooyada u tegi kartaa qof dambiile ahi ma jirto, sabab qof dambiile ahi Madaxtooyo iyo qof kale oo masuul ah ugu gaban kartaa ma jirto. Waa tan aan ku leeyahay waa dad ujeedo leh oo fadeexad cid la rabta, waayo qofka Bani-aadamka ahi wax aanu geyin in lagu yidhaahdaa waa ayaan-daro.

Ogaal: Wasiir, inkastoo aad ka cudur-daaratay inaad sii dhexgasho Kiiska baadhista, haddana kollay xog ahaan waad ururiseene, xaddiga lacagtu waa intee?

Wasiir Cirro: Inta la hubo shan iyo toban Milyan iyo shan boqol (15,500,000).

Ogaal: Oo Doollar Miyaa?

Wasiir Cirro: Haa.

Ogaal: Wasiir; taas haddii aynu ka tegno, waxa jira war Saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidha inaad sii dayseen rag aad hore tuhuno Argagixiso ugu qabateen, arrintaas maxaad nooga sheegi kartaa?

Wasiir Cirro: Taas waxba imika kaagama sheegi karo, waayo qoladii Kiiska baadhaysay ma ahi, taasna Taliyaha Ciidanka Booliska wax ka waydii.

Gabiley: Maxaabiis Sumowday oo qaarkood dhinteen

“…Laba ka mid ahna xaaladoodu waa halis, inta kalena….” Maayarka Gabiley

Gabiley (Ogaal)- Sagaal Maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiista ku jira Jeelka Gabiley, ayaa shalay ku Sumoobay Raashin ay Cunneen.

Maayarka degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde, ayaa xalay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay in laba ka mid ahaa sagaalkaa Maxbuus ee Sumoobay ay dhinteen, laba kalena xaaladooda Caafimaad culus tahay.

“Sagaal Maxbuus baa sumoobay. Markaa labaa dhintay, labana waa siiriyoos, shanta kalena way ladan yihiin,” ayuu yidhi Maayarku. Mar la waydiiyay waxa ay ku Sumoobeen waxa uu ku jawaabay, “Siday noo sheegeen qolada Jeelku, xaafad baa Raashin looga qaaday nin ka mid ah kuwa Sumoobay, kaas baanay ku Sumoobeen.” Mar la sii waydiiyay siday ku ogaadeen in Raashinkaa xaafadda uu sheegay laga qaaday ay dadkaasi ku Sumoobeen, waxa uu yidhi “Horta, Raashinkii wixii yaraa ee ka hadhay waaba la qaaday oo Booliska ayaa gacanta ku haya, baadhis weli raashinkaa lagu sameeyayna ma jirto. Laakiin, waa intii Raashinka wada cuntay uun inta Sumowday….Maxaabiista waxa caado u ah in qofkii Raashin loo keenaba ay wada cunaan, taas baana sababtay.” Wuxuuna intaa ku daray, “Marka laba reebo labadaa dhintay, inta kalena imika (11:00 habeenimo) Cusbatalka ayay yaalaan oo lagu daawaynayaa.”

Maayarka degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde, waxa uu sheegay in dadkaasi ku Sumoobeen Hadhimadii (Qadadii) duhurnimo ee shalay.

Inta la ogyahay waa dhacdadii ugu horeysay ee Maxaabiis ku jirta Jeel Somaliland ahi ku Sumoobaan Raashin ay cunaan.

Fanaaniintii Riwaayada ka dhigay Madaxtooyada oo kharashkii laga musuqay

“Aniga 18 May baa Gacan iga jebisay markii…”

Hargeysa (Ogaal)- Kharashkii Fannaaniinta Qaranka ee Riwaayaddii Xuskii 18 May ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay in la musuq-maasuqay, isla markaana ay taasi keentay in ay gacan ka jabto Haweenay Kharashka sii siin jirtay Fannaaniinta ka hor inta aanay Lacagtaas helin, ka dib markii mid ka mid ah ciddii ay Lacagta uga soo qaadi jirtay Fannaaniintu uu Bakoorad ku dhuftay.

Aamina Cali Xuseen waa Hooyo ka mid ah Hooyooyinka ka ganacsada Suuqa Hargeysa, Kharashka iyo Jaadkana siin jirtay Fannaaniinta Qaranka ka hor inta aan la siinin Fannaaniinta kharashka ay ku dhigaan Riwaayadda Xuska 18 May ee Madaxtooyada lagu qabto habeenimada 18 May, taas oo sheegtay in la musuq-maasuqay sanadkan, isla markaana uu Musuq-maasuqaasi keenay in Gacan laga jebiyo. “Xuska 18-ka May waxaan Fannaaniinta Qaranka siin jiray Jaad, dabadeedna si fiican ayaa laygu keeni jiray lacagta. Balse, doorkan waxa la iga qaaday 18-Milyan oo Shilin, ninkii iga qaadayna iimuu keenin, waxaana la I siiyay $600, oo dollar oo kaliya. Lacagta qaybtii kale waxay igu yidhaahdeen, Wasiirka hidaha iyo dhaqanka ayaa yidhi ha bixinnina oo marka Riwaayadu dhammaato ayaa lagu siinayaa, markii dambe Mobiladii ayaa laga xidhay.” Ayay tidhi Aamina Cali Xuseen oo qaar ka mid ah Warfaafinta ugu waramaysay Xarunta Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska oo iyada iyo Xubno fannaaniin ahi ku sugnaayeen, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Anigana dadkii lacagta igu lahaa ayaa I sugaaya, markii aan idhi wali lacagtii iimay iman ee iga suga, oo xitaa qaar aan siiyay Faylkii Gurigayga, waa lagu qanci waayay oo xalay (habeen hore) ayaa la idilay, waxaana xalay I dilay laba nin oo sariflayaal ah.”

Haweenaydan mar la waydiiyay cidda uga Masuulka ahayd Kharashka ay siin jirtay Fannaaniinta iyo tirada Fannaaniinta ay kharashka siisay, ayaa waxay ku jawabtay, “Fanaaniinta aan lacagta aan siiyay waxay ahaayeen 28. Waxaana Lacagtan waxa iiga masuul ah laba nin oo la yidhaahdo Bulbul iyo Axmed (Xisaabiyaha Wasaaradda), markii aan ku idhi lacagtii I siiya waxa ay igu yidhaahdeen Wasiirka ayaa yidhi ha bixinina.”

Aamina Cawil Xuseen iyadoo ka jawaabaysa su’aal ahayd bal in ay is arkeen Wasiirka iyo in kale, waxay tidhi. “Wasiirka waxaanu is aragnay saaka (shalay), waxaanu igu yidhi lacagtii waan raadinayaa, amarka lacagta laguu diidayna maan bixin Anigu.

Sidoo kale mar ay ka jawaabaysay in muddo loo qabtay waqtiga Lacagteedii la siinayo in kale, waxay tidhi, “Muddo la ii qabtay ma jirto, Wasiirkuna waxaagii waan raadinayaa mooye wax kale uu odhan.”

Dhinaca kale, waxa la waydiiyay haddii aanay helin Lacagteedan waxa u qorshaysan ee ay yeelayso. “Haddaanan helin waxay noqonaysaa in aan tallaabo qaado, sababtoo ah Anigaba waa lay jebiyay.” Ayay tidhi Aamina. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Aniga waxa I jebisay 18 May markii Lacagtaas la musuqmaasuqay”

Inkasta oo aanu isku daynay in aanu eedaymahan wax ka weydiino shaqsiyada ay sheegtay inay Lunsiga Lacagtan ay ka dambeeyeen ee Wasiirka Dhaqanku ka mid yahay, haddana noomay suurtogelin in aanu helno, Wasiirkuna wuu ka cudur-daartay in uu ka hadlo.

Eyl: Shirweyne Kulmiyay Waxgarad reer Puntland ah iyo xubno Budhcad-baddeed ah

Eyl (Ogaal)- Shirweyne ay ka qayb galeen Masuuliyiin, Madax-dhaqameed iyo in ku dhaw 200 oo Xubnood oo Budhcad-Badeedka Maraakiibta ka qafaasha Badda Soomaaliya ka tirsan, ayaa lagu qabtay Magaalada Eyl ee Maamul-gobolleedka Puntland, kaas oo lagaga hadlayay sida 200-xubnood loogu qancin lahaa inay ka tanaasulaan falalka Budhcad-Badeenimo.

Sida ay noo soo tebiyay Weriyaha Ogaal ee Magaalada Boosaaso ee Puntland, Shirweynahan oo maalmihii u dambeeyay ka socday Magaalada Eyl waxa ka horeeyay oo la qabtay Shirar loogu gogol-xaadhayay Shirweynahan, kuwaas oo ay soo abaabuleen Wax-garadka iyo Madax-dhaqameedka Deegaankaas. Isla markaana waxa abaabulka Shirweynahan iyo Shirarkii ka horreeyay laga dareemayay maalmihii u dambeeyay Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland. Waxaana Wararku sheegayaan in ka hor intii aan la qaban Shirweynahan lagu arkayay Xaafadda Laanta Hawada ee Magaalada Garowe Baabuurta raaxada oo la sheegay inay wateen Xubno Budhcad-Badeedda ka tirsan, kuwaas oo markii Shirweynahani ka furmay Eyl u amba-baxay Magaaladaas, isla markaana ka qayb galay Shirweynahaas.

Shirweynahan ayaa sida Weriyahayagu soo sheegay waxa ka qayb galay ku dhawaad 200 oo Budhcad-Badeed ah, kuwaas oo gebo-gebadii Shirweynahan shaaca ka qaaday inay ka tanaasuleen falalkii Budhcad-Badeednimo ee ay faraha kula jireen, hadda wixii ka dambeeyana aanay dib hawlahaa uga qayb qaadan doonin. Taas oo la sheegay inay Dhabar-jab ku noqon doonto falalkii Budhcad-Badeedku ka wadeen Xeebaha Soomaaliya iyo guud ahaan hawlihii ay fulin jireen. Kuwaas oo hadda ku-dhawaad 10-neeyo Markab ku haysta Xeebaha Eyl iyo Hobyo ee Maamul-gobolleedka Puntland. Hase ahaate, Wararku waxay intaa ku dareen in aanay Xukuumadda Puntland ilaa hadda ka hadal arrintan, balse ay qorshaynayaan inay dhaqan-celin u sameeyaan Xubnahan ka tanaasulay falalkii Budhcad-Badeednimo.

M/weyne Rayaale: Booqashada Berbera iyo Duruufaha dadka haysta

Berbera (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal aan hore loo shaacin ugu baxay Gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo galabnimadii ka ambo-baxay caasimada Hargeysa, waxa uu xalay u hoyday guriga Martida ee Magaalo-Xeebeedda Berbera. Afhayeenka Madaxweynaha Siciid Caddaani Mooge oo Saxaafadda dawladda kula hadlay magaalada Berbera, waxa uu sheegay in socdaalka Madaxweyne Rayaale la xidhiidho xog-ogaal u noqoshada xaalada nololeed ee Gobolka Saaxil. Isla markaana waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha ay socdaalkiisaa ku weheliyaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahim Cabdi iyo masuuliyiin kale. Waxa uu intaa raaciyay afhayeenku in weftiga Madaxweynuhu ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta Gobolkaas, Golaha Deegaanka Berbera iyo masuuliyiinta hay’addaha dawladda ee ka hawlgala halkaas.

Sida wararka qaarkood tibaaxeen socdaalka Madaxweynuhu ku tegay Saaxil ujeedadiisa waxa ka mid ah dhagax-dhiga wershed Sibidhka ah oo la sheegayo inay maalgashanayaan Shirkad Faransiis ahi, taasoo xubno ka socdaa ay Berbera uga horeeyeen weftiga Madaxweynaha. Hase ahaatee, ma jiraan warar rasmiya oo taas cadaynayaa. Weftiga Madaxweyne Rayaale intii uu jidka ku sii jiray, waxa uu ku hakaday Tuullada Sheekh Abdaal oo si fiican loogu soo dhaweeyay, halkaas oo la sheegay in dadweyne badan oo weedhiisa sugayay aanu wax hadal ah u jeedin. 27-kii February ee sannadkan ayay ahayd mar uu sidan oo kale safar ku marayay Abdaal ay qaar ka mid ahaa dadweynaha tuulladaasi dareen adag u muujiyeen wefti uu madaxweynuhu hogaaminayay oo halkaa marayay.

Warku ma kala cadayn muddada uu weftiga Madaweynuhu joogi doonaan Gobolka Saaxil, hase yeeshee, socdaalka Madaxweynuhu waxa uu ku soo beegmay xilli ay duruufo sidii hore ka adagi ka jiraan magaalada Berbera, isla markaana aanay waxba ka fulin Dhagax-dhigii Wershadaynta ee uu dhagax-dhigay 2007-kii, xilligaas oo uu socdaal ku tegay halkaas. Sida la ogyahayna waxa baaqday oo aan hirgelin mashruuc Madaxweynuhu hore u shaaciyay oo Berbera lagaga dhisayay saddex wershadood.

“M/weynaha waxaan ugu baaqayaa in Cadaadlay Gobol loo magacaabo”

Suldaan Xiirey oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir

Hargeysa (Ogaal)- Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo isna ka mid ah Salaadiinta dalka, kaas oo uu kaga hadlay arrimo khuseeya Beelaha bariga Hargeysa.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo shalay nagu soo booqday Xafiiska Ogaal, ayaa ka hadlay ujeedada uu u socday. “Waxaan doonayaa in aan jawaab kooban ka bixiyo hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu ka yidhi Degmada Cadaadley.” Ayuu yidhi Sul. Xiirey, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Marka hore Suldaanka waxaan leeyahay, Suldaan Garxajis baad ahayd ee in aad Beelaha Garxajis kala qaaddo ceeb baa kuugu sugan. Midda kale, Qaasim iyo Cabdalle (Isaxaaq) waa laba reer oo Walaalo ah oo isku mid ah, kii soo horreeyayba (Hargeysa ku soo horreeyay) waa kii kale, ee iyana inaad kala qaaddo dhexdooda oo aad ilaa heerkaa kala dhex gasho, nusqaan bay kugu tahay. Isaxaaq Suldaan baan u ahay, Garxajis-na Suldaan baan u ahay, markii xurgufta yari soo kala dhex gashay Beelaha Garxajis ee Walaalaha ah ninkii doorkiisii Suldaannimo ee nabadda ka dhaliyay Shahaado-Sharafta Qasriga Madaxtooyada lagu siiyay Aniguu ahaa, Somaliland-na way ogtahay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa kale oo aan leeyahay Hablaha Habar-yoonis haddaad kala qaadayso oo qaarna aad Aabbo u noqonayso, qaarna aad geyaan u noqonayso, Aabbaad u wada tahay. Isaxaaq waa Habar-yoonis oo uu ka dhashay, wax la kala qaado maaha, Garxajis-na wax la kala qaado maaha, Somaliland-na wax la kala qaado maaha ee waa dad isku wada mid ah oo Gogol ku wada fadhiya. Sidaa darteed, Suldaan wixii umadda dhib ku kala keenaya ka waantow, Adigana ceeb bay kugu tahay. Tolka ha kala kaxayn, tolkaana ha kala dhufan. Maanta Hadal Suldaan baan ku hadlayaa, haddii kale waxaan u jawaabi siday tahay.”

Waxa kale oo uu Suldaan Xiirey baaq u jeediyay Beesha bariga Hargeysa iyo guud ahaan Umadda Somaliland. “Waxa jira dad dhibsaday hadalka Suldaan Maxamed oo qaarkood Odayaashii iyo Madax-dhaqameedkii ii yimaadeen, waxaan leeyahay dadkaa dhibsaday, Anigaa hadalkaa xaal ka bixiyay oo idinka raalli gelinaya, ka raalli ahaada. Isaxaaq waa isku mid oo meel kala tegi maayo ee wanaagaad ku wada noolaydeen, ku wada noolaada, Beesha Garxajis waxaan leeyahay wanaagaad ku wada noolaydeen, ku wada noolaada, Beelaha Somaliland oo dhanna waxaan leeyahay wanaagaad ku wada noolaydeen, ku wada noolaada oo nabadda ilaaliya.” Ayuu yidhi Suldaan Xiirey.

Dhinaca kale, Suldaan Yuusuf waxa uu Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadddiisa ugu baaqay in Degmada Cadaadley loo magacaabo Gobol, taas oo uu sheegay inay u qalanto in loo magacaabo Gobolnimo. “Waligay Magaca Beesha kumaan hadal maanta ka hor, balse waxaan Madaxweynaha iyo Xukuumadda ugu baaqayaa in Degmada Cadaadley aanu u doonayno Gobol Gobollada kale ka mid ah, Umadda Somaliland-na waxaan leeyahay Gobolkaa ha nalagu soo dhaweeyo.” Ayuu yidhi Suldaan Yuusuf. Waxaanu Beelaha Deegaankaa dega ugu baaqay in ay shir degdeg ah isugu yijmaadaan, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Cadaadley waa meel Tacliinteedii, Biyaheedii, Geedkeedii iyo Istaraajiitiyaddeedii leh oo taariikhda Degmo-hoosaad ku ahayd. Waxaan umadda Somaliland u soo jeedinayaa in Gobolkaa la magacaabo oo la qaato, dhawaan-na waanu ka shiri doonaa haddaanu nahay Beelaha Deegaankaa wada dega, sababtoo ah Beel qudha ma leh ee Somaliland oo dhan baa wada leh. Intay khusayso iyo dadka wada dega dhulkaas oo dhan-na, waxaan ugu baaqayaa inay shir degdeg ah isugu yimaadaan Degmada Cadaadley, si aynu uga wada shirno Aayaheena, danteena, Nabadgelyadeena iyo Siyaasaddaba.”

Hadalka ka soo yeedhay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka dambeeyay ka dib markii toddobaadkan uu Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir hadal uu ka jeediyay Munaasibad lagu caleemo-saarayay Suldaan cusub oo ay Beesha Qaasim Isaxaaq yeelanayso oo lagu qabtay Degmada Cadaadley, taas oo uu ka sheegay in Beesha Qaasim Isaxaaq ay Deegaanka Hargeysa uga soo horraysay Beesha Cabdalle Isaxaaq iyo arrimo kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: