Toggaherer’s Weblog

SOMALILAND TUSAALE AYAY U NOQONAYSAA SOMALIYA IYO AFRICABA DAVID CAMERON

Posted on: May 27, 2009

SOMALILAND TUSAALE AYAY U NOQONAYSAA SOMALIYA IYO AFRICABA DAVID CAMERON

Somaliland Tusaale Ayay Unoqonaysa Somaliya iyo Africaba “David Cameron.

click to comment

Waxaanu eegaynaa sidey udhacdo dorashada soo socota.

Hogaamiyaha Xisbiga Conservative oo ah Xisbiga hada guusha weyn kaso hooyay doorashadii degaanka ee waddanka Britain isla markaana hada lafilaayo inuu ku guulaysto doorashada soo socota ayaa sheegay in Somaliland tahay meel tusaale unqon karta Somaliya oo Colaado hadheyeen iyo Africaba.

Mr Cameron Waxaa latiigsadey Su’aal Muniir Axmed Cigaal oo ah wariye madax-banaan oo kusugan waddanka ingiriiska, Cameron wuxuu maanta Khudbad kajeediyay jamacad kutala magaalada Milton Keynes:Jamacadaas oo ah mid dadku si online ah udhigtaan lana yirahdo Open University.

Waxaan kawar helay in uu maanta imanaayo magalada Milton Keyned David Cameron oo ah hogaamiye sameyn weyn kuleh wadankan Britain isla markaana lagayaabo in Xisbigiisu doorashada ku guleysto ayaan ubajiyay socdaalkaygii shaqo ee aan magaalada kujoogay annigoo isku dayay in aan qadiyada Somaliland bal in uun xasuusiyo, Waxaan ugu horeyn Salaan kadib Su’aalay Mr Cameron waxaan udhashay Somaliland waxaan si xushmada kaga codsanayaa ma iisheegi kartaa waxaad ilaa hada aad uqiri ladahiin Wadankayaga oo 18 sanno nabad aha qabsadeyna doorashooyin kaladan beeyay oo dimuquraadi ah,

Wuxuu igu jawaabay Mr Cameron Somaliland waxay qabsatey waxbadan waxay kunoosha-hay nabad waxayna dadkooda kala xishoodeen xabad waxaanan rajaynaya in ay tusaale unoqon doonto Somaliya oo colaado aan dhamaad lahayn hadheyeen iyo Africaba sidey isugu dhaqaan Dumuquradiyada.

Waxaan kaloon weydiiyay suurta gal matahay inaad aqoonsataan hadaad talada waddanka qabataan, Wuxuuna igu jawaabay waxaanu egaynaa sidey udhacaan dorashooyinka lafilaayo iyo sidey kudhamaato aqoonsigu maha jawaab hada aan kusiinayo lakiin waxaan sheegi karaa’uun iney waxbadan oo amaana mudan tahiin.

Wakhtigoo cidhiidhi ku ahaa awgeed socodna aan kula kulmay way isurobi weydey inan waxbadan sii-weydiiyo, lakiin wuxuu umuuqdey inuu kufarax sanyahay waxay Somaliland qabsatey hadana ay eegayaan, waa markii uhoreysay ee mas’uul kamida kuwa hogaamiya wadanka ingiriiska loo bandhigo qadiyada Somaliland tan iyo xiligii Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ahaa Suxufi caana uu Su’aal latiigsadey Tony Blair oo markaa ahaa Raysal wasaaraha ingiriiska.

Muniir Axmed Cigaal.

freelance journalist.

E-mail muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: