Toggaherer’s Weblog

KORODHSO AQOONTAADA:MAGACAYADA LACAQAHA ADUUNKA IYO TARIKHDOODA

Posted on: May 27, 2009

KORODHSO AQOONTAADA:MAGACAYADA LACAQAHA ADUUNKA IYO TARIKHDOODA

Waxaan maqaalkaan si kooban ugaga hadlayaa Magacyada lacagaha aduunka qaarkood, Astamahooda iyo Meesha asal ahaan ka yimadeen.

click to comment

Dollar($, USD, US$ ): Waxaa Isticmala dawlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Canada, Australiya, Singapore, Brunie , Hong Kong iyo Qaar ka mid ah wadamada Carribeanka. Ereyga “dollar” wuxuu ka yimid erey af Jarmal ah “Thaler”. Dollarka Maraykanka, oo manta ah lacagta adduunka ugu isticmaal badan, wuxuu dhaqangalay Sanadkii 1792, Waxaa la lyidhi magaca “dollar” wuxu ku yimi ka dib marku Maraykanku ka xoroobay Boqoortooyidii Ingiriiska.

Peso($) : Waxaa isticmaala dawlado badan oo ay ka mid yihin dalalka Lain America sida Mexico, Argentine, Colombia iyo Bolivia, Waxaa kaloo isticmaali jirey Wadanka Spain intanay qaadin lacagta “Euro”. Ereyga “peso” wuxuu ka yimi afka Spanish-ka.

Pound ( ₤ ) :Waxaa isticmaala Wadamo fara badan oo aay ka mid yihiin Ingiriiska, Egypt, LebanonSudan. Ereyga “Pound” wuxuu ka yimid kalmad Laatiin ah “pondus” oo micnihiisu yahay culeys.. Marka la soo Gabanayo Pounka waxaa loo qoraa “lb” oo ah libra. “Pound” waxaa loo yaqaan Geni. Ereyga Geni laftiisu wuxuu ka yimid erey Carabi ah “Juneih”. iyo

Lira: Waxaa isticmalay jirey Wadamada Talyaaniga iyo Malta intanay qaadin “Euro”. Waxaa kaloo hore u isticmaalay jirey dalalka Syria, Jordan, Turkiga iyo Lebanon. Ereyga “lira” wuxuu ka yimid Laatiin “libra” oo micnihiisu yahay rodol.

Euro (€): Waxa Isticmala 16 dal oo European ah kuwas oo kala ah Austria, Belgium, Cyprus, Finland, France, Germany, Greece, Ireland, Italy, Holland, Portugal, Slovakia, Slovenia, Spain iyo Luxemborg. ”Magaca Euro” Waxay soo Baxday 16 December 1995. Waxa Mamuula oo soo dabaaca Lacqta bankiga lagu magacabo European Centeral Bank oo ku tala Magalada Frankfurt wadanka Germany.

Franc: Waxaa isticmaali jirey Wadamada Faransiiska, Belgium, Luxemborg intanay qaadin lacagta “Euro”. Waxaa kale oo laga Isticmalaa Wadamada ama dalalka West Africa aaay ka mid yihiin Mali, Benin, Burkina Faso, Ivory Coast, Guinea-Bissau, Niger, Senegal iyo Togo. Ereyga “Franc” wuxuu ka yimi kalmad laatiin ah “Rex Francorum” oo micnaheedu tahay Boqorkii Faransiiska.

Krona (kr): Waxaa laga Isticmaala dawladaha Sweden , Norway ,Denmark, Estonia, iyo Iceland. Ereyga “ Krona” wuxuu ka yimi erey Laatiin ah “ Corona ” oo micnihiisu yahay Taaj, (Taajka Boqorka ).

Rouble (рубль, rubl) : Waxaa wada isticmaala Dalalka Russia, Belarus iyo Transnistra.

Shilling( Sh):Waxaa isticmaala dalalka Somaliland, Somaliya, Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Kwacha (Zk): Waxa isticmaala dawladaha Zambia iyo Malawi.Micnihiisuna waa “Wabeeri”.Zambia waxay qaadatay Lacaqta Kwacha sanadkii 1968, Malaawina sanadkii 1971.

Naira (₦): Waxaa isticmaala Wadanka Nigeria Waxay Nigeria qaadatay ”Naira” sanadkiii 1973. Horey waxay isticmaali jirtey magaca “Pound”.

Pula(P): Waxaa isticmaala Dalka Botswana. Waa kalmad af Setswana (afafka Botswana ) taas oo Micnihiisu u yahay “Roob”. Roobka ayaa ku yar Botswana .Waa dalka ay ku taalo Kalahari Desert. Magaca “ Pula ” waxay Botswana qaadatay sanadkiii 1976. Horey waxay isticmaali jirtey “ Rand ” oo ah lacaqta South Africa.

Birr: Waxaa isticmaala dawladda Ethopia. Ereyga “Birr” waa erey af Amxaaro ah oo micnihiisu yahay (silver).

Nakfa (Nfk): Waa lacqta wadanka Eriteria.Waxayna soo baxday sanadkii 1997.Lakinse 1997 ka hor waxay isticmalay jirtay Lacqta Ethopianka ee ”Birr”.

Cedi : Waxaa isticmaala Dalka Ghana .Wa erey af Akan ah (afafka Ghana ).Magaca “Cedi” waxay Ghana qaadatay sanadkiii 1965. Horey waxay ugu isticmaali jirtey magaca “pound”.

Dalasi (D) : Waa Lacqta wadanka Gambia.Magaca ”Dalasi” waxay Gambia qaadatay sanadkii 1971.

Dinar: Waxaa isticmaala dalaka Carabta kuwas ooy ka mid yihiin Algeria, Iraq, Jordan,Kuwait,Macedonia Bahrain iyo Tunisia. Ereyga “dinar” wuxuu ka soo jeedaa “denarius” oo ah lacagtii Roomaankii hore.

Dirham: Waxaa isticmaala Morocco iyo UAE. Ereyga “Dirham” wuxuu ka soo jeedaa “drachma” oo ah lacagtii Giriigii hore.

Riyal: Waxaa Isticmaala Wadamada Boqoortoyada Saudia Arabia, Iran ,Yemen ,Qatar iyo Oman.

Rupee(Rs)/Rupiah(Rp) : Waxaa laga Isticamala dalalka Pakistan, India , Indonesia, Sri Lanka, Nepal, Marutius, Seychelles.
Dalka Maldive ayaa lacqatooda la yidhada Rufiyah.Ereyga Rupee ama Rupiah wuxuu ka yimid luqada Sanskrit oo ka mid ah luqadihii qadiimiga ahaa ee Hindiya, Micnihiisuna waa Silver.

Ringgit( RM) : Waxaa isticmaala Dalka Malaysia. Ereyga Ringgit waa erey af Malay ah, oo Micnihiisuna yahay girgiraley, ama lacagtii girgirrada lahayd.

Bhat (฿): Waa Lacqta wadanka Thailand. Hore waxay isticmaalay jireen ”Tical”

Real (R$) : Waa lacqta wadanka Brazil Waxayna soo baxday sanadkii 1790.

Bolívar fuerte: Waxa laga Isticmala wadanka Venezuela. Waxana dalka lagu dabaqday sanadkii 1879.

Manat (, m, ман. or man): Waa Lacaqta Wadanka Azerbaijan.Waxaa soo saray lacqtan Xusbiga Azerbaijan Soviet Socialist Republic taas oo ka talin jirtay dalka sanadkii 1919.

Special Drawing Rights (SDRs) waa lacaq aay isticamasho Ururka International Monetary Fund (IMF).Lacaqtas aya ah lacaq dhowr dal aay ka wada Dhaxayso Waxana ka mid ah Japanese (yen),French (franc),USA(dollar) iyo Britsh(pound).

click to comment
Mohamed Aden Nur

Bsc (Hons) Economics
International Islamic University,Islamabad

MBA Banking & Finance
Preston University,Pakistan

m.aden.nur@hotmail.com
Islamabad,Pakistan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: