Toggaherer’s Weblog

DR CUMAR IMAAN OO IS CASILAY IYO XASAN DAAHIR OO CUMAAMATAY GUDOOMIYANAMIDA XISBIL ISLAAM

Posted on: May 27, 2009

DR CUMAR IMAAN OO IS CASILAY IYO XASAN DAAHIR OO CUMAAMATAY GUDOOMIYANAMIDA XISBIL ISLAAM

Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa Gudoomiyihii Xisbul Islaam ayaa xilkii ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys.
click to comment
Xil wareejintan oo dhacday maanta ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay, iyadoona mudooyinkii u dambeeyay tan iyo markii uu Sheekh Xasan Dahir ku soo laabtay dalka uu si hoose u maamulayay Xisbul Islaam.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dr. Cumar Iimaan waxaa uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas Sheekh Xasan Dahir oo ka tirsanaa ururkaas, isla markaana ahaa Hogaamiyihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara.

Dr. Cumar Iimaan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aanu jirin wax cadaadis ah oo lagu saaray inuu xilka wareejiyo, balse uu ka cudur daartay sii heynta Xilkaas.

Sidoo kale Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa isna uga mahad celiyay Dr. Cumar Iimaan sida wanaagsan uu xilkiisa ugu soo wareejiyay, iyo mudadii uu haayay ee uu u dhabara adeegay sida uu sheegay.

Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir ayaa hada ah Gudoomiyaha rasmiga ah ee Xisbul Islaam, waxaana tani ay iftiimineysaa sida uu ugu han weyn yahay inuu kursiga Madaxweynenimada, isagoo hadana qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Dowladda

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: