Toggaherer’s Weblog

M/WEYNE RAYAALE OO QAABILAY MADAX DHAQAMEEDKA GARXAJIS

Posted on: May 26, 2009

M/WEYNE RAYAALE OO QAABILAY MADAX DHAQAMEEDKA GARXAJIS

M/WEYNE RAYAALE OO QAABILAY MADAX DHAQAMEEDKA GARXAJIS

Madaxweyne Rayaale oo Qaabiley Madax-Dhaqameedka Gar-xajis iyo Beello kale oo la Ballansan

Ujeedada Kulamadaas iyo Nuxurka Wax yaabaha la Filayo in lagu soo qaadayo

Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay kulan qaddo iyo fadhi isugu jira ku qaabiley qasriga madaxtooyadda Somaliland madax-dhaqameedka Beesha Garxajis. Kullankaa oo ahaa mid mid gaar ah ayaan haba yaraatee wax war ah laga heyn ujeedadiisa balse warar xog ogaal ah oo aanu ka helay ayaa sheegay in uu kullankaasi bilow u yahay kullamo madaxweyne Rayaale ku dalbaday in uu la yeesho madax-dhaqameedyada Somaliland.

Abaaro 11-kii shalay ayaa lagu war helay mada-dhaqameedyada beeshaas oo saf ugu jira afaafka madaxtooyadda oo magacyadooda mid mid looga xaadiriyey, kuwaas oo muddo yar oo kooban gudaheed ku xarooday Xarunta Madaxtooyadda, kuwaas oo fadhi weyn oo qayillaad iyo fadhi ah uu ku qaabiley Madaxweynuhu.

Fadhigaas oo qaatay ilaa caweyskii xalay, ayaa la sheegay in lagu gorfeeyey xaalladaha siyaasadeed ee ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha nabadgelyo ee mandaqada ka taagan, kuwaas oo la sheegay in uu madaxweyne Rayaale xalkooda kala tashanayo mdax-dhaqameedyada Somaliland si xal looga gaadho.

Arrintan ayaa u muuqata olole ballaadhan oo xukuumadda tallada haysa iyo xisbiga UDUB qaadeen, taas oo doonayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan siddii loo taageeri lahaa UDUB, si ay meesha uga saaraan eedaha mucaaridkeeda oo hada u muuqda inay ku hafteen tabaha iyo xeeladaha xisbiga UDUB oo ugu cudud sheegtay awoodda baahsan ee aan lahayn kantaroolka oo imika gaadhay halkii ugu saraysay.
WAAHEEN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: