Toggaherer’s Weblog

WALAD CABDALA OO SOCDAAL QARSOODI AH KU YIMI MUQDISHO MAANTA SAACADO YARNA JOOGAY

Posted on: May 25, 2009

WALAD CABDALA OO SOCDAAL QARSOODI AH KU YIMI MUQDISHO MAANTA SAACADO YARNA JOOGAY

click to commentWakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa socdaal qarsoodi ah ku soo gaaray maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, isagoona wada hadalo kula qaatay Madaxda Dowladda.

Axmed Walad Cabdalla ayaa socdaalkiisa oo aan horay loo sii shaacin ayaa ka soo kicitimay Magaalada Nairobi iyadoona socdaalkiisan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii la soo dhisay Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.

Walad Cabdalla ayaa saacado kooban oo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah oo albaabada loo laabay la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Wararka ayaa sheegaya in arrimo ammaan darteed loo shaacin waayay safarkiisa, iyadoona laga cabsi qabay in weeraro lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada.

Diyaarada keentay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa si nabad uga duushay daqiiqado ka hor Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo saacado kooban ay fadhisay, kadib markii ay keentay.

Waa socdaalkii u horeeyay ee uu ku soo gaaro Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: