Toggaherer’s Weblog

BARLAMAANKA UK OO DOOD XAASAASI AH KA YEESHAY SOMALIA IYO AQOONSIGA S/LAND

Posted on: May 25, 2009

BARLAMAANKA UK OO DOOD XAASAASI AH KA YEESHAY SOMALIA IYO AQOONSIGA S/LAND

BARLAMAANKA UK OO DOOD XAASAASI AH KA YEESHAY SOMALIA IYO AQOONSIGA S/LAND

Baarlamaanka Ingiriiska oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Dhibaatooyinka Soomaaliya iyo Aqoonsiga Somaliland

“Ma aaminsani in aqoonsiga dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal u noqon karto madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa arrin xalkeedu u yaal Afrika”

Lord Malloch-Brown

“Budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Somaliya waxay leeyihiin halisteeda,waana in la iska kaashado si loola tacaalo”

Lord Howell

“Xalku wuxuu ku jiraa Ingiriiska oo aqoonsada Somaliland, meeshana aan laga saarin”

Lord Steel

London Baarlamaanka Boqortooyada Britain, ayaa shalay yeeshay dood aad u kulul oo lagu lafoguray dhibaatooyinka baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Dooddan oo Aqalka Odayaasha ee loo yaqaan House of Lords ee Ingiriisku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ka yeesheen, ayaa sida lagu baahiyey bogga wararka ee baarlamaanka Britain ku leeyahay Internetka waxa mudanaayaasha ka qaybqaatay aad u lafogureen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in dawladda Britain aqoonsi buuxa u fidiso Somaliland, halka xildhibaanno kalena arrinta aqoonsiga iskaga soo riixeen dhinaca Midowga Afrika.

Lord Steel oo ka soo jeeda degmada Aikwood ee dalka Ingiriiska oo dooddaas ka qaybqaatay, ayaa miiska soo dhigay in marka la eego xasillooni-darrada iyo dawlad la’aanta muddada dheer ka jirtay Soomaaliya uu xalka keliya ee meesha yaallaa yahay dawladda Ingiriiska oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland.

“Mudanayaal, marka la eego dawlad la’aanta muddada dheer ka jirta Soomaaliya miyaanu kiiska iminka meesha yaal ahayn in dib looga fikiro guud ahaanba su’aasha meesha taal ee aqoonsiga Somaliland oo ahaa maxmiyad ka tirsanaa Ingiriiska, xalkuna wuxuu ku jiraa Ingiriiska oo aqoonsada Somaliland, meeshana aan laga saarin,” ayuu yidhi Lord Howell.

Wasiirka Ingiriiska u aqaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Mr. Lord Malloch-Brown, kana tirsan aqalka odayaasha oo isna dooddaas ka qaybgalay ayaa yidhi; “Mudanayaal, waxaad ka warqabtaan in shirkii Jabuuti lagu ballaadhiyey baarlamaankii Soomaaliya, laguna doortay madaxweyne cusub, xalka mushkiladda taaganna wuxuu ku jira iyada oo la dhiso dawlad sal-ballaadhan oo wax ka qabata dhibaatooyinka bani’aadnimo ee haysta shacabka Soomaaliyeed, markaa inkasta oo dawlada Sheekh Shariif ay waqtigan la tacaalayso dagaallada ay ku hayaan kooxaha kacdoonka wada ee hubaysan, waa inay haddana sii wado barnaamijka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dawladaha dibadaha.”

Wasiirka oo ka hadlayey qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo dariiqa loo marayo waxa uu yidhi; “Arrinta Somaliland waa mid joogto ah oo markasta oo Soomaaliya ku sii durugto dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinka ina hortimaad, mudanayaasha sharafta lehna way ogyihiin kaalinta innooga bannaan, taas oo ah in aynu taageero buuxda siino Somaliland, laakiin waxaynu ognahay in qaddiyaddeeda iyo madaxbannaaninada lagu xallin karo shirarka Afrika yeelato. Marka u horreysa waa in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan, dabadeedna loo soo gudbo Midowga Afrika oo halkaa lagaga doodo.

Ma aaminsani in aqoonsi dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal u noqon karto madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa arrin xalkeedu u yaal Afrika.”

Lord Howell oo laga soo doortay deegaanka Guildford ee waddanka Ingiriiska, ayaa isna shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan dalka Eratariya oo taageero siinaya Al-shabaab ay galeen Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ta fidnada sii hurinaysa. Waxa kaloo mudanuhu carrabka ku dhuftay budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeesheen isu socodkii gaadiidka badda ee isaga kalagooshayay dacallada dunida.

“Budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya waxay leeyihiin halisteeda. Waa sax in dawladda Iiraan doonayso in ay marakiib u dirto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay ula dagaallamaan budhcad-badeeda, arrintaasina waxay u baahan tahay in la iska kaashado si loola tacaalo budhcadda ka dillaacday badaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Lord Howell.

Waxa kale oo iyaguna dooddaas ka afkaarahooda ka dhiibtay mudanayaal badan oo dhammaantood ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee ka mid yihiin budhcad-badeedda, argagixisada, xagdudubyada bani’aadanimo ee loo gaysto bulshada rayidka ah iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku wax ka qabato, iyaga oo xildhibaannada qaarkood miiska soo dhigay sida Soomaalida Ingiriisku u kala tafaaraaruqsan tahay ee ay ula kala safan yihiin kooxaha ku hirdamaya Soomaaliya, halka ay jiraan qaar kale oo ka niyad-jabsan dhismaha dawlad Soomaaliya yeelato oo dalka xaslata.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: