Toggaherer’s Weblog

NIN WATAY GAADHI LAGA SOO BUUXIYAY WAXYAALAHA QARXA OO ISKU QARXIYAY XARUN CIIDAMADA XAMAR

Posted on: May 24, 2009

NIN WATAY GAADHI LAGA SOO BUUXIYAY WAXYAALAHA QARXA OO ISKU QARXIYAY XARUN CIIDAMADA XAMAR

Muqdisho 24 May 2009 THN
Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin naftiisa halige ah ayaa isku qarxiyay xaruntii keydka shidaalka Haama Dhowr ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo aheyd Keydkii Shidaalka Dowladda KMG.

Qaraxa Ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa uu mar kaliya gil gilay qeybo ka mid ah Magaalada, iyadoo goobtii lagu fuliyay ay qarisay uuro iyo qiiq, iyadoo la arkayayna holac ka baxayay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana jira qasaaro xoog leh oo soo gaaray Ciidamada Dowladda KMG oo ku sugnaa Xaruntii Keydka Shidaalka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu dhowr jeer noq noqonayay saaka oo idil agagaarka xaruntaas, iyadoo qadaro yar kadib uu Gaariga galay Xarunta Keydka Shidaalka, isagoo jiiray ilaalo ku sugneyd afaafka hore ee xaruntaas.

Xaalada halka uu qaraxa is miidaaminta ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana laga maqlayaa rasaas kala duwan, waxaana qaraxan uu qeyb ka yahay silasilado qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, taasoo sanadkan ka dhigeysa tii 3aad, waxaase tani ay tahay mid ku cusub Ciidamada Dowladda oo ah qaraxii u horeeyay ee ismiidaamin noociisa lala eegto, waxaana horay u jiray qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eeganayay Ciidamada shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Axmed Kulan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: