Toggaherer’s Weblog

12 MARKAB OO RUQSAD LA SIIYEY AYAA KU JIRA BADDA KUWA LAASQOREY LAGU HAYSTAANA ..

Posted on: May 24, 2009

12 MARKAB OO RUQSAD LA SIIYEY AYAA KU JIRA BADDA KUWA LAASQOREY LAGU HAYSTAANA ..

click to commentWasiirka kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland Cali Maxamed Qorseef ayaa sheegay in kala xadaynta badaha Somaliland ee gobolada iyo degmooyinka dalka ay u taallo wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, isagoo intaa ku daray in kala xadaynta badaha iyo bariguba ay xilkeeda leedahay wasaarada daakhiligu isagoo dhinaca kalana shee gay in maraakiibta kalluumaysi ee dalka maser laga leeyahay ee kooxda dabka ahi ku haysato laasqoray aanay wax sharciyada kalluumaysi ah ka haysanin Somaliland, balse uu tilmaamay in si tuugo ah oo sharci daro ah uga kalluumaysanayeen isagoo tilmaamayna in maraakiib shisheeye oo tiradoodu gaadhayso 12 markab ay rusqad sharci u siiyeen kalluumaysiga xeebaha Somaliland.
click to comment
Wasiirka kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland Cali Qoorseef oo shalay guddida joogtada ee golaha guurtida hortagay, ayaa warbixin dheer ka bixiyey hawlaha ay wasaaradiisu qabato, maraakiibta ruqsadda loo siiyey inay ka kalluumaystaan iyo tirada Maraakiibta Kalluumaysi ee badda Somaliland, waxaanay hortegista wasiirka Kalluumaysiga ee guddida Guurtidu ka dambaysay ka dib markii ay toddobaadkii hore qoraal u yeedhis ah guddidu u direen wasiirka, iyagoo ka dalbaday inuu horyimaaddo.

Mudanayaasha guddigaasi markii ay dhegaysteen war-bixintii wasiirka waxay waydiiyeen su’aalo la xidhiidha arimaha kaluumaysiga dalka iyo maraakiibta shisheeye ee dalka ka kaluumaysta.

Ugu horeyn guddoomiyaha guddida joogtada Cabdilaahi Ibraahim xirsi Dhugad ayaa wasiirka kalluumaysiga ugu qadimay ujeedada ay ugu yeedheen oo uu sheegay inay la xidiidho sidii uu warbixin uga siin lahaa xaalada guud ee wasaarada iyo waxyaabaha u qarsoomay.

Intaa ka dibna wasiirka kalluumaysiga Cali Qorseef ayaa fadhigaasi guddida joogtada ee guurtida waxa uu ugu horeyn ka akhriyey warbixin qoraal ah oo ku saabsan hawlaha wasaarada u qabsoomay waxaanu warbixintaasi ay u qornayd sidan:ujeedo warbixin kooban oo ku saabsan wasaarada kalluumaysiga.

Mudanayaal wasaarada kalluumeysiga iyo horumarinta xeebaha waxa la dhisay sanadkii 1993.

Wasaaraddu waxay ka kooban tahay saddex waaxood o kala ah.

Waaxda maamulka iyo shaqaalaha.

Waaxda qr4oshaynta, tababarada iyo cilmi baadhista.

Waaxda kalluumaysiga.

Qaybaha o yimid waaxahaas waxz ay ku cad yihiin qaab shiiiidmeedka waarada ee halkan ku lifaaqan.

Wasaaradda kalluumaysiga oo xarunteeda dhexe ay tahay Hargeysa waxay ka hawlgashaa dhammaan shanta gobo lee xeebta ku taal e kala ah:Selel, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo badhan.

Wasaaradda waxa ka hwlgala shaqale tiradoodu dan tahay 83 qof o intoda badan tayadooddu aad usarayso, ka dib marii ay qaateen tababro is daba joog ah oo ay naga kalmeysay ururka PERSGA ee ka shaqeeya ilaalinta deegaan badeedka badda cas iyo gacanka cadmeed.

Shaqaalahaasi waxay u badan yihiin xirfadlayaal iyo farsamo yaqanno tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Wasaarada kalluumaysigu waxay ku shaqaysaa laba qaab oo kala ah.

· Dakhli soo saar

· U adeegista bulshada ku nool xeebaha si ay sida ugu haboon uga faa’iidaystaan khayraadka badda.

Siyaasadda ay wasaaraddu ku shaqayso:

Illaalinta khayraadka badda, horumarinta adeegyadda kaabayaasha kalluumeysiga, illaalinta deegaanka badda., sameynta sahan baddeedyo si loola socdo xaaladda noolaha badda, dhiirigelinta maalgeshiga kalluumaysiga, sameynta iyo ilaalinta shuruucda kalluumeysiga, bixinta diiwaangelinta iyo liisamada kalluumeysiga.

Waxqabadka wasaaradda muddadii ay jirtey.

1. diiwaangelinta kalluumeysatada ka hawlgasha xeebaha Somaliland oo dhan 1847 nin.

2. diiwaangelinta laashashka ka hawlgala xeebaha dalka oo dhan 367.

3. waxa ay wasaaraddu tababaro xirfadeed kalluumeysato dhan 1123 nin.

4. waxay ay wasaaraddu u qaybisay kalluumasatada qalabka hoos ku qoran, iyada oo la kaashatay hay’adaha kala ah Coopi, Caritus, UNHCR iyo Care international.

o Shebaag dhan 2310 xabo oo mid walba uu wato 4 xadhig iyo lix booyadood iyo 12 miisaan.

o Sanaaduuqda kalluunka lagu guro oo dhan 830 xabbo midkiiba qaado 50Kgs

o 45 huudhi oo aan matooro lahayn.

o 30 laash oo matooro leh.

o 40 dab dhaliye oo u dhexeeya 5-10 KVA

5. waxay wasaaraddu dayactir ku samaysay xarunta kalluumaysiga ee Saylac waxayna dhigtay hal qaboojiye iyo dab dhaliyaha ay ku shaqeeyaan.

6. waxay dayactir iyo qalabayn ku samaysay 4 xafiis iyo shan guri oo hurdo.

7. waxay wasaaraddu degmada lughaya geysay hal baraf dhaliye iyo dab dhaliye uu ku shaqeeya.

8. degmada Bulla- xaar waxa aanu geynay 4 laash, 2 talaajadood oo midkisiba qaado 1500kg iy dab dhaliyaha ay ku shaqeeyaan.

9. xarunta kalluumaysiga ee Berbera waxa yaala hal baraf dhaliye, hal qaboojiye iyo saddex dab dhaliye, waxa ku dhexyaala hooso lagu dayactiro doonyaha oo qalabaysan.

10. waxa xarumo yaryar oo kalluumaysi ku yaalaan magaallooyinka karin, shalcow, xiis iyo maydh.

11. waxa ay wasaaraddu samaysay 5 seero baddeed oo uu kalluunku ku koro, kalluumaysigana ka mamnuuc ah lana kala yidhaahdo sacaadadiin, ceebaad khoorsora, Rabshiga iyo dhuftinle, ka dib markii uu gacan naga siiyey urur goboleedka la yidhaahdo PERSGA.

12. waxa ay wasaaraddu dugsi lagu barto xirfada kalluumaysiga oo aan ahayn kuulliyada culuunta badda ka furtay magalaada Berbera.

13. Waxay wasaaraaddu dajisay siyaasadii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa hawlaha kalluumeysiga ee dalka sida ku cad lifaaqa warbixinta ku xidhan.

14. waxay wasaaraddu ururisaa oo ay kaydisaa dhamaan macluumaadka wax soo saarka kalluumaysiga sida ku cad lifaaqa warbixinta

15. waxa ay wasaaraaddu diyaarisay qorshaheeda wax-qabad ee shanta sano oo 2008-2013 ka iyo qorshe sanadeed 2008-2009 ka sida ku cad lifaaqa.

16. waxay wasaaraddu sahan baddeed ku samaysay xeebta u dhaxaysa Karin ilaa lawyacado.

Intaa ka dib su’aalihii ay xildhibaanada guddida joogtadu kulankaasi ku waydiiyeen wasiirka iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Xild:Cawil Dawiil: wasiir labada markab ee dalka Masar ee kooxda dableyda ahi ku afduubeen xeebta laasqoray waxa la sheegayaa in wasaarada kalluumaysiga ka haystaan, arrimahaasi maxaa ka jira?

J: Wasiirka: sidaasaa markii hore la noogu soo sheegay laakiinse arrinkaasi waa la soo waayey, si tuugo ah ayaanay xeebaha uga kalluumaysanayeen wax rusqad sharci kalluumaysina wasaaradda kamay haysan.

S: Xildhibaan Fakar: wasiir waxa naloo sheegay in maraakiib shisheeye oo xaalufiyey kaluunkii dalka oo ugxantii qaadaya aad xeebaha dalka u fasaxdeen arrinkaa maxaa ka jira?

J: Wasiir: horta waxyaalo badan ayaa la sheegaa oo ay saxaafaduna qortaa, aniguba fikirkaasi waan qabay intii aanaan wasaaradda iman, hase-yeeshee labadii sano ee aan wasaaradda joogay markii aan imidba muddo afar bilooda ayaan baadhis iyo dabagal ka sameeyey markii dambana waxaan ogaaday inaanay waxba ka jirin, maraakiibta jiriifka umaba ogolaano inay xeebaha ka kaluumaystaan waxa la yidhi 200 oo markab ayaa xeebaha ku jira, waxaanu ogaanay in sanad dhan 12 markab oo kaliya ruqsad la siiyey.

S: Xildhibaan cawil xuseen: wasiir ma noo sheegi kartaa tirada guud ee maraakiiibta shisheeye ee ruqsada kalluumaysi siiseen maxaase laga qaadaa ee dhaqaale dalka ka soo gala?

J: Wasiirka: horta wasaaradda 12 markab ayaa ruqsad kalluumaysi ka haysta, 12 kaa markabna maaha nooca jiriifka ee shabaagta waaweyn jiita, markaliyana xeebta ma wada galaan ee kolba afarbaa badda gala oo way iswaydaartaan, lacagta laga qaadaana 20% masalan markabka qaadanay toban kun oo tan oo kalluuna waxa laga qadaa $20,000 ka 20,000 oo tan qaatana $40,000 lacagtaasina qasnada dawladda ayey ku dhacdaa oo meel kale ma marto, maraakiibtana waxa la saaraa kormeerayaal kaantaroola noocyada kalluunka iyo qalabka maraakiibtu ay wataan.

S: Xildhibaan: Aadan goolqale: wasiirka sidaan ogahay gobolka Hargeysa deegaan baddeed xeebeed oo qadiimiya ayuu lahaa, hadana warbixintaada kumaad cadaynin deegaanka badeed ee uu leeyahay gobolka Hargeysi xilka wasaaradaada ayey tahay inay kala cadayso deegaan xeebeedyada gobolada iyo degmooyinku kala leeyihin arrinkaasi maxaa kaaga qorshaysan?

J: Wasiirka: horta arrinkaasi kala xadaynta baduhu wasaarada arrimaha gudaha ayey u taalaa oo iska leh, barigiibaan ilaa bada la kala xadayn, markase la dhamaystiro kala xadaynta dhulka bariga ayuun baa laga hadli karaa arrinkasi waxa uu u yaalaa wasaarada arrimaha gudaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: