Toggaherer’s Weblog

DIYAARAD BUUFINAYSA AYAX KA DHASHAY GOBOLO KA MID AH HAGAYSA OO SAKA HAWL GASHAY

Posted on: May 23, 2009

DIYAARAD BUUFINAYSA AYAX KA DHASHAY GOBOLO KA MID AH HAGAYSA OO SAKA HAWL GASHAY

Hargaysa 22 May 209(THN)
Subaxnimaddii hore ee saaka ayaa waxa magaaladda Hargeysa lagu war helay diyaarad weyn oo dul haadaysa saqafka sare ee guryaha oo joog hoose ku duulaysay taasoo dadka baqdin ku abuurtay.

click to comment

Diyaaradan oo ka kacday air-port ka Hargeysa ayaa waxay haw-gal ay ku buufinayso Ayax ka dilaacay deegaamo ka mida gobolka hargeysa oo farabaas ku haya dalagii ka soo baxay roobab dhawaan helay deegaanadaasi

click to comment

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Aadan Axmed Dhoolayare oo la hadlay saxaafadda ka dib markii Diyaaradaasi hawl-galkeeda bilowday ayaa u sheegay Diyaaradaasi inay tahay diyaaraha lagula dagaalamo Ayaxa waxaanu sheegay inay hawl-gal ay ku buufinayso Ayaxa ka bilowday inta u dhaxaysa Aw-barkhadle iyo dheenta halkaasoo lagu arkay Ayaxa koronkor ah oo dilaacay

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay fulinayaan hawl-gale kale oo ay u adeegasnayaan diyaaradan kuwaasoo ay ka fulin doonaan goob kasta oo lagu sheego Ayaxaasi inuu joogo, waxaanu xusay dhibaatada Ayaxu inay tahay mid aafo ah oo baabi’inaysa dalagii u bixi lahaa dadka beeralayda ah kuwaasoo dhibaato weyni ay marka horeba ka soo gaadhay roobabkii ka di’i jiray oo habsaamay

Duulimaadyadan lagu buufinayo Ayaxa ayaa waxa Somaliland ka caawisay Hay’adda DLCO waxaana ka qayb qaadanaya oo duulimaadyada fulinaya duuliyayaal Somali ah oo aqoon u leh la dagaalanka Ayaxa kuwaasoo kala ah Captain C/lahi Siciid Caraalle iyo falaag oo ah xidhiidhiyaha mashruuca .

Maxamed muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: