YAA CAAWINAYA? ALLE HA KUU GARGAAREE CAAWI INANTAN YAR EE XANUUSANAYSA WAXA AY JIRTAA 3 BILOOD
Posted May 22, 2009
on:YAA CAAWINAYA? ALLE HA KUU GARGAAREE CAAWI INANTAN YAR EE XANUUSANAYSA WAXA AY JIRTAA 3 BILOOD
YAA CAAWINAYA?
Aamina Maxamud Sh. Muxumed Cumar waa gabadh yar oo jirtay muddo ka yar 3 blood, isla markaana ku soo dhalatay xannuun culus oo ka abbaaray wadnaha oo dhexda ka daloola sida ay caddeeyeen dhakhaatiirta Somaliland.
Aamina yar waa mataan la dhalatay wiil isagu caafimaad qaba oo ka fayow xannuunka wadnaha ee iyada gaarka u ah, waxaanay ka dhalatay qoys danyar ah oo deggan xaafadda Gannad ee magaalada Hargeysa, isla markaana aan awoodda dhaqaale u saamaxayn in cusbitaal dibadeed u diraan.
Guddi ka tirsan dhakhaatiirta waaweyn ee cusbitaalka Guud ee Hargeysa ooo loo saaray baadhista iyo talo-bixinta xaaladda caafimaad ee gabadhan yar oo aan awood dhaqdhaqaaq lahayn tan iyo markii ay dhalatay bishii March ee sannadkan 2009, ayaa caddeeyay in aan xaaladda Aamina yar waxba lagaga qaban Karin dalka gudihiisa, kuna taliyey in si degdeg ah loogu diro cusbitaal dibadeed oo loogu sameeyo qalliin lagu badbaadiyo nolosheeda.
Eeg dhukmatiyadan muujinaya warbixinaha iyo talo-bixinta dhakhaatiirtu ka soo saareen xaalka caafimaad ee Aamina Maxamuud waa kuwan.
Haddaba, Maxamuud Sheekh Muxumed Cumar oo ah aabbaha gabadhan yar, ahna macallin wax ka dhiga Madarasad kuwa xifdiga Qur’aanka ah, waxa uu si naxariis leh uga codsanayaa cid kasta oo awoodi karta inay gacan ka siiyaan sidii inantiisa yar ee xannuunka culus haleelay loogu diri lahaa cusbitaal dibadeed oo aannu isagu awood dhaqaale u lahayn.
Wixii kaalmo bani’aadanimo ah ee loo fidinayo badbaadinta Aamina yar waxa loogu soo hagaajin karaa Account-ka DAHABSHIIL oo ah HRGD 13816, wixii faahfaahin ah ee intaas dheerna waxa lagala xidhiidhi karaa aabbaheed Maxamuud Sh. Muxumed oo laga heli karo: Tel: 00252 2 4466624 amma Email: xareed_9@hotmail.com
Leave a Reply