Toggaherer’s Weblog

LAMAANE LACAG KA BADAN LIX MILYAN OO DOLAR OO SI KHALAD AH UGU DHACAY ACCOUNTKOODA LA BAXSADAY

Posted on: May 22, 2009

LAMAANE LACAG KA BADAN LIX MILYAN OO DOLAR OO SI KHALAD AH UGU DHACAY ACCOUNTKOODA LA BAXSADAY

Lamaane u dhashay dalka New Zealand ayaa la baadi goobayaa kadib markii ay la baxsadeen lacag dhan 6 million oo dollar oo si khaldan Bangigooda loogu soo shubay.
click to comment
Ninkan iyo haweenaydiisa ayaa lahaa xarun shidaal oo ku taal magaalada Rotorua ee bariga dalkaasi New Zealand. Waxayna horey lacag dhan 10.000 (toban kun oo dollarka wadankaas) oo dayn ah uga codsadeen Bangigooda Westpac.

Hase yeeshee bangiga ayaa si khaldan ugu shubay accountkoodii lacag 1000 jeer ka badan intii dayntii ay codsadeen ugu shubay accountka reerkaasi.

Reerkan ayaa ka warhelay bangigooda in ay kusoo dhacday lacag dhan 10 million oo dollarka dalkaasi ah oo u dhiganta (6.1 Million US dollars).

Lamaanahan ayaa lacagtaasi in badan kala baxay bangiga ayagoo baxsaday illaa iyo hadana la baadi goobayo meel ay jaan iyo cidhib ay dhigeen.

Booliiska dalkaasi New Zealand ayaa sheegay inay wadaan baadHitaan balaadhan oo lagu doonayo ninkaasi iyo xaaskiisa oo la baxsaday lacagtaasi khaladka ugu dhacday bangigooda.
Bangiga Westpac ayaa sheegay in arrintan ay ku timid khalad dhinacooda ah, isla markaana ay wadaan baadhitaan, waxayna sheegeen in ay kamid ah lacagtaasi ay dib usoo cesheen balse ma sheegin intii ay la baxsadeen ninkaasi iyo xaaskiisa.

Waxaa la rumeysan yahay in lamaanaha baxsadka ah ay ka baxeen dalka New Zealand ayadoo la hadal hayo inay u baxsadeen dalkaasi China.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: