Toggaherer’s Weblog

DAGAALKII SAAKA KA BILAABMAY MUQDISHO OO SII LABA KACLEEYEY

Posted on: May 22, 2009

DAGAALKII SAAKA KA BILAABMAY MUQDISHO OO SII LABA KACLEEYEY

waxaana goor dhow dib u soo laba kacleeyay Ciidamadii Dowladda oo waabarigii saaka ku kalahay goobahaas, balse markii dambe dib loo soo caabiyay.

click to comment

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobihii markii hore ee saaka ay tageen, sida Isgoyska Aadan Cadde, H/wadaag, Isgoyska Bakaaraha iyo Folorensa, waxaana dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdaa dhinaca Isgoyska Bakaaraha.

Wariye ku sugan Degmada H/wadaag ayaa xaqiijisay in Ciidamada Dowladda ay dib u soo rogaal celiyeen, iyadoona sheegtay in dagaalka uu iminka afka ku haayo gudaha Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Dowladda ayaa saaka galay Suuqa Bakaaraha, inkastoo dib looga soo caabiyay, waxaana xaalada ay u muuqataa mid mar in qolo meel loo riixayo, iyadoona aan ilaa iyo hada la saadaalin Karin halka uu xaal ku dambeyn doono.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Saldhiga Degmada Wardhiigley, waxaana dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan si weyn loo maqlayo.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda ayaa guulo ka gaaray dagaal isna ka socda dhinaca waqooyi ee Magaalada sida Degmada Yaaqshiid, iyadoona la wareegay Laanta Horseed, Suuq Bacaad ilaa Hotelkii Towfiiq ee Jidka Sodonka.

Wararka dagaalka oo ah mid marba marka ka dambeysa isa soo taraya ayaa waxaa la dareemayaa xiisado xoogan oo aad ay cirka isugu shareertay, kadib markii saaka Ciidamada Dowladda ay qaadeen duulaan qorsheysan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: