Toggaherer’s Weblog

XISBIYADA MUCAARADKA OO MAANTA SI WADA JIR AH U QABTAY SHIRJRAAID HUTEEL MAANSOOR

Posted on: May 20, 2009

XISBIYADA MUCAARADKA OO MAANTA SI WADA JIR AH U QABTAY SHIRJRAAID HUTEEL MAANSOOR

Hargaysa 18 MAy 2009 (THN)

Madaxda Xisbiyada Mucaarid ee Ucid iyo Kulmiye ayaa maanta si wada jir ah shir jaraa’id ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa, waxaanay dhambaal hambalyo ah u direen dhammaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxa kale oo labada xisbi mucaarid sheegeen in aan lagu marti qaadin sannad guuradii 18aad ee ka soo wareegtay gooni isu taagii Somaliland, waxaanay intaasi ku dareen in ay maalintani tahay maalin qaran, oo loo baahnaa in mucaarad iyo muxaafidba ay shucuurtooda ku muujiyaan, dib ula soo noqoshada qarankii Somaliland, oo haatan manaasibadani noqonayso 18aad guuradii ka wareegtay.

labada xisbi mucaarid waxa ay xukuumada Rayaale ku eedeeyeen inay wado talo maroorsi isla markaana ay kala qeybinayso bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, waxaanay xukuumada madaxweyne Rayaale ku dhaliileen wax qabad la’aanta ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay ayaan daro tahay wadan leh, xor ayaanu nahay oo aan ciidamadiisu lahayn darajo isla markaana waxa uu xukuumada ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada sida tacliinta biyaha waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay in aanay xukuumadu raali ka ahayn ictiraaf raadinta.

Waxaana Gudoomiye Faysal hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi “Dowlada manta joogta 7 sano ka hor waxa xilka loo tiriyay Somaliland oo raadqaad ah, waxaana loo baahnaa in la koriyo, lana taabo geliyo, markii dalkan loo dhiibay nabad ayuu ahaa doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa ka dhacay, waxaaanay ahayd in ilmahaa yar la daayo inta uu qaandhaayo, hase ahaatee dalkii waa la fadhataystay, qaybaha dalka hadaad eegto meel la kociyay ma jirto, Dugsiyada waxa inoo dhista haya’ada UNICEF. Dowlada waxa looga baahnaa inay macalimiinta mushahar ku filan siiso, caruurta yar yar albaabka iyo daaqadaha ayaa lagu xidhaa si aanay uga bixin Iskuulka ilaa intay 12:00 gaadhayso, caafimaadka dalka waad arkaysaan. “ Sidaa ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe,

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Markaad eegto ciidamadeena aduunka may dhicin wadan leh xor baanu nahay oo 18 sano ayaanu jirnaa, ciidamadiisuna ay bilaa darajo yihiin darajadu kuma xidhna ictiraafka ee waan la doonayn la sameeyo ciidamo darajo leh. Dawlada manta jirtaa waxay ka seexatay siyaasadii arrimaha dibedda, oo wasiirkeenu wuxuu malaha u yaqaan siyaasada arrimaha dibedda saaxiibtinimada shakhsiyada. Wadamada uu leeyahay waanu xodxodanaynaa, muxuu ka soo hooyay, maaha in dadka been loo sheeko, anagu markaanu tagnay Uganda, wasiiru khaarija aanu hambalyaynay oo aanu ku nidhi, arrintayadii miiska ayaad keentay waxa uu nagu yidhi miiska maanu keenin ee waxaan arkaayay nin qeybinaayay warqado”

“Waxaa ii cadaatay in aan madaxweyne Rayaale daacad ka ahayn ictiraafka Somaliland, waayo waxa uu wareejiyay dhaqaalihii dalka, madaxweynuhu waxa uu mutaystaa inta maxkamad la saaro oo laga qaado xilka dabadeedna la dilo, haddii inagu aynu xukumi weyno (xisbiyada mucaaradka), ilaahay ayaa xukumi doona, aduunku wuxuu ina siiyay 14 milyan oo dollar, waxa kale oo uu inoola diyaar yahay inuu ina siiyo saddex milyan, waxaanu inoogu talo galay inay doorashooyinku inoogu qabsoomaan, inagana waxaa la ina leeyahay waar garoonka diyaarsada, qofku markuu leeyahay doorasho xalaala ayaan doonayaa diiwaan gelinta ayaa ka kow ah, dalkeena waxaa baahday gaajadii waa inaynu samaynaa dowlad la dagaalanta fakhriga haddii la kicin lahaa wershadii sibidhka, ama ajanebiga loo ogolaan lahaa, toban kun oo qof baa ka shaqayn lahaa, dekedeenii loo arsaaqad tegi jirey maanta waa laga soo yaacaa.”

Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay mujaahid Maxamed Kaahin oo ku dheeraaday halgankii qadhaadhaa ee suurto geliyey in loo debaal dego sannad guuradii 18aad ee ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in nabada iyo dowladnimada maanta loo dabaal degayaa ay u soo dhinteen, halgamayaal. Isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Madaxda labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID waxay hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Anagu maanaan tegin Beerta Xoriyada, sababtuna way iska gaaban tahay, wayna iska cadahay oo waxa weeye hogaanka qaranka taladiisa ayay afkaartiisu tahay kala qaybinta qaranka, labadan Xisbi hadii ay doorashadii Madaxwaynaha iyo hadii ay doorashadii golaha wakiilada ay mar walba leeyihiin cododka ugu badan ee ay ku taageereen, marna lagama waydiin xuskan. Waayo maalintani gaar uma ahay Madaxwaynaha iyo Xisbigiisa talada haya ee UDUB gaar uma aha, UCID iyo KULMIYE gaar uma laha, waxaa loo sameeyay guddi qaran.isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi.

“Anaga Xisbiyada Mucaaridka hadaanu nahay cidi waxba nagama waydiin, markaa waxa kuu cadaynaysa in aan cid loogu talogelin guddoomiyihii golaha wakiilada oo aan hadalka waxba laga siinin, markaa sababtaa ayaa kaliftay in aanu halkan ku qabano shirkayagan. “ Sidaa ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin,

Waxa kale oo uu ka hadlay, isla markaana uu ku dheeraaday sanad guuradan 18aad sida ay ku timid, cida sababta lahayd iyo waxana nagu kalifay in aynu ka go’no dalkii la odhan jiray Somaliland, waxaanu yidhi. “Maanta waxaynu u dabaal dagaynaa sided iyo toban guuradii ka soo wareegtay xoriyadii Somaliland, su’aasha meeshaa taala waxa weeye maalintani sidee ayay ku timid, waxaynu ognahay in aynu ka mid ahayn dawladii la isku odhan jiray Somaliya, waxa ay ku timina waxay ahayd dowladnimadii xumaatay ayuun baa kaliftay in Somaliland xoriyadeed dib ula soo nqoto, sababta ugu wayna waxa lahaa Ururkii SNM.”

Mar uu ka hadlayey as-aaskii Somaliland waxa uu yidhi “1991-kii shir beeleedkii ugu horeeyay ee umada isugu timid ayaa Somaliland lagu aasaasay, waxa kale oo aynu ognahay halaaga somaliya ka dhacaaya, wixii aynu kaga samato baxnayna waxay ahayd shirarkii fara badanaa ee aynu isugu wada nimid bulshada waynta reer Somaliland, umadani waxa ay dib u heshiisiinteedii ku xaqiijisay shirarkii ka dhacay Burco, Berbera, Oog, Boorama, Hargaysa, Laascaanood iyo Ceerigaabo waxa kale oo shacabka reer Somaliland ay xaqiijiyeen inay qarannimadooda dib ula soo noqdaan, taasina waxay ka markhaati ka caysaa nabadgalyada aynu haysano.

Markaa hadii la xusaayo maalintan qaaliga ah waxa aasaas u ah in la xuso halgamayaashii fara badnaa ee Lixle, Shiine Koodbuur, Aadan Saleebaan, Mahdi Cali Faarax, Hure, Ibraahin Faarax Wadaarle dhammaan ragaasi waxay ahaayeen halgamayashii SNM, halkana uma soo koobi karno, balse waxaad arkaysaa in Xukuumada manta jirtaa aanay diyaar u ahayn in ay umadan taariikhdeeda xusto, waxa maanta nool oo d’a yar Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxwayne ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Somaaliland laguma soo macsuumin munaasibada.”

Waxa uu inraa raaciyey Maxamed Kaahin oo uu yidhi “Taariikhada Somaliland Daahir Rayaale waxay u bilaabmataa 2002-dii, waayo haduu gaadho 1991-kii oo waxay galaysaa Nabad sugidii, muddadii ay Somaliland jirtay wax badan ayaa la qabtay oo umada somalilanda qabsatay, oo waxa aasaaska u ah ay tahay Nabadgalyada ay xaqiijiyeen oo ay iyagu maalgaliyeen, waayo shirkii ugu horeeyay ee 1991-kii ilaa shirkii Boorama ee 1993-kii waxa alaala iyo wixii ka soo baxay waxa marti loo ahaa gobolka la joogo, balse shirkii 1997-kii ayaa u horeeyay wax cashuur ka soo baxa.”

Intaasi kadib waxa isna halkaasi ka hadlay musharaxa Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga UCID Dr Maxamed Rashiid Sh Xasan oo sheegay in Madaxwaynuhu uu diidan dhamaystirka heshiiskii ay dhawaan xeer beegtidu soo saartay, isla markaana uu ka meeraayo saxeexa qodobadaas.

Dr Maxamed Rashiid waxa kale uu hanbalyo u diray dhammaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanu intaas raaciyay in maamulkani aanu qaban wixii looga baahnaa, isagoo ka hadlaaya waxa uu yidhi. “ qodobadii ay gudida dhexdhexaadin soo saareen ee lagu dhamaystiri lahaa khalaafkii siyaasadeed ilaa hada wali dhamaystirkiisa waxaa diidan Madaxwaynaha oo Saxeexii ka meeraalaysanaaya, waxaad ogtihiin in aanay waxaba qabanin xukuumadan talada haysaa,”

Waxa kale oo isna munaasibadaa ka hadlay Musharaxa Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Saylici oo sheegay in Madaxwayne Rayaale uu xukunka jeclaysanaayo, isla markaana uu kala qaybinaayo bulshada reer Somaliland, waxaanu soo jeediyay in danta reer Somaliland ay ku jirto iskaashiga, walaalnimada sidii ay horeba ugu caano maaleen, waxaanu yidhi. “ waxaan leeyahay umada reer Somaliland ha dhagaysanina ninka kursi jecayl dartii uu taladii dalka gaar u yeeshay, oo uu maalintii qarannimda Somaliland uga dhigay xaflad UDUB.”

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: