Toggaherer’s Weblog

URURKA ARDAYDA S/L EE BANGLADESH IYO XUSKA MUNAASIBADA MADAXBANAANIDA 18 MAY DAAWO SAWIRO

Posted on: May 20, 2009

URURKA ARDAYDA S/L EE BANGLADESH IYO XUSKA MUNAASIBADA MADAXBANAANIDA 18 MAY DAAWO SAWIRO

click to comment

URURKA ARDAYDA S/L EE BANGLADESH IYO XUSKA MUNAASIBADA MADAXBANAANIDA 18 MAY
click to comment
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta xornimada Somaliland ee 18 MAY ayaa caawa fiidkii lagu qabtay HOTEL EFES ee caasimada dalka Bangladesh ee Dhaka.
click to comment
Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay ardayda Somaliland ee wax ka barata guud ahaan jaamacadaha dalka Bangladesh

Waa markii ugu horaysay ee laga xuso maalinta madaxbanaanida Somaliland dalka Bangladesh islamrkaana waa munaasibadii ugu balaadhnayd ee kulmisay ardaydii ugu tirada badnayd abid.

Qabanqaabada munaasibadan waxa hormood ka ahaa ururka ardayda Somaliland ee Bangladesh(Somaliland Student Association In B/DHESH, SSAB). Ugu horayn waxa munaasibaa ka hadlay gudoomiyaha ururka ardayda Eng Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Shiine), waxaana gudoomiyuhu ka hadlay taariikhda,sababihii loo aasaasay iyo waxqabadka ururka mudadii uu jiray iyo ahmiyada ay leedahay midnimada,isku duubnaanta iyo wada shaqaynta ardayda dhexdooda. Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “” Ururka ardayda Somaliland ee Bangaladesha waxa uu soo maray marxalado kala gedisan, waxaana urura loo aasaasay isku xidhka,daryeelka iyo kor u qaadista tayada waxbarasho ee ardayda Somaliland ee ku nool B/dhesh.

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyada munaasibadani u leedahay ururka waxaana uu yidhi “ Sharaf iyo farxad weyn bay inoo tahay inaynu markii ugu horaysay halkan uga debaaldegno maalinta madaxbanaanida S/L ee 18 MAY, Maanta waxay inoo leedahay qiime weyn waana maalin ku xardhan quluubteena waxaana ay astaan u tahay jiritaankeena qaranimo. Mar hadii ardayda S/L ee wax ka barata B/dhesh yihiin qeyb kamida kamida bulshada isla markaana yihiin wakiilo rayida oo metelaya S/L waxaa lagama maarmaan ah inaynu muujino,xusno una dabaal degno maalintan oo kale.

Waxa isna munaasibadaas haddal kooban ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka ururka Eng Cali Xuseen Nuur, waxuuna halkaa ka soo jeediyay hadalo isugu jira guubaabin,talooyin iyo dhiirigelin ku wajahan ka faaiidaysiga fursadaha waxbarasho ee dalka Bangaldesh, waxaana hadalkiisa kamid ahaa “” Waxaan idinku dhiirigelinayaa inaynu ka faaiidaysano fursadaha waxbarasho ee wadankani isla markaana xaqiijino hadafkii aynu dalkan u nimid oo ah inaynu ka korodhsano cilmiga iyo technologyada wadankan, waxaan soo dhawaynaynaa islamarkaana si deeqsinimo oo buuxda wax ugu qabanaynaa ardayda danaynaysa inay wax ka bartaaan Bangladesh.

Waxa sidoo kale munaasibadaas ka hadlay Eng Khadar Cabdi Kheyre iyo xidhiidhiyaha munaasibadaas Eng C/risaaq Yuusuf Cadaani iyo Cawaale yare oo kamida ardayda cusub ee sanadkan timid Bangladesh.

Xafladana ayaa waxa ay ku soo gebogebowday Jawi farxadeed iyagoo ardaydu isugu hambalayaynayay farxada maalintani leedahay .

Khaddar abdi khayre

khadarcago@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: