Toggaherer’s Weblog

KOMISHANKU MAAHA MEEL QOF XUKUMO AWOODNA UMA LAGA (GUDD) KALA DIRISTA GUDDIGA KORMEERKA

Posted on: May 20, 2009

KOMISHANKU MAAHA MEEL QOF XUKUMO AWOODNA UMA LAGA (GUDD) KALA DIRISTA GUDDIGA KORMEERKA

Ogaal: Laakii, Axmedow Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddigaas uu qandaraaskii ay Komishanka kula jireen ka dhamaaday, taasi ma jirtaa?

Axmed Bidaar: Koontaraadku horeba wuu uga dhamaaday. Koontaraagoodii u horeeyay wuxuu ahaa afar bilood, afar bilood iyo inka badanba imika way joogeen, Mushaharana way qaadanayeen, haddana wax kastaa waa inay soo martaa go’aanka Komishanku uu leeyahay.

Ogaal: Guddoomiyihiinu wuxuu ku doodday in kala-dirista uu sheegay ee guddiga Kormeerka doorashooyinku ay la xidhiidho kharash la’aan – taasoo weliba sida uu sheegay ka timi dhinaca Deeqbixiyeyaasha, markaa taasi miyaanay jirin?

Axmed Bidaar: Taasi isaga shaqadiisa maaha, waayo isagu (Jaamac Sweden) waa xubin Komishanka ka mid ah, markii horena Jeebkiisa kamuu bixinaynin lacagta. Markaa taasi waa mid uu ku jebiyay Sharciga, tanina maaha Sharci-jebintii u horeysay ee uu sameeyo, laakiin marar fara badan waxa dhacday inuu qaraar kelidii iska goosto oo aanu dhowr jeerna digniin ku siinay. Markaa, taanu beri (maanta) ka hadlaynaa waa kuwaa iyo waxyaabo kale oo la mid ah oo ay ka mid tahay kharashkii Shidaalka oo kale oo halkii aanu Bajat saddex bilood ah u samaynay uu bil keliya ku isticmaalay, kuna dhameeyay, markii aanu baadhnayna waxaanu ogaanay in cid shaqo oo gaadiidka Komishanka ah oo uu siiyay aanay jirin, balse dad gaar ah oo ay asxaab yihiin uu siiyay.

Ogaal: Kharashkan aad sheegtay inaad saddex bilood ugu talogasheen isticmaalka Shidaalka ee aad leedahay bil gudaheed buu Guddoomiyuhu ku dhameeyay ma Shidaal ahaan bay ku baxday, mise lacag ahaan?

Axmed Bidaar: Shidaal ahaan bay ku baxday oo aanu xaq u lahayn inuu isagu fasaxo. Markaa waxyaabahaa iyo kuwo kale oo ka waaweyn baa jira oo uu galay, beri baananu u balansanahay in aanu ka fadhiisano, wixii go’aan ah ee laga yeelayana aanu ka soo saaro.

Ogaal: Go’aankan aad sheegeen inaad ka soo saaraysaan arrimahaa aad Guddoomiyaha ku eedaysay, ma laga yaabaa inay saamayso xil-hayntiisa Guddoomiyenimo?

Axmed Bidaar: Way dhici kartaa – markaanu todobadayada xubnood isu nimaadno ee aanu munaaqishayno, haddii aanu u aragno inuu Xeerkii jebiyay ama Sharcigii yaalay ee xataa Distoorku dhigayay uu jebiyay, wuu ku waayi karaa (xilka), Maxkamad-na wuu ku mudaysan karaa.

Ogaal: Markaa, ma waxaad leedahay warqadaa uu qoray Guddoomiyaha Komishanku waa Sharci-daro, awoodna uma laha kala-dirista Guddiga kormeerka iyo la socoshada hawlaha Doorashooyinka?

Axmed Bidaar: Haa, waa Sharci-daro awoodna uma laha. Waayo; wax kasta waa in la soo dhigaa, Komishanku ka dooddaa, wax la iska waydiiyaa, dabadeedna wixii xal loo arko ay Komishanka dhexdiisa ka soo baxdaa, mana aha talo uu qof keliyi leeyahay. OGAAL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: