Toggaherer’s Weblog

WARBIXIN: 19-SANADOOD KA DIB MAXAA IS-KA BEDELAY WAAYAHA NAAFADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND?

Posted on: May 18, 2009

WARBIXIN: 19-SANADOOD KA DIB MAXAA IS-KA BEDELAY WAAYAHA NAAFADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND?

Waa hubaal in ay in badan oo bulshada ka mid ahi ay ila dareemi karaan gaar ahaan kuwa laga yaabo in ay ka soo jeedan Qoys uu ka tirsan yahay qof naafo ah, balse waa amuur aad uu adag in uu ii garaabo qof haba yaraatee aan wax fikira ka haysan, waxay tahay naafo iyo baahida gaarka ah ee qofka naafada ah.
click to comment

Hadaba si aynu ugu soo dhowaano arinta isla markaana aynu u helo sawir dhab ah oo ka tarjumaya waayaha balaadhan ee u gaarka ah deeganka dadka naafada ah kaaso saamayn weyn ku leh guud ahaan noloshooda aynu u kala qaadno
Qaybahan:-

Waxbarashada

Wax barashadu waa tiir ka mid ah kuwa nolosho taasoo ah mid nolosha ka dhigta mid debecsan isla markaasna qof kastaa u baahan yahay,Hase yeeshee dadka naafada ahi yihiin kuwo uga baahi badan kuwa iyagu aaan naafada aheyn, maxaa yeelay hadii qofku uu naafoobo isla markaana waayo aqoon, waxa sii laban laabmaya nafadnimadii waanay adagtay sida uu u naqdo mid ka qayb qaata dhaqdhaqaaqyada nolosha ee bulshada dhexdeeda sidaa darteed maxay kula tahay hadii iskuulada waxbarasho ee dalku ay yihiin kuwo aan soo dhawnayna ilmaha naafada ah oo aanay suurto gal ahayn in uu ilmo naafo ah ka qayb galo taasoo ay keentay .

1. dugsiyada oo aan uu habaysnaya dhismo ahaan in ay geli karaan naafadu,
2. tababarka macalimiinta
3. suuliyada oo aanay isticmaalin Karin dadka naafada ahi.
4. magacyada iyo naanaysaha loogu yeedho dadka naafad ah .

Maxay ka ogtahay bulshadu dareenka dhabta ah ee qayb ka mida bulshada gaar ahaan ardayda naafada ah.

Maxamed waa arday naafo ah isticmaala baaskeelada naafada waana 14 jir ku jira fasalka 4aad dugsiga hoose,

Maxamed oo sharxaya mushkilada ugu daran ee ka haysta waxborashada ayaa yidhi
“Way adagtahy in aan wax ku barto iskuul maadama aan qabo baahi aan ila hada xal loo helin oo ay ugu weyntay inaan isticmaalo musqusha oo keliya maadama ay igu adagtahay inaan ka dego baaskeelka hadiiba xataa aan ka degana musqusha lafteeda maaha mid aan isticmaali karo xaga nadaafada darted waayo ma gurguuran karo wisiqda anigoo gacmaha dhigaya waxaan u baahanahay in aan helo , musqul aan isticmaalo”

Waa arin adag runtii oo qof kasta dareemi karo xalada musqulaha dugsiyada
Dalkeena waaana caqabad aad u weyn marka loo eego dadka naafada ah mana jirto ilaa manta hal iskuul o leh musqul ay isticmaali karaan dadka naafada ah.

Miyaanay ahayn taasi caqabad ilamaha naafada ah ka reebi karta in uu helo fursadiisa waxbarasho , lakiin waxa muuqata baahida weyn ee dadka naafada ah taaso aanay jirin cid si dhab ah u og ugana war haysa amuurtaas maxaa yeelay waxy ku xidhan tahay dayaca guud ee bulshada kale oo ay iyagu waa nafada e ay yihiin kuwa ugu liiita isla markaana aanay jirin cid u hadasha iyaga .

Fursadaha shaqada

Mar hadii aanu qofku helin fursad waxbaraasho isla markaan uu yahay qof laxaadkiisu kala dhiman yahay , waxay taasi kor u qaadaysaa isla markaana ay yaraysaa suurtogalnimada in uu shaqo helo, waxa kale oo in taas dheer dareenka bulsho oo qaba in uu qof ku hadii u naafo yahay aanu yeelan karin awood wax qabad , dhamaan arimahaas waxaay ka mid yihiin aqabadaha qofka naafaada ah ka hor tagan in uu iskiis u shaqaysan karo si uu u noolaado,

Aynu is waydiino maxaa u diyaarsan xukuumada ama bulshada Somaliland in uu qofka naafada ahi helo shaqo?

Suaashaas jawaabteedu waxa ay noqonaysaa : waxba .
Marka loo eego arimahan dhowrka ah :

• marka ay dhacdo qof naafo ah oo wax bartay in uu shaqo raadsado , waxaa reebaya xeerka shaqaalaha dowlada oo qaba in qof kasta oo shaqo u tartamaya ahaado mid jidh ahaan iyo maskax ahaan fayoow.(CSC Law Article 8)
• Bulshada oo ka aaminsan inaanu waxba qabsan Karin qofka nafada ahi,
• Fursadaha waxbarasho oo marka horeba ku yar sababo jira awgood .
• Siyaasad soo dhaweynaysa dadka nafada ah oo aanu dalku lahayn .

Mar labaad aynu is waydiino in tee in leg aynu kala soconaa arimaha koor ku xusan iyo waayaha ku xeeren dadka naafada ah , hadii ay jawaabtu tahay waxba , miyanay haboonayn 19 sano ka bacdi madaxbaaninda jamhuuriyada Somaliland , in xukumadu qaado talaabooyin wax loogu qabanayo dadka naafada ah ee jamhuuriyada Somaliland , iyada oo looga fadhiyo xukuumada in ay meel cad iska taagto doorka dadka naafada ahi ku leeyihiin bulshada dhankastaba.

Qalinkii:Mukhtaar Hassan Abdilahi
Gucuse9@yahoo.co.uk.
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: