Toggaherer’s Weblog

WAR DEG DEG AH: WARIYIHII HADHWANAAG EE S/LAND MUSTAFE JANAALE OO GOORDHAWAYD XABSIGA LOO TAXAABAY

Posted on: May 18, 2009

WAR DEG DEG AH: WARIYIHII HADHWANAAG EE S/LAND MUSTAFE JANAALE OO GOORDHAWAYD XABSIGA LOO TAXAABAY

War Degdeg ah: Wariyihii Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews Ee Somaliland Mustafe-Janaale Oo Goordhawayd Xabsiga Loo Taxaabay
click to commentWariye Mustafe Maxamed Cabdi (Musfafe-janaale) oo ah
Wakiilka Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews.com, gaar ahaan Xafiiska Hargeysa, sidoo kalena ah Guddoomiyihii Ururka Mareegaha Somaliland, ayaa hadda Xabsiga loo taxaabay, isla markaana Ciidamo Boolis ah ayaa
ka soo qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda oo uu u tagay inuu ka soo tabiyo warka Xuska Munaasibadda 18-ka May oo halkaas ka socotay, waxaanu hadda ku xidhan yahay Saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Illaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah iyo ujeedada Wariye Jannaale loo xidhay, hase ahaatee, Ciidamo Boolis ah ayaa si kadis ah Gaadhi ugu soo qaatay, isaga oo Wariyuhu Joogay Beerta Xorriyadda oo uu u tagay hawl shaqo iyo warka Maalinta qarannimada Somaliland sidii uu halkaa warka uga soo tabin lahaa, sida ay ii xaqiijiyeen Wariyayaal
goob-joogayaal ahaa markii Mustafe-janaale ay Boolisku gacanta ku soo dhigeen iyada oo Xafladdii lagu xusayay 18-ka May ee uu ka qaybgalay ay weli socoto.

Hase ahaatee, Wariye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-janaale), oo hadda ku xidhan Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa, oo aan waydiiyay sababta lagu soo xidhay, waxa uu ii sheegay in aanu garanaynin waxa lagu soo xidhay, isla markaana aan loo sheegin ujeedada xadhigiisa ka dambaysay iyo dambiga uu galay midna. Hase ahaatee, ay Ciidamo Boolis
ahi soo qabteen, isaga oo aan wax dambi ah gaysanin.

Ma jirin dhibaato uu Wariye Janaale geystey, hase ahaatee, sabab la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo celiyeen dhaqamadii xumaa ee astaanta u ahaa Xukuumaddaha ay hagaan hogaamiyayaasha kali-taliska ahi.

Qaybaha warkaas iyo ujeedada ka damaysa, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa qaybaha dambe ee maanta.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: