Toggaherer’s Weblog

SHIRWEYNAHA 3 AAD EE URURKA ARDAYADA JSL EE YEMEN OO DOORTAY HOGAAN CUSUB(SAWIRO)

Posted on: May 18, 2009

SHIRWEYNAHA 3 AAD EE URURKA ARDAYADA JSL EE YEMEN OO DOORTAY HOGAAN CUSUB(SAWIRO)

Shirweynihii 3aad ee Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen oo lagu doortay hogaanka sare ee hagi doona Ururka 2009/2010

click to comment

Ururka ardayda JSL ee Dalka Yemen oo ku qabtay magaalo madaxda dalka Yemen doorashadiisii saddexaad ee lagu dooranaayay hogaanka sare ee Urukaaas kaas oo hagi doona sanad jaamacadeedka 2009/2010 doorashaas oo lagu qabtay hoolka weyn ee ( Balqiis hall ) ee magaalada Sanca
click to comment
Madashaas waxaa ka soo qayb galay dhamaan Ardayda Somaliland ee waxka barta Dalka Yemen waaladiin aqoonyahano, waxgarad, odoyaal, xubno ka socdey waxbarshada wadama jaarka ah iyo haween aad u tiro badan
click to comment

Furitaankii xafladda oo lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyey C/salaam Maxamed Aadan

click to comment

Waxaa halkaas ugu horeyn halkaas hadal ka jeediyey Gudoomiyihii xilka banaynayey ee Ururka Ardeyda J. Somaliland Dalka Yemen Md. C/casiis Maxamed Faarax Halkaas oo uu ku dheeraadey ugu horeyn waxqabadkii ururka iyo duruufihii adkaa ee uu soo maray ururku intii uu xilka hayay. Waxaa uu xusay in intii uu xilka hayay inay uqabsoomin waxyaabo badan. Isagoo sidoo kale ka hadlay marxaladihii kala duwaanaa ee uu soomaray. Ururku

click to comment

Waxa kale oo isaguna hadal qiimo badan ka jeediyey gudoomiyihi hore ee Ururka Xamse Faarax Geedi oo ka waramay faa’iidooyinka Ururka ujeedaooyinkii loo asaasay isagoo aad ugu dheraaday muhiimada Ururka iyo waxqabadkiisaba.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Aadan Axmed Cali oo ah masuulka waxbarashada jaaliyadaha somaliyeed ee Dalka Yemen isagoo ku amaanay Ururka waxqabadkiisa kuna adkeeyey in aad loo ilaaliyo shuruucda udhigan Ururka ee dastuurka

Qaybta dumarka oo aan ka maqnayn ayaa waxaa ka hadashay Ifraax Maxamed Aadan oo kamid ah jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Yemen iyadoo xustay munaasabada xaflada doorashada iyo sida loo soo agaasimay kuna dheeraatay. Siday bulsho ahaan ugu farxsanyihiin waxqabadka Ururka ee lataaban karo kuna dhiiri gelisay horusocodka Ururka iyo ahmiyada isku xidhnaanta Ardayda Somaliland

.

click to comment

Qaybtii 2aad xaflada doorashada waxa si toos ah hogaaminta munaasibada ula wareegay Gudidda Doorashooyinka, iyaga oo sharaxaad ka bixiyey qaabka doorahadu u dhacayso iyo shuruucdeeda. Iyaga oo shaaca ka qaadey murashaxiintii u tartameysay jagooyinka kala duwan ee ururka iyo guulihii ka soo baxay.

Doorashada oo u dhacdey si hufan waxaa codeynayay dhamaan ardeydii buuxisey shuruudaha codbixinta. Kuwaas oo si isku mid ah codkooda u dhiibanaayey gabdho iyo wiilalba si qarsoodi ah kuna ridaayey sanduuq laga dhex arkaayey dhamaan waraaqihii codbixinta yaalayna meel u wada muuqata dadweynhii madasha joogey.

Markii ay codbixintu dhamaatey waxaa gudida doorashooyinku bilaabeen tirinta codadka shirka hortiisa. Ugu danbeyn waxaa gudida doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii codadka la dhiibtey. Waxa Gudoomiye loo doortey Md. C/raxmaan Maxamuud C/laahi . Iyadoo Gudoomiye-ku-xigeena loo doortey Md. C/shakuur Faarax Dubbad. Halka Xoghayaha isla markaasna ah mas’uulka maaliyada loo doortey Md. Mukhtaar C/laahi Axmed

click to comment
Golaha Wadatashiga ( Central Commitee ) oo ka kooban 7 xubnood waxa ku soo baxey xubnahan hoos ku qoran oo iska dhexdooran doona Gudoomiye iyo Xoghayn:

1. Xasan Maxamuud X.Yaasiin
2. C/maalik Maxamed Iid
3. Jamaal C/naasir
4. Maxamed Faarax Cali.
5. Maxamuud Cabdi
6. C/qaadir Maxamed Nuux
7. Cumar Axmed Cali

Gunaanadkii waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Gudoomiyaha cusub ee la doortey Md. C/raxmaan Maxamuud C/lahi . kana hadlay xilka culayska uu leeyahay iyo inuu ka shaqayn doono isku xidhnaanta ardayda isagoo sheegay inuu wixii awoodiisa ah uu qaban doono intuu xilka hayo wuxuu sidoo kale mahadnaq balaadhan usoo jeediyey ardaydii udooratey xilkan

Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen

susyemen@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: