Toggaherer’s Weblog

HALKAN KA AKHRI KHUDBADA M/WEYNAHA SOMALILAND EE DABAALDEGA 18 MAY

Posted on: May 18, 2009

HALKAN KA AKHRI KHUDBADA M/WEYNAHA SOMALILAND EE DABAALDEGA 18 MAY

click to commentMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kala qayb galay Dadweynaha Somaliland Xafladda Dabaaldega 18 Guurada la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland M/weynaha ayaa khudbad dheer oo dhincyo badan Taabanaysa halkaasi ka jeediyay, M/weynaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay “
click to comment
“Madaxda Golayaasha Qaranka, Madaxda Saddexda Xisbi Qaran, Madaxda Ciidamada Qalabka Sida, Madax-dhaqameedyada, Culimaa’udiinka, Ganasatada, Haweenka, Dhallinyarada iyo Dhammaanba Qaybaha ay Bulshadu ka kooban tahay.
click to commentWalaalayaal,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka hore, xuska dib ula soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ee Sannad Guuradii 18-aad ee ka soo wareegtay Maalintaynu dib ula soo noqonay Xorriyaddeena oo ku beegan 18 May 2009, waxaan hambalyo iyo bogaadin u gudbinayaa Dhammaan Shacbiga Somaliland noocyada uu ka kooban yahay gudo iyo dibadba ha joogaane, waxaan leeyahay, wax kasta oo aan soo qabsanayba, waxa inagu waajiba ka soo kabashada aan kasoo kabanay dhibaatooyinkaasi in aan ilaahay uga mahadnaqno, waayo illaahay wuxuu yidhi, ciddii ii mahadnaqda, waan u sad kordhiyaa, sidaa darteed, waxa inagu waajiba inaan mar walba illaahay u mahadnaqno.

“Waxaan ilaahay inooga baryayaa in uu ilaahay inooga suura galliyo Beesha Caalamka xaqqeena aynu kaga mid noqonayno Qaramada Madaxa Banaan ee Caalamka.

Walaalayaal, Shacbiga Somaliland, waxaan maanta u sheegayaa in Dimuqraadiyadii Somaliland ee da’ada yareyd, cadow badan yeelatay oo raba in ay curdin dhadhiyaan, waayo maanta waa aynu isu soo dhammaanay oo maamulkeenii Somaliland oo dhan ayuu wada gaadhay dalkeena xuduud-kiisii; waxa aan leeyahay, waxa aynu kaga gudbi karnaa isku duubnidda bulshadeena, wada jir, wada tashi iyo foojignaan.

Laga soo bilaabo 1991, intii aynu la soo noqonay Xorriyaddii Somaliland, waxa aynu soo marnay marxalado badan oo taariikhi ah, waxa aynu ka soo gudubnay caqabaddo buuraha ka baaxad weyn; waxa se aynnu dhamaan isla garanay in sida qudha ee aynnu ku xaqiijin karno himilada gooni isu taageena iyo madax banaani mujtamaca Caalamku aqoonsan yahay ay tahay in aynnu guntiga dhiisha iskaga dhigno oo aynnu dhammaan u xaydanno rag iyo dumar-ba, ku dalka gudihiisa jooga iyo mid dibad joogaba, in la helo Dawlad Dastuuri ah oo sharcigu ka sareeyo qof kasta, iyo sidii aynu u yagleeli lahayn qaran ay taladiisa shacbigu leeyihiin oo danahooda u adeega, kadib, Geeridii Madaxweynaheenii, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxa aan qayb u helay in aan Go’aanka Ummadda Somaliland aan dhaqan galiyo, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aanan beenayn Go’aan-kaa Ummadeed ee ay igu aamintay wax kasta oo iga hor yimaada-ba.

Walaalayaal, waxa aan halkan uga mahad celinayaa Shacbiga Somaliland ee aan la’aantood aanay suurta gasheen, ee ka qayb-qaatay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka iyo u tartankii Xisbinimadda ee sida Nabadda ah ku codeeyey; iyo Ururaddii sida qaabka-san inoogu suurta galiyay dhaqan galinta Qodobka 9-aad ee Dastuurka, muftaaxii Hirgelinta Dastuurka, kuwii tartankii xisbinimadda ku guulaystay iyo kuwii kale tartanka ka qayb galay; waxa kale oo aan u mahad celinayaa xubnihii Guddiga diiwaan gelinta, xubnihii Komishanka Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Garsoorka oo la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub sida dalal Afrikaan ah ka dhacda, ugu dambeyn, qurba jooga Somaliland iyo hay’addaha Caalamiga ah ee Dimuqraadiyada taageera.

Dhinaca kale, Waxaan cambaarayn iyo digniin culus u jeedinayaa cid kasta oo ka soo horjeeda qaranimada iyo madax-banaanidda Somaliland ama ku hawlan dibin-daabyo iyo dabin-qool lagu wiiqayo nab-doonaanta, horumarka, iskaashiga iyo isu-kalsamaanta shacbiga walaalaha ah ee Somaliland.

Walaalayaal, qorshaha siyaasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojinayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo Nabad-galyadda Muwaadinka, waxa hagaya tiirarkan oo lagama maarmaan ah sida:

1. Muqadasnimadda Xuduudaha iyo madax banaanida Qaranka Somaliland;

2. Maamul fidinta iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo ka mid ah geyiga Somaliland;

3. Xoojinta Nab-doonaanta Bulshada iyo ka hortaga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara;

4. Kobcinta dhaqaalaha Dalka iyo shaqo abuuris loo sameeyo Ummadda.

Siyaasadda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Adeega Bulshada

1. Adeega Bulshada

Waxa Kale oo ay Xukuumaddu bar bar waday ka sokow Dhismaha Ciidanka, Dimuqraadiyadda, Dib-u dhiska wadooyinka iyo guud ahaan dhammaan barnaamijyada horumarineed inta hadba awoodu saamaxayso.

Waxa xusid mudan, in waxyaabahaa inoo qabsoomay ee ay ka mid tahay Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha ay wada jir u suurto galiyeen Xukuumadda iyo Shacbigu,

Caafimaadka

Xukuumaddu waxay qaadatay siyaasad cusub oo dib-loogu nidaaminayo adeegyada caafimaadka, waxaana la qaatay istaraatiijiyad wax lagaga bedelayo qaab-dhismeedka Wasaaradda, iyadoo dib-u-habayn lagu sameeyay hab-maamulkii urursanaa, lana gaadhsiiyay dhamaan gobollada dalka ilaa heer tuulo.

Si looga midho dhaliyo murtida ay xambaarsanayd siyaasadda caafimaadku, waxay xukuumaddu samaysay qorshe iyo istraatijiyad horumarineed oo ujeedadiisu tahay.

· In la dhiso lana xoojiyo maamulada iyo laamaha caafimaadka heer kasta.

· In la bixiyo daryeel caafimaad oo tayo-leh, la joogtayn karo, qiimo ahaana la awoodi karo daryeel ku salaysan adeegga caafimaad ee ugu muhiimsan, gaar ahaan dadka nugul sida Hooyada, Dhallaanka iyo dadka reer guuraaga ah ama ku nool daafaha wadanka.

· In la xoojiyo barnaamijyada ka hortagga iyo wacyi gelinta bulshada, si loo xakameeyo cudurada faafa, isla markaana wax looga bedello dhaqanka soo jireenka ah ee qofku sugo inta uu ku dhacayo cudurku, taas oo ku joogta qofka, qoyska iyo bulshadaba kharash dhaqaale badan.

· In la dhiso barnaaamijyo waxbarasho, si loo soo saaro loona hour-mariyo baahida xirfadlayaasha caafimaadka dalku u baahan yahay.

· In hoos loo dhigo khatarta caafimaad darro ee deegaanka ka dhalan karta, korna loo qaado nadaafadda, fayo-dhawrka iyo heli-taanka biyo nadiifa oo la cabo.

· In kor loo qaado maal-gelinta adeegyada caafimaadka, lana dhaqan geliyo siyaasadda kharash-wadaaga bulshadu kaga qayb qaadanayaan maal-gelinta caafimaadka korna loo qaado Miisaniyadda dawladda ee ku wajahan caafimaadka.

Istaratijiyadda Qorshaha Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

· Dib-u-habaynta iyo qorshaynta xarumaha caafimaadka oo loo qaybiyay nidaam u miisaaman deegaan kasta.

· Dib-u-furidda iyo dhismaha goobo cusub oo caafimaad dhamaan gobollada dalka.

· Dib-u-qaabeynta, bixinta daryeelka iyo adeegyada caafimaad ee laga bixiyo goob kasta iyo hir-gelintooda.

· Hir-gelinta hannaanka maamul-wadaaga iyo kharash-wadaaga, taas oo bulshadu ka qayb-qaadanayso maamulka iyo maal-gelinta adeegyada caafimaadka deegaankooda, laguna bedelay nidaamkii hore ee maasuuliya- dda caafimaadku saarnayd xukuumadda oo kaliya, mujtamacuna u barteen daaweyn bilaash ah (Passive Recipients)

· Dhismaha guddiyo caafimaad oo ah heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo (Regional Health Boards, District Health Boards and Village health Committees), kuwaas oo gacanta ku haya maamulka iyo maal-gelinta.

· Xukuumaddu waxay ka dhistay xafiisyo, Stores dawooyinka lagu keydiyo iyo xarumaha qaboojinta tallaalka iyo daawooyinka dhammaan lixda gobol ee dalka.

· Xukuumaddu waxay ka hawl-gelisay xafiisyada gobolada masuuliyiin u

tababaran gudashada waajibaadka caafimaadka oo u leh awood in ay u fidiyaan mujtamaca Somaliland adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, isla markaana gurmad deg-deg ah ka geysan kara xaaladaha caafimaad darro ama cudur dilaac ee deg dega ah.

· Waxa la dhisay 37 xarumo caafimaad (Health Centers) oo ku baahsan dhammaan gobollada dalka,

· 69 Rugo caafimaad (Health Posts) oo laga hir-geliyey 69 tuulo oo ku baahsan dhammaan dalka.

· Waxa la dhisay oo laga shaqaysiisyay 4 cusbitaal degmo (District hospitals) oo laga hir-geliyay Zeila, Caynabo, Buuhoodle iyo Badhan.

· Waxa cusbitaalka loo keenay 3 ambulances, 2 mini-bus, 1 Iskarogo iyo 1 pick up, kuwaas oo loogu adeegayo cusbitaalka iyo baahida bukaanka.

· Waxa cusbitaalka loo dhisay keyd-haye weyn oo lagu keydiyo dawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

· Dhisme cusub qaybta qalliinka oo casri ah oo ka kooban 5 qaybood oo qaliin, kuna qalabaysan dhammaan qalabka qalliimada casriga ah oo laga hirgeliyey Cisbitaalka Hargeysa .

· Xarunta cusub oo gurmadka deg deg ah oo lagu kordhiyay cusbitaalada Hargeysa iyo Boorama, kuna qalabaysan qallabka aasaasiga ah ee gurmadka deg degga ah.

· Dhismaha iyo hawl-galka warshad cusub oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay Somaliland, taas oo si joogto ah u samaysa hawada Oxygen ee wax ka tarta gurmadka deg deg ah ee ay u baahan yihiin bukaanka culus iyo kuwa qalliinka loo sameeyo.

· Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey xarumaha shaybaadhada Cisbitaalada qaarkood, oo ku qalabaysan qalab casri ah laguna baadho dhamaan cudurada kala duwan ee ka jira dalka, xarunta shaybaadhka Somaliland waxay ku guulaysatay shahaadada qiimaynta xarumaha shaybaadhka Africa oo lagu maamusay hannanka xirfadda shaqo, qalabka iyo nidaamka uu u shaqeeyo shaybaadhka Hargaysa.

· Waxa dib-u-habayn lagu sameeyay dhammaan waadhadhka cusbitaalada qaarkood.

· Waxa lagu kordhiyay qayb cusub oo lagu daweeyo cudurada laysugu gudbiyo galmada sida HIV/AIDS.

· Waxa sidoo kale la keenay Somaliland qalabka baadhista oo ka kooban ECG machine oo lagu eego wadnaha & Ultrasound machine lagu baadho uur ku jirta.

· Qaybaha dhalmada waxa lagu sameeyay dib-u-habayn ballaadhan, waxaana la dhigay qalab casri ah oo wax weyn ka taray badbaadada hooyada iyo ilmaha.

· Xukuumadu waxay ku guulaysatay dhismaha guddi Qaran oo la dagaalanta cudurka HIV/AIDS iyo hakinta iyo ka hor-tagga faafinta cudurka HIV/AIDS oo hadda lagu qiyaaso 1.3% guud ahaan mujtamaca Somaliland.

· Waxa Xukuumada Somaliland ku guulaysatay yaraynta xaddiga dhimashada ee hooyooyinka uurka leh iyo dhallaanka, taas oo tusaale fiican u ah tayada adeegyada caafimaadka ee dalka iyo wax-qabadka Wasaaradda Caafimaadka sida hoos ku cad.

· Wax kale oo Cisbitaallada Dalka lagu soo kordhiyey Mishiino dab-dhaliyayaal ah oo cusub.

Cusbitaalka Qaaxada Hargeisa iyo Boorama (Hargeisa TB Hospital)

· Dhisme shaybaadh casri ah oo lagu baadho jeermiska keena Qaaxada, isla markaana lagu hubiyo tayada shaybaadhada cusbitaalada kale ee qaaxada.

· Mishiinka lagu sawiro Uur ku jirta (X-Ray Machine ).

· Waxa lagu kordhiyay xarun lagu daweeyo dadka uu wada asiibay cudurka HIV/AIDS iyo Qaaxada.

Daawada & Qalabka Caafimaadka.

· Si loo daboolo baahida dawo ee dalka, isla markaana loo xakameeyo soo dejinta iyo iibka dawada, xukuumaddu waxay soo saartay siyaasad Qaran oo ku wajahan dawada oo wadata dhamaan xeerarka aasaasiga ah ee nidaaminta, isticmaalka, soo-dejinta, keydinta iyo ka-ganacsiga dawooyinka iyo agabka caafimaadka

· Waxa dib-u-habyn balaadhan lagu sameeyay xarumaha keydka dawooyinka ee Hargeysa iyo gobollada, si ay ula jaan-qaadaan hir-gelinta siyaasadda cusub ee dawada.

Barnaamijyada Xakamaynta Cudurada Faafa

· Waxa taageero caalami ah loo helay xakamaynta cudurafa faafa (Global Funds 2005-2009) sida HIV/AIDS, Qaaxada iyo Duumada.

· Waxa la dhisay cusbitaalada waalidda ee Burco & Boorama.

· Waxa kor loo qaaday adeegga shaqo ee cusbitaalada dalka oo lagu kordhiyay qaybo cusub, isla markaana la ballaadhiyay adeegyadii caafimaad ee bulshada u qabtaan sida hoos ku cad.

· Waxa dhawaan dalkeena la keenay Mishiinadii kaliyaha lagu maydhayey, kuwaasi oo ay innagu caawiyeen, Bisha Cas ee Imaaraadka, madaxna uu ka yahay, Sheekh Xamdaan Binu Saa’id Al-Nahyaan, iyagoo dhawaanna inoo soo diray dhakhaatiir qalliinka indhaha ah ku sameeyay muwaadiniin fara badan oo reer Somaliland ah, dhawaanna waxay ballan qaadeen inay inoo soo dirayaan, dhakhaatiirta wadnaha ku takhasusay, kuwaasi oo wax weyn ka tari doona baahida dhakhaatiirta wadnaha ee dadkeenu u baahan yihiin.

Cadaaladda

Siyaasadda iyo Barnaamijka Xukuumada ee Caddaalada iyo meel marinta Sharciga iyo qorshe Hawleedka loo dajiyay, waxa aasaas u ah arrimaha soo socda:-

· Gaadhsiinta Cadaalladda baahsan gebi ahaanba Bulshada iyo sinaanta sharciga hortiisa (Equality before the law).

· Wacyi-gelinta, si muwaadinka caadiga ahi u fahmo wax-tarka sharciga, garashada xuquuqdiisa gaar ahaaneed iyo dhawridda xuquuqaha bulshada ama Qaran ee isaga waajib ku ah.

· Xoojinta heerka aqooneed iyo kartiyeed ee hawl-wadeenada garsoorka iyo xirfadlayaasha mihnadda qaanuuneed (Human Resources Development), kaasoo lagu xaqiijinayo tabarbarro joogto ah iyo abuuridda Mac-hadyo tababar iyo cilmi baadhiseed oo laga hirgliyo dalka.

· Kobcinta awoodda ( Capacity Buliding ) oo ay saldhig u yihiin nidaaminta shuruucda iyo abuurida bi’ad u sahli karta hawlwadeenada Hay’daha cadaalada (Justice Institutions) ku haboon gudashada xilkooda. Waxa la qabtay tababaro kala duwan oo tayada garsoorka kor loogu qaadayo, waxa dib u hayabayn lagu sameeyay Caddaaladda ( Justice Reform)

Sahal u helidda Garsoorka (Access to Justice)

· Iyadoo kor loo qaadayo u fududaynta Dadwaynaha in ay si sahlan ku heli karaan Garsoor cadli ah xiliga ay u baahdaan, ayaa laga furay Maxkamadihii u adeega bulshada ku dhaqan dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

· Si dadweynaha loogu fududeeyo dacwadaha Magaalo Madaxda Dalka Hargeysa waxa laga furay Maxkamado Degmo dhammaan waaxyaha kala duwan ee caasimada si ay ugu sahlanaato Dadwaynaha helidda Garsoorka ay u baahan yihiin.

Waxa la abuuray Qareen Sabool,

· Waxaa Dawladu ugu deeqdaa Qareeno lacag la’aan ah dadka danyarta ah ee aan iskood u qabsan Karin Qareen ka difaaca Maxkamadaha hortooda taas oo loogu jeedo in cadaaladdu Bulshada wada gaadho.

Hadaba iyadoo maanka lagu hayo inay jiritaanka Xeerarka iyo Shuruuc Nidaamsani udub dhexaad u yihiin Dhismaha Dawladnimo iyo hirgelinta Cadaaladda, waxaa aan magacaabay guddiga dib u habeynta sharciyada dalka si loo soo saaro buug lagu ururinayo Shuruucda dalka oo u sahasha garsoorka in uu si sahlan u helo shuruucda dalka.

Waxbarashada

Xukuumadda Somaliland iyada oo mudnaanta kowaad siinaysa horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka, waxa ay ku talaabsatay in ay waxbarshada joog iyo jiifba u dhisto dalka (Vertical and Horizonal).

Xukuumaddu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda qaran masuulna uga ah dadka iyo dalka Reer Somaliland inay gaadhsiiso dhammaan qaybaha kala duwan ee waxbarashada dalka, si ay ummaddu ugaadho higsigeeda ah inay gaadho horumar dhakhso ah, ulana jaan qaaddo xowliga caalamka innagu xeerani ku socdo xag Saynis, Tiknoolajiyad iyo Isgaadhsiinba ayey waxbarashadii loo baahnaa ku fidisay dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Dugsiyada H/dhexe waxay marayaan 639 dugsi

Dugsiyada Sare waxay marayaan 67 dugsi

Dugsiyada Waxbarashada Dadban waxay marayaan 44 dugsi

Dugsiyada leh quudinta (school feeding programme) oo dugsiyada aan soo sheegnay ka mid ihi waxay dhan yihiin 224 oo dugsi

Deeqaha Waxbarsho ee Dibadda iyo Dalka Gudihiisa

· 2003-2007, waxa deeq waxbarasho debadda loogu direy Arday tiradoodu dhantahay 249, kuna tagay dalalka Itoobiya, Kenya, Ugaandha, Suudaan, Yeman iyo Masar.

· 2003-2008, waxa deeq waxbarasho oo dalka gudihiisa loo fidiyay 4019 macalin oo aqoontooda la gaadhsiinayo heer Diploma iyo heer Degree.

Xukuumaddu waxay ku guuleysatay in wadamo badani Shahaadada Somaliland aqoonsadeen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya, Uganda, Sudan, Masar, Yamen iyo qaar kale oo badan.

Waxa Kale oo La Dhisay 5 ( Shan) Xarumood Cilmiyeed, ( Resource Centres).

· Xarunta Imtixaanaadka oo si buuxda qalab ahaan iyo agab ahaanba loogu dhamays tiray.

· 8 Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhexyaal.

· Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada, waxa lgu dhisay Dabaq (Fooq) ka kooban:-

Wasaaradda Waxbarshadu waxay ku guuleysatay in wadamo badan Shahaadada Qaranka ay aqoonsadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya, Uganda, Sudan, Masar, Yamen iyo qaar kale oo badan.

Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay marwalba u taagan tahay daboolista iyo kor u qaadista arrimaha bulshadda, iyadoo ka duulaysa siyaasadda Xukumadda ee ku wajahan Arrimaha Bulshadda

Dawladdu iyadoo dhiiri-gelinaysa Dugsiyada gaarka ah (Private-ka Schools) iyadoo maanka ku haysa koritaanka iyo baaxadda dugsiyada gaarka ah, waxay dhawaan Xukuumaddu samayn doontaa Agaasim (Department) u gaar ah Dugsiyada Private-ka oo hoos iman doona Wasaaradda Waxbarashada.

Waxa la hirgeliyey Mashruuca Scott, kaasi oo sare u qaadi doona tayada macallimiinta maadaama la deegaameeyey tacliinta illaa heer tuulo, kaasi oo EU-du bixinayso, waxa hore loogu tababaray in ka badan 1700 oo macallin imikana waxa tababarka ku jira 1600 oo macallin.

Dhaqaalaha

Sidoo kale waxa si firfircoon looga hawl galay Ururinta Cashuuraha Beriga kuwaas oo ka hirgalay Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka.

Kobcinta dhaqaalaha oo soo maray marxalado kala duwan, waxaa natiijo wanaagsan laga gaadhay sanadihii 2003-2007, taasi oo markiiba laga dareemi karo, kor u kaca miisaaniyada sida ka muuqata shaxda hoos ku qoran:-

Miisaaniyaddii 2002, waxay ahayad, Sls.hs. 88’852’000’000/- Miisaaniaydda 2009, waxay maraysaa, Sl.shs. 202’759/548’704/-

Waxaana gacan la siiyay intii awoodu gaadhay taakulaynta Mashaariicda hurumarinta Dalka, sida Korontada, Biyaha, Wadooyinka, Xoolaha, Beeraha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxa korodhkaasi oo ay ka mid yihiin baaxadda tirada Ciidanka Qaranka, Booliiska iyo Qalabka la kordhiyay, kuwaasi oo dhammaantood uu ku baxay dhaqaale aad u fara badani.

Macdanta iyo Biyaha

Xukuumadda Somaliland waxay xooga saartay sidii ay dadka reer Somaliland uga xaqab tiri lahayd dhinaca Biyaha, waxaanay Dayacatir iyo Qodaal ceelal cusubba ka fulisay dhamaan Goboladda Dalka JSL.

· Waxa Qodaal Ceelal biyood cusub laga hirgeliyey dhamaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay ka mid ka yihiin Waraabood, Laagta-Morohda, Qulunjeed, Afraaga, Dilla, Camuud,Sheekh Nuur. Botor, Boqorka, Sharmaarke, Horohaadley, Xumboweyne, Allaybaday, Jaleelo, Geello-kor,Jiifto, Dubur, Faradeero, Caday Musbaax iyo Oodweyne

· Waxa kale oo ay Xukumaddu dayactir ku sameysay Ceelal biyood hore, oo dayacatir u baahnaa, kuwaas oo ay Wasaaradda Macadanta iyo Biyuhu ka fulisay meelaha kala ah Elgal, Jidhi, Karuure, Kalawle, Geed-balaadh, Demeero-boob,Buqleeya, Buuhoodle, Caynabo, Waadam-goo, Gadh-gumared, War-idaad, Xood, Gambadhe, Awr-boogeys, Huluul, Caday-Musbaax, Yubeh, El-buh, Carmaale, dhamaan Ceelashaasi waxa ay hada u hawlgalaan sidii loogu talo galey, iyagoo daboola baahiyihii Biyood ee ka jiray Deegaamadaasi.

· Xukumadu waxa ay xooga saartey sidii loo heli lahaa Biyo ku filan dhamaan Shacbiga reer Somaliland Miyi iyo Magaaloba, waxaaney fulisay Sahanka Biyaha hoose ee Dhulka, oo wax weyn laga qabtay Dalka badankiisa, Natiijo wax ku ool ahna laga gaadhey.

· Wasaarada Macadanta iyo Biyuhu, waxa ay Dalka ka fulisey Sahanka Macdanta iyo Shidaalka, iyadoo lagu sameeyey Bad iyo Bariba Sahankaasi, Macluumaadka ka soo baxayna loo soo bandhigay shirkadaha hawshaa iyo cidii daneynayesaba, gacanta lagu hayo (Bid round).

· Xukumadu waxa kale oo ay diyaarisay dhamaystirka shuruucda iyo nidaamyada kala duwan ee qaybaha khayraadka dabiiciga ee Wasaaradu u igman tahay.Waxa kale oo ay Wasaaradu ku gudo jirtaa gurmadka oo ay mudo 21 maalmooda ka fulisay biyo dhaamin Goboladda Sool, Sanaag iyo Togdheer 17/04/09-13/04/04/09.

Waxaana marag ma doon ah, in Xukuumadda ay wax badani u qabsoomeen oo la xidhiidha dhinaca Macdanta iyo Biyaha.

Dhismayaasha Jidadka Dalka.

Waxa Dawladda Hoose iyo Shacbiga Somaliland oo iskaashanayaa ay suurto galiyeen in Caasimadda Hargeysa laga dhiso 19 Waddo, iyadoo kuwa kale oo fara bandanna la wado oo dhawaan la hirgelin doono, iyadoo ay jiraan meelo fara badan oo kale oo dalka ah oo iyana laga wado dhismayaasha jidadka.

TV iyo Idaacad Dalka oo dhan wada Gaadhay

Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay dalka keento Idaacad dalka oo dhan wada gaadha, taasi oo dalka guud ahaan iyo jaararkaba laga dhagaysto, iyo TV- gudaha iyo dalal badan oo debedda ahba laga daawan karo.

Arrimaha Debedda.

Sidaad lawada socotaan wakhtigii xornimada waxaynu iska diidnay inaynu hanano madaxbanaanideena, innaga oo hadiyad u bixinay wixii dalkan iyo shacabkani xuquuq lahaa oo aynu ka door bidnay midnimo ku salaysnayd riyo been ah iyo dhalan-teed, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Geelaagu Xeer ama Xeradaada ha kuugu jiro”. Jariidad weyn oo maalinle ah oo ka soo baxda dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Daily Telegraph ayaa lixdankii soo qortay maqaal ay kaga hadlayso arrintaasi, waxayna tidhi “Mustacmaradii diiday Madaxbanaani “The Colony that rejected independence” iyada oo ka hadlaysa gobanimadii aynu wareejinay 1960-kii.

Haddaba, waxaan araartaa u soo qaatay inaan shacbiga Somaliland xusuusiyo inaynu raacdad dambe u galnay qaranimadeenii, taas oo aan ahayn wax sahlan, ka dib la soo noqoshadii madaxbanaanida gooni isu taaga Somaliland ee 18-kii May 1991-kii, aynu la soo noqonay Madaxbanaanidii Somaliland oo aynu maanta u dabaal degayno sanad guuradeedii 18-aad.

Iyadoo maamuladii isaga dambeeyay Somaliland ilaa wakhtigaasi ay ku hawlanaayeen dhismaha qaranka guud, hadana waxa si is-daba jooga looga hawl galayay Ictiraaf raadinta iyo kor u qaadista qaddiyada Somaliland dhinaceeda Arrimaha Dibada.

Waxaanu ku shaqaynaynay siyaasad cad iyo istiraatiijiyad oo ku wajahan siyaasadda Arrimaha Dibada ee Somaliland, iyadoo aan jecelahay in aan waxoogaa idiinka iftiimiyo waxyaabahaasi, khaasatan muddooyinkii dambe.

Waxaanu kordhinay xafiisyadii Somaliland kaga hawl galaysay dalalka Dibada, iyada oo maanta Somaliland xafiisyo ku kala leedahay meelo muhiim ah oo dunida. Sida Qaaradda Africa, Europe, Maraykan, Asia, Canada.

Waxaa iyada oo laga duulayo istaraatiijiyada la abaaray Ururada EU-da, AU-da, Jaamacada Carabta, Urur Goboleedka IGAD iyo ururo kale, waxaana lagu guulaystay in si toos ah African Union ay ku qanacday in loo soo diro Somaliland wefdi heer sare ah oo uu Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Ururkaasi Patrick Mazamhika sanadkii 2005, kuwaasi oo warbixintoodii ku cadeeyay in qaddiyada Somaliland si toos ah loo galo, iyada oo xaq u leh gooni isu taag, albaabo cusubna aan ku furayn Afrikada kale, qaddiyadeenuna ay tahay khaas.

Waxa dhawr jeer lagu qabtay Shirar lagaga hadlayay arrinta Somaliland Baarlamaanka EU-da, iyada oo si toos ah loo soo bandhigay xaqa ay Somaliland u leedahay madaxbanaanideeda. Waxa kale oo Jaamacada Carabtu khaasatan Xoghayaha guud lagu qanciyay in uu wefdi xaqiiqo raadis ah u soo diro Somaliland,

Waxa xusid mudan in Urur goboleedka IGAD markii ugu horeysay uu Somaliland ka qayb galiyay shirarkooda farsamo sanadkan bilowgiisii, iyadoo ay ballan qaadeen in shir walba oo farsamo laga qayb geli doono, xaqna ay u leedahay inay shir walba ka qayb gasho, arrintaasi oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Somaliland.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Oodi Ab ka dhow” oo micnaheedu tahay saaxiibadaa waad samaysan kartaa, laakiin jaarkaaga ma dooran kartid, iyada oo laga duulayo arrintaasi waxaynu aad ugu faanaynaa in Somaliland ay maanta la leedahay xidhiidh sokeeye dalalka jaarka ah, sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Yeman, xidhiidhkaasi oo ku salaysan iskaashi iyo isqadarin.

Waxa xusid mudan in aynu hananay dalal badan oo ku yaala qaaradda Afrika iyo adduunka intiisa kaleba aynu la leenahay gacan saar iyo isafgarasho diblomaasiyadeed, taasi oo midho dhalkiisana dhakhso aynu u sugayno.

Si kor loogu qaado siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland, waxa aanu safaro ugu baxnay dalal badan oo aduunka ah, iyada oo aanu la kullanay hogaamiyayaasha dalalkaasi, iyada oo safaro badan oo aan annigu hogaaminayay iyo qaar kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha dibada, ku baxeenba, oo ay ka mid ahaayeen Maraykanka, Ingiriiska oo tiraba dhawr jeer ahayd, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Sweden, Norway, Belgium, South Africa, Tanzania, Zambia, Rwanda, Yuganda, Kenya, Itoobiya, Djibouti, Ghana, Togo, Benin, Guinea Conakry, Gambia, Senegal, Yeman, Malaysia, UAE, iyada oo iyana lala kulmay EU-da, African Union-ka iyo Urur goboleedka IGAD.

Waxa kale oo xusid mudan in gacan saar weyn Somaliland la leedahay hay’addo waaweyn iyo jaamacado oo lagu lafa guro siyaasadaha adduunka, Somaliland-na laga soo qayb galiyo in ay ka hadlaan, sida Chatom house oo ku yaala dalka Ingiriiska oo aan khudbad dheer ka jeediyay.

Waxa ay kasbatay Somaliland hay’addahaasi iyo jaamacado badan oo adduunka ah, iyadoo aqoonyahano badan u ololeeyaan qaddiyada Somaliland oo noqday saaxiibo Somaliland. Waxa inala shaqeeya ururo badan oo u ololeeya dalalka aan la ictiraafsanayn, kuwaasi oo ay ka mid yihiin UNPO iyo Independent Diplomat.

Waxa dalka inagu soo booqday iyada oo laga jawaabayo socdaaladii aan ku tagay dalal badan oo adduunka ah madax ka socoto dalalka aynu gacan saarka leenahay .sida Safarkii ay ku timid kal-kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika Jendayi Frazer, Wefdi uu hogaaminayay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada iyo Commonwealth ee Britain, Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Nicolas, Wefti uu hogaaminayey Senetaro ka socday Aqalka Odayaasha ee France, iyo Safiirka Fransiiska u fadhiya Dalka Djibouti, Wefdi uu hogaaminayay Wasiirul dawlaha Itoobiya, Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti iyo wufuud kale oo fara badan.

Waxa xusid mudan in aan shacbiga reer Somaliland la socodsiiyo maanta in aanu garaacnay albaabadii loo baahnaa, iyadoo gabo gabadii maanta saaxiibadeena dalalka dibadu ay ku hawlan yihiin sidii qaddiyada Somaliland mid meel mar ah loo dhigi lahaa, iyadoo rasmiyan ay ku tallo jiraan in dib u eegis loogu sameeyo dhakhso.

Xoojinta Nab-doonaanta Bulshada iyo khatarta Argagixisada.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin, taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Booliiska iyo Qaranku kow ka yihiin, madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.

Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi waa iyo xiqdi dartii doonaya inay wiiqaan dimoqraadiyadda iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday. Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi 29 Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarrada ah oo lagu xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku dhaawacmeen. Intii dhacdadaas ka dambaysay, waxa abuurmay dareen feejigan oo ciidamada amniga iyo muwaadiniinta xalaalasha ahi iska kaashanayaan ilaalinta nabadgelyada. Sidoo kale, xukuumaddu waxay qaadey talaabooyin ay ku xoojinayso amaanka. Taas oo suurta gelisay in gacanta lagu dhigo hub culus oo dalka la soo geliyay. Waxa kale oo la qabqabtey dad la tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen falal argagixiso. Waxad halkaas ka dareemi kartaan shirqoolada cadawgu la damacsan yahay qarankan isagoo ka faa’iidaysanaya daganaan kasta oo uu inaga helo.

Arrimaha ka socda Dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya, waxa meeshaasi ka soo ifbaxay dad ku doodaaya diin, oo u xuub siibtay diin la’aan, waxaan qabaa inay yihiin aafo ku soo biirtay mandaqadda, waxaan qaran ahaan iyo shacabba u soo jeedinayaa inaad fiiro gaara ah u yeelataan dadka arrimahaasi ku hawlan, iyadoo dhawaanna qaar meelahaa laga soo diray Ciidamada dambi baadhistu gacanta ku hayaan, Sidaa darteed, waxaan shacbiweynaha Somaliland ku boorinayaa in ay indhahooda iyo dhagahoodaba furaan, wixii dareen argagixiso ku saabsan ee ay maqlaan la socodsiiyaan Ciidamada amniga.

Cullimada Somaliland-na waxaan ku boorinayaa inay si dhaba uga hadlaan fidnadaa ka soo socota jaarkeena Somaliya,

Beesha Caalamkana waxaan u soo jeedinayaa in la gaadhay wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland si ay uga hawlgasho masiibooyinkaasi ka abuuran Somaliya, iyo nab-doonaanta mariinka Badda Cas oo aan qayb ka nahay, Somaliland waa cidda kaliya ee qabatay budhcad badeed annagoon mucaawino ka helin cidnaba.

Xukuumaddu waxay ballan qaadaysaa in ay kor u qaado tayada ciidanka si ay uga difaacaan wixii gardarro ah ee ku yimaada, marnaba ma noqon doonno kuwa xaq darro cid ku raadsada, mana noqon doonno qaar lagu gar-darroodo.

Arrinta Doorashada

Odayadii Guddiga Dhex-dhexaadinta ahaa ee noo yimid kalsooni baanu siinay, go’aanbay gaadheen, heshiiskuna muu ahayn inaanu annagu heshiis kala sexeexano, Go’aan iyagu ay gaadheen bay ahayd, Go’aankaas xukuumadu way soo dhawaysay, waanay aqbashay imikana waan aqabal-sanahay, ninka diidani waxa weeyi ninka murano kale iyo shuruudo aan ku qorrayn Go’aanka daba dhigaya, ee leh waxbaa la sexeexi waayay,

Axsaabta Qaranka waxaan leeyayay wakhtigii muranku wuu dhammaaday, aynu isku diyaarinno doorasho xaq ah oo xalaala sidii aad uga qayb qaadan lahaydeen, Doorashadani waa tii Afraad, tii koowaad maaha dadkeenu jidbaa u bilaabmay ah inay Vote paper innagu doortaan, warqad codka oo lagu rido oo kaliya iyada oo aan la is dagaalin ama aan la is xasaradayn.

Xukuumadd ahaan doorasho inaan galno ayaan diyaar u nahay, waqtiga ay komiishanku cayimeen ee sharciga ah ee anna aan Decreetada ku soo saaray, 27.09.2009, waxaan ka digayaa Xisbiyadu muran ka horeeya doorashada inay la yimaadaan oo carqaladeeya Geedi-socodka iyo habsami u socodka Doorashooyinka inagu soo aadan.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaan leeyahay Masuuliyaddi idinkay idinku soo wareegtay, waxa la idinka rabaa inaad dar dar gelisaan hawsha Doorashada, isla markaana si kalsooni leh ula shaqeysaan Deeq-bixiyeyaasha gacanta weyn ka geysanaya Doorashooyinka aan qabsanayno.

Wasaaradda Maaliyaddana waxaan farayaa in ay diyaariyaan kharashka qaybta Xukuumadda ku soo hagaagtay ugu dambeyn Bisha June.

Deeq-bixiyayaashana waxaan leeyahay wixii xaggiina ku xidhan sida funding-ka iyo Serverka in aad si dhakhso ah u soo dhammaysaan, si aanu dib u dhac dambe ugu dhicin Doorashada,

Iyadoo ay tani tahay doorashadii afraad ee aan qabanayno oo ay ka horreeyeen saddex doorasho oo aanu hortood soo qabanay, kuwaasi oo dhammaantood, la raacay Shuruucda dalka u taalla. Waxaan ka digayaa tala kasti oo shuruucda dalka ka baxsani oo doc faruuri karta habsami u socodka Doorashada in laga fogaado.

Waxaan Shacbiweynaha reer Somaliland ku boorinayaa anigoo u mahadcelinaya, inay sidii kuwii horeba ay nabadda ugu coddeeyeen, inay codkooda nabada ku dhiibtaan.

Dalkani Doorasho in uu galo waa arrin Dastoori ah, isla markaana dhammaystiraysa Dimoqraadiyaddii inoo socotay.

Axsaabta Guud ahaan waxaan idin kula talinayaa in aad ka nadiif noqotaan ereyada xamaasadda iyo xaalad abuurka ah ee dalka waxba u tarayn, balse aad dadka u soo bandhigtaan barnaamijyo horumarineed oo hufan oo aad tartanka Doorashada kaga qayb gashaan. Guud ahaan waxaan ka digayaa in laga fogaado wax kasta oo xasiloonida wax u dhimaya.

Ummadani waxay dooratay inay nabad iyo sharciyad ku noolaato cid laga aqbalayo inay rabashad samaysana ma jirto, sharciga cid ka saraysina ma jirto.

Sidaa darteed, nabaddu waa inay noqotaa waxa aynu wada ilaalino oo aynu hareeraha ka joogno, kana digtoonaano cid kasta oo nabadgelyo-deena wax u dhimaysa gudo iyo dibadba.

Tahriibta

Walaalayaal, waxa ayaandarro ah in dhallinyarteenii ay tahriib galeen, waa arrin nasiib darro ah, waxaan leeyahay Tahriib loom baahna ee joojiya oo dalkiina aamina.

Abaaraha,

Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu Abaartan baahsan inaga jabiyo, raxmaadkiisana inna siiyo, waxaan bulshada ka codsanayaa in alla Bariga la badsado si ilaahay innoogu naxariisto, barwaaqana innooga dhigo dhulkeena.

Ilaahayna waxaan waydiisanayaa inuu igu garab galo, waxaan ku kalsoonahay taageeradiina Ummadnimo, waxaanan aamin sanahay in uu ilaahay inoo hiilin doono oo aynu gaadhi doono mustaqbal fiican, Insha Allah

xafiiska wararka TogaHerer
Hargeysa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: