Toggaherer’s Weblog

AQOONYAHANKA SOMALILAND-KOOX MADAXBANAAN WAR MUURTIYEED

Posted on: May 18, 2009

AQOONYAHANKA SOMALILAND-KOOX MADAXBANAAN WAR MUURTIYEED
click to comment

AQOONYAHANKA SOMALILAND-KOOX MADAXBANAAN WAR MUURTIYEED

Aqoonyahanka Somaliland-Koox Madaxbannaan:
Fulinta Talooyikii Guddiga Dhexdhexaadinta
(16.05.2009, Hargeisa, Somaliland)

I. Hordhac

10kii bisha May 2009, waxaa Huteeka Ambassador ku kulmay koox aqoon-yahanka Somaliland ah kana kooban 12 xubnood si ay u gorfeeyaan fulinta Talooyinkii Guddiga Dhedhexaadinta ee la soo saaray 29kii April, 2009. Kulanka waxaa daaddihinayey Dr. Maxamed Fadal, Agaasimah haya’dda (SORADI). Ka qaybgalayaasha kulanku dhammaantood waxay
ahaayeen dad muddo dheer ka soo qaybgalay dibu-dhiska iyo taxanaha geeddi-socodka Somaliland , waana shakhsiyaad karti dheeraad ah u leh in si run ah gorfeeyaan xeeladihii lagu hirgelin lahaa talooyika kor ku xusan oo ah habraac muhiim u ah iskaasiga iyo wada shaqaynta daneeyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Waxaana ka mid ahaa:
Cabdilqadir X Ismacil Jirde (Ku-xigeenkii hore ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada), Shukri X. Bandare (xubin Komishankii doorashooyinka kana mid ah Guddida Afrika ee Demuqradiyaynta); Ibrahim Jamac Cali -Rayte (xubin golaha wakiillada ahna Sharci-yaqaan). Fawsi Aw Yoonis (Ururka
Sharci-yaqaannada Somaliland ); Abdi Ahmed Nour (Madasha Nabadda iyo Ismaamulka-FOPAG), Bobe Y. Ducale (Xidhiidhiyaha Cilmi-baadhista, Akademiyada Nabadda iyo Horumarita-APD), Haroon H Axmed Qulumbe (ActionAid), Jacfar Mohamed Gadaweyne (SONSAF); Mohamed Hassan Ibrahim
(Cilmi-baadhe-APD), Sucaad Ibrahim abdi (Cilmi-baadhe-APD); Ayaan Cashur (UK-Chatham House – goob-jooge)).

II. Maxaa laga Filayey Dhexdhexaandintii

Kooxdaaro iyadoo caqabado badani horyaalleen. Kooxdu waxay bogaadinaysaa sida Madaxweynaha labada guddoomiye ee xisbiyada siyaasigu ugu dheganuglaadeen doonista shacabka, oo ay ka sidoo kale ay guddigu hore u soo jeedisay, in ay kulmaan, wada fadhiistaan kana wada doodaan waxay ku kala aragti duwan yihiin jawi wada hadal iyo sulux ah..

Kooxda Aqoonyahanka Somaliland waxay u arkaan in talooyinkii Guddiga Dhexdhexaadintu habraac muhiim ah u yihiin dhammaan dhinacyadu in ay iska kaashadaan in Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto waqtiga loo
qorsheeyey. Dadaalkii Guddiga Dhexdhexaadintu wuxuu dardar geliyey in dadka reer Somaliland iyo saaxiibbadooda caalamkuba daneeyaan siday hawsha u wadaan.. rajada laga qabo dadaalka Guddiga waxaa lagu soo ururin karaa saddexda arrimood ee kala ah:

1. In ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan – Dabdamis
2. In ay abuuraan is aaminaad dhex marta dhinacyada muhiimka ah ee ishaya
3. In uu ka soo baxo qoraal lagu shaqeeyo oo dabar-heshiis noqda lana wada saxeexo oo habraac u ah xal u helidda dhibaatooyika doorashada Somaliand ku soo fool leh.

Dabdemis
Rajada ugu wayn uguna muhiimsan hawsha Guddiga, waxaa kooxdu ku sifeeyeen in ay tahay “Dabdemis”). Guddiga Dhexdhexaadintu waxay dhinacan ka soo hooyeen guul la yaab leh. Waxaa hoos u degey, aadna isu dhimay xiisadihii isbiirsaday iyo hubaal la’aantii ka jirtey Somaliland, kana dhalatay khilaafka siyaasadeed. Waqtigan waxaa si kalsooni leh loo odhan karaa in ay fursad fiicani jirto si dhinacyada
siyaasaddu u sii wadaan wada hadalkooda.

Isaammin:
Natiijada ama midhaha heshiis kastaa waa abuuritaanka isaammin dhex mara kuwa iska soo horjeeda si ay suurtogal u noqota hirgelinta wixii lagu heshiiyey horena looga dhaqaaqo meeshii hore loo kala joogey si wadjir ahna loo abuuro jawi iskaashi. Heshiiskan dhex maray saddexda
xisbi waa in uu u adeego ujeeddadaas. Kooxda Aqoonyahanka
Madaxabannaan ee Somaliland, Guddiga Dhexdhexaadinta iyo qaybo kaloo firfircoon kana kooban bulshada ayaa diyaar u ah ka qayqaadashada in jawi ku habboon loo abuuro loona hubiyo in heshiiskaas si buuxda loo taabbogeliyo. Haseyeeshee, in kastoo guud ahaan xaaladdu yara
hagaagtey, ilaa hadda ma muuqdo horumar laga sameeyey isaamminaad hoggaamiyeyaash siyaasadda iyo inta ku dhawi.

Heshiis la Saxeexo:
Kooxdu waxay rumaysan tahay, in Guddiga Dhexdhexaadintu ay keeneen qodobbo talooyin ah , oon la odhan Karin waa heshiis dhammaystiran.
Waxaa habboon in tallaabo labaad oo talooyinka heshiis loogu rogayo la qaado lana habeeyo Xeer Anshax ay saxeexaan saddexda hoggaamiye.
Iyadoo la ogyahay in madaxweynuhu si cad u sheegay aqbalaadiisa, haddana, haddana waxay Kooxda Aqoonyahanka Madaxa Banaani u arkaan in baahi cad loo qabo in qoraal la kala saxeexdo, si daneeyeyaashu isu aamminaan, si llola wadaago taageerayaasha caalamaig ah iyo in la kaydiyo qoraal anfaca ubadkeenna iyo facyada soo socda guud ahaanna oo
taariikhdu xusi doonto.

III. Hirgelinta Talooyinka

Kooxda Aqoon yahanka Madaxa-bannaani waxay mudnaanta siinayaan in talooyinka Guddiga Dhexdhexaadinta saddex qodob oo ka mid aad loo sii gorfeeyo, lana dejiyo habraac xeeladaysan lagu taabbogeliyo;
qodobbadaasina waxay ku saabsan yihiin: In muddo-kordhin dambe aan la samayn, Guddiga Doorashooyinka iyo in si siman Xisbiyada siyaasiga Qaranku uga wada faa’iidaystaan hantda guud.

Muddo-kordhinta:
Kooxdu waxay eegeen taladii Guddiga dhexdhexaadinta ee in
Muddo-kordhin Dambe aan la samayn, waxaannuna u aragnaa “in aan muddo-kordhin dambe la samayn haddii aanay si muram la’aan ah u iman duruuf ama xaalad aan waxba laga qaban Karin loona baahan yahay in lagu sii qeexo xeer”.

Kooxda Aqoonyahanku, iyagoo ku salaynaya waayo-aragnimada Somaliland waxay caddaynayaan suurtogalnimada labo arrimood oo sabab u noqon kara muddo-kordhi oo kal ah: a) Muddo-kordhin ku timaadda in lagu fashilmo qabashada doorashada waqtigii loogu tao galay b)Muddo-kordhin ka dhalata xaalad lama filaan ah. Muddo-kordhita la samaynayey ill
2006dii waxay ku sifoobayaan fashilaad ku timid in doorashada lagu qabto waqtigii loogu talo galay (waxase xaalad lama filaan ah lagu qeexi karaa qarayadii 29kii Oktoobar). 2006dii ka hor, muddo-kordhinta waxaa loo arkayey inay macquul tahay taxanaha doorashadana wax ka
dhinnaayeen sababuhuna ahaayeen xasillooni darro iyo haya’dihii loo baahnaa oo qabyo ahaa ama aan dhisnayn. Hase yeeshee, waqtigaa ka dib, muddo-kordhinta waxyeelladeeda taban ayaa ka miisaan cuslaatay danta ugu jirtey horumarka Somaliland iyo taxanaha dimuqraadiyadda.

Haddii muddo-kordhin uun la wado ayna ka mid noqoto hab-maamulkeenna, markaa waxaynu abaal marinaynaa fashilaaddeenna. Arrintaasina waxay keenaysaa
in lays dhigto ciddii marba talada haysana ayba ka lunto dadaalkii ay ugu taami lahaayeen qabashada doorasho si dib loogu soo doorto.

Markaynu arrinka ka eegno dhinac kale, bulshada caalamku waxay u haystaan muddo-kordhinta karti darrada Somaliland ee ku dhaqanka
ismaamul wanaagga, iyo fashilaad xaggeenna ka timid, fashilaadna
caalamku ma abaal marinayo. Sidaasi darteed, ku dhaqanka
muddo-kordhintu waxay shiiqinqysaa sumcaddii iyo saaxiibtinnimadii
laynoo hayey ee shacabka Somaliland dadaalkooda lagu kasbaday ilaa
1991kii.

In kastoo ay jirto xaqiiqada ah , in dhaawac inagu filani ina soo
gaadhey durba, haddana weli waxaynu karti iyo awood u leenahay in aynu
ka soo kabanno, haddii aynu liishaanka saarno kuna daalno xallinta
dhibaatada innagoo eegayna rajadeenna mustaqbalka. Balse,si wax looga qabto muranka sharci, waxaynu u baahanahay in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu la yimaaddaan rabitaan iyo isaamminaad masuuliyadi ku jirto, mana aha oo guddoomiyeyaasha xisbiyada oo keli ah, waxaase kale
oo xilku saaran yahay hoggaamiyeyaasha Aqallada Sharci-dejinta.
Xalka kama dambaysta ahi wuxuu ku iman karaa in la soo saaro sharci ku salaysan in lagu heshiiyo sulux iyo wada xaajood dhab ahoo daacad ah oo hoggaamiyeyaasha laga helo. Waxaannu ugu baaqaynaa goleyaasha sharci-dejinta iyo Madaxweynaha Somaliland inay gutaan masuuliyaddooda
sharci-dejineed iyo fulineedba ee ay u hayaan dadka Somaliland iyo in ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed intaan la gaadhin doorashada 27da Sept. 2009ka. Sharciga cusub waa in lagaga gudbo xaaladdan jiq-ku-siida ah iyo qalalaasaha distooriga ah ee inagu raftay ilaa 2006kii, si loo tayo-geliyo habsami uga faa’iidaysiga awoodda iyo rabitaanka shacabka horena loogu tallaabsado horumarinta dalka iyo
geedi-socodka dimuqraaddiyadda.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanku door muhiim ah ayay ku leeyihiin in ay ka ciyaaraan
horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland. Komishankii hore, waxaa loo
aqoonsan yahay in ay masuuliyaddoodii si hagar la’aan ah oo laga
tusaale qaato u guteen iyadoo duruufo qallafsani ku xeernaayeen.
Xubnihii Komishankaasi waxay u qalmaan in dadka Somaliland iyo
hoggaanka qarankuba u aqoonsadaan siday dadka iyo dalka ugu adeegeen.
Komishanka hadda jira hawl culus baa hortaal, waxaase ka sii adag in
xubnaha Komishanku isu diyaariyaan ama isu habeeyaan isuna abaabulaan
hawsha iyo caqabadaha horyaal.

Kooxdan Aqoonyahanku dood dheer ayay ka yeesheen iyagoo ka eegaya
qodobkii talooyinka Guddiga Dhexdhexaadinta. Nuxurka dooddu wuxuu ahaa
in la gorfeeyo, dhinac kastana laga qiimeeyo faa’iido iyo khasaareba
arrinka Komishanka in la xalliyo iyadoo la isla meel dhigayo
tayayntooda. Haddaba, waxaa loo badnaa aragtida ah marka la eego
xaaladda iyo duruufaha jira kana dhalatay muddo-kordhin soo noqnoqotay
iyo dibudhacyo ku yimid doorashada madaxtooyada, in aan fursad dambe
la siinin xaalad khatar keenta ahna dibudhac kale ee Waqtiga
doorashada 27da Sept. 2009ka. Sidaasi darted Kooxdu waxay isla garteen
arrimahan:

Ugu horrayn: In la beddelo Komishan oo dhan waa tallaabo khatar ah in
la qaato. Muddada inooga dhiman doorashadu waa saddex billod oo keli
ah. Markaynu sidaas u eegno arrinta, waxaa muuqata in aynan fursad
haysan layskuna kobo kuwa hadda xilka haya. Xataa , haddii wax kastaa
hagaagaan ama laysla meel-dhigo, waxaa adag xubno cusub oo la qaataa
waqtiga ay u baahan yihiin in ay hawsha la qabsadaan. Sidaasi darteed,
waxaan u aragnaa in siyaabo kale la isku dayo.

Ta labaad: Sida ugu habbooni waa ku xoojita Komishanka xubno cusub
hadday suurtogasho iyo in loo abuur kaabayaal kale oo xoojiya hawsha
Komishanka. Waqtigan waxaa jira qaabab kale oo la shaqaynaya loona
baahan yahay in kartidooda la sii dhiso. Dhianac kale haddii laga
eego, habkooda masuuliyadda maarayneed iyo saadkaba waa lagu xoojiyo
karaa cid kale oo aqoon dheeraad ah u leh hawsha. Xubnaha Komishankii
hore ka jooga oon weli xisbiyada siyaasiga ah ku biirin waxaa lagu
xoojin karaa inay Komishanka lataliyeryaal u noqdaan

Ta saddexaad, Kooxdu waxay rumaysan tahay in dhibaatooyinka haysta
Komishanku ay yihiin qaar ay iyagu isu gaysteen. Sidaasi darted,
Komishanku haddii aanay ogsoonaan baaxadda hawshooda iyo xaaladda ay
ku sugan yihiin iyo in ay iyagu is habeeyaan tallaabooyinka kor ku
xusani waxtarka laga rabo ma keenayaan. Waxaa kaloo muhiim ah in dadka
Somaliland oo keli ahi aanay danaynayn xaaladda, ee waxaa kaloo
danaynaya bulshada caalamka ee ina taageeraya inagana rajaynaya in
aynu wax ka barano waaya-aragnimada khilaafyadi qalaasaha watey ee ka
dhacay gobolka Bari Afrika sida Kenya ee dhaliyey dagaal ka unkamay
isdhaaf nattiijaddii doorashada.

Serverka (xogtii diiwaan-gelinta):

Arrinta serverku waxay u muuqataa wax aan sugnayn, hubaal la’aan
badanina ka jirto marka arrimaha doorashooyinka lagadoodayo. Markaan
dib u milicsano qoraalkii hore ee10kii March 2009 Kooxdu ma taageerin
oo keli ah taxanahaas balasé waxay aqoonsadeen doorka muhiimka reer
Somaliland ka ciyaareen murginta hawsha serverka waxaana la aqbalay
inay tahay xaalad dibudhac ku keeni karta natiijada in xog sugan laga
helo habka serverka. Dibudhaca ku yimid Waqtiga doorashadu wuxuu
fursad siiyey in serverka laga fila karo soo saarista natiijadii
diiwaan-gelinta.

Kooxda Aqoonyahanku waxay iswaydiinayaan maxay shirkadihii iyo
haya’dihii ka masuulka ahaa Serverku u sheegi waayeen waqti sugan oo
natiijo la soo saarayo iyo qiyaasta boqolkiiba intee lagu guulaystay
hawshan, si cid kasta oo hawshan danaynaysaa u qorshaysato hawshooda.
Ayaamahan u dambeeyey, Labo ka mid murashaxiinta madaxwaynaha ayaa
muujiyey werwerka ka haya serverka. Kooxdani waxay rumaysan tahay in
hanti badan maaliyad iyo maskaxba lihi ku baxday Taxanihii
diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo caalamka iyo Somalilandba isugu
tageen, welina waxaan rumaysanahay in hawlgalkaasi sax ahaa
khayraadkaasna meel ku habboon lagu aaddiyey. Sidaasi darteed,
qolyihii qandaraaska qaatay iyo kuwa hawsha gacant ku hayaba waxaa
looga baahan yahay in ay warbaahinta ka caadeeyaan waqtiga ay hawshan
ku dhammaynayaan iyo dhibaatooyinka hadday jiraan caqabado ku ah
hawshooda ka midho-dhalinteeda si looga gaadho ujeeddadii barnaamijka
laga lahaa. Intaas ka dib, hoggaamiyeyaasha Somaliland, haya’daha ku
lug leh iyo dadka ayay u taal go’aan ka gaadhista iyo dhammaystirka
hawshas iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo in la qiimmeeyo
ahmiyadda ay u leedahay Doorashada madaxtooyada ee soo fool leh.

Kooxdu ma inkirayso in hay’adaha ku shaqada lihii bixiyeen xogo ku
saabsan sida hawshu u socoto; balse, waxaannu leenahay xog ku filan
ama dhammaystiran lama hayo guud ahaan, sidaasi awgeed,
ku-tidhi-ku-teen badan baa suuqyada gelaya, gaar ahaan marka
hoggaamiyeyaashu soo bandhigaan hubaal la’aantooda faaiidada hawshan
serverka iyo saamaynta ay ku yeelanayso doorashada. Wax kastoo ka soo
baxaba, diiwaangelintu waxay xukuumadda Somaliland iyo dadkaba u ahayd
hawl muhiim ah, caalamkuna taageeray si isbeddel macno leh loogu
tallaabsado si aynu u gaadhno ujeedada in doorashada uga dhigno mid
xor iyo xalaal ah.

Ugu dambayntii, Kooxdu waxay is tustay in ay muhiim tahay in hay’adaha
waddaniga ah ee ay khusaysaa fiiro gaar ah u yeeshaan kana doodaan
mustaqbalka sidii loo xafidi lahaa xogaha diiwaan-gelinta iyo in la
haggaajiyo taxanaha diiwaan-gelinta siday ula mid noqon lahayd
hal-beeg ahaan caalamka si loo dejiyo liiska codbixiyeyaasha oo sugan.

U Adeegsiga Warbaahinta iyo Hantida Guud Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah

Kooxda Aqoonyahanka Somaliland ee Madaxabannaan waxaa ka go’an in loo
hawlgalo siday dalka ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyin xor iyo
xalaal ah. Warbaahinta iyo hantida kale ee guud oo si xaqsoor leh
looga wada faa’iidaystaa waa rukun muhiim u ah mabda’a doorasho xor
iyo xalla ah. Hantida guud waxaa laga iibiyaa, laga dhisaa laguna
socodsiiyaa lacagta dadku cashuurta u bixiyaan mana aha hanti koox
siyaasadeed gaar u leedahay. Sidaasi darteed, xeer gaar ah waa in loo
dejiyo, waana in khayraadkaasi si caddaaladi ku jirto dhammaan
xisbiyada siyaasiga iyo murashaxiinta u wada isticmalaan.
Maadaama, Madaxwaynaha iyo labada guddoomiye mabda’iyan aqbqleen talooyinkii guddiga , Komishanka doorashooyinku waa in ay horseedaan dodo xisbiyada dhex mara si ay u saxeexaax xeer anshax iyagoo muujinaya inay ka daacad yihiin habraaca taxane doorashooying xor iyo
xalaal ah nabadna ku dhammaada. Qodobbada lagu salaynayo Xeer Anshaxa,
waxaa ka mid ah:

i. Guddi Joogto ah
Abuuritaanka Guddi Qaran oo Joogto ah oo ka masuul noqda hubinta in hantida qaranka si xaqsoor leh uga wada faa’iidaystaan dhammaan xisbiyada siyaasadda iyo murashaxiintuba.

Waa in la xaqiijiyo in murashaxiinta iyo xisbiyadooda si buuxda xor ugu yihiin, layskana hortaagin si ay ugu gudbiyaan farriimahooda codbixiyeyaasha, hantida guudna wax ka helaan. Guddigaas oo u madaxbannaan hawshooda waxay wada shaqayn la yeelanayaan komishanka Doorashooyinka, saddexda xisbi qaran, iyo daneeyeyaasha hale
doorashooyinka.

ii. Warbaahinta Guud oo la wadaago
– In la dejiyo habraac hawleed dhammaan murashaxiinta xisbiyada
siyaasiga ah iyo in waqti is le’eg ay ka helaan baahinta Radio
Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka SL. Iyo Wargeyska Maandeeq. Waana in
aynu waaya-aragnimadeenii hore ka faa’idaysanaa.
– Xoojinta habraaca sharci. Waxaynu u baahan nahay in sharci gaar loo
dejiyo sharci Baahinta Siyaasadeed iyo sharci Saxaafadeed, oo lagu
kala hago adeegsiga saxaafadda.

iv. Hantida Ma-guurtada ah iyo Arrimaha Awoodda Fulineed

1. In la hirgeliyo dhammaan shuruucda ku saabsan arrintan.
2. In aan gaadiidka dawladda, dhismayaasha maaliyadda la adeegsan
sharciguna oggolayn.
3. Saraakiisha xukuumadda ee Fulineed, awooddooda waqti hawleedkoodu
waa hanti la wada leeyahay. Dhammaan shaqaalaha dawladda waa ka mamnuuc sharci ahaan in ay la kala saftaan xisbiyada iyo murashaxiinta. Balse taasi iskama hortaagayso in ay codkooda dhiibtaan ama u codeeyaan murashaxa ay doonaan.

Kooxdan Aqoonyahank Madaxa-Banaan ee Somaliland waxay ku
guubaabinaysaa bulshada caalamku, in aanay ku koobnaan indho-ku-haynta ololaha ito maalinta codaynta, balse kor-joogaan sida hawshu u socoto iyo hubinta sidii loo horumarin lahaa dhaqan doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ku dhammaada.. Kor-joogayaasha caalamiga ahi waxay ka qaybgeli karaan hawlaha Guddiga Joogtada. Waxa kale oo aanu ku guubaabinaynaa daneeyayaasha muhiimka ah in la sameeyo wacyigelin guud ee bulshada laguna daro dhammaan shaqaalaha kuna saabsan waajibaadka sharci iyo anshax ee dhammaan muwaadiniinta si loo xaqiijiyo Doorasho Xor iyo Xalaal nabadna ku dhammaata. In Habkii Anshax ee Warbaahinta Somaliland dib loo habeeyo oo la waafajiyo baahida manta kadibna ay saxaafadda oo dhammi ay wada saxeexaan una hoggaansanaadaan.

Ugu dambayntii, waxaanu ku baraarujinaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland in ay xoog ugu dhiirnaynaa in ay mar walba xusuusnaadaan jidkii adkaa ee ay u soo mareen nimcada nabadda iyo deganaanshaha ay haystaan manta, guulaha ay ka gaadheen dhismaha dawladooda, habka dimuqraadiga ah iyo horumarka ay ku talaabsadeen oo hadda ay sannadkii 18naad ay u dabbaaldegayaan.

WBT
Hargeysa, Somaliland, 16/05/2009.

The Somaliland Independent Scholars Group

Implementing The Mediation Committee’s Recommendations

(16.05.2009, Hargeisa, Somaliland)

I. Introduction

On 10th of May 2009, a group of 12 Somaliland scholars met at Ambassador Hotel to discuss the implementation of the Mediation Committee’s Recommendations released on 29th April, 2009. The meeting was moderated by Dr. Mohamed Fadal, Director of (SORADI). The participants of the meeting were all long-term participants of Somaliland rebuilding and democratization process, who are considered to be highly competent to provide an objective analysis and strategy to implement the above recommendations as useful framework for cooperation among all stakeholders of the Somaliland Presidential Election. They were: Abdilkadir H Ismail Jirde (Ex-Deputy Speaker and Member of Parliament), Shukri H. Bandare (Former National Electoral Commissioner and Member of African Democracy Forum and Chair of Candle Light); Ibrahim Jama Ali -Rayte (Member of Parliament and Lawyer), Fawsi Aw Yoonis (Somaliland Lawyer’s Association); Abdi Ahmed Nour (Forum for Peace and Governance-FOBAG), Bobe Y. Duale (Research Coordinator, APD), Haroon H Ahmed Qulumbe (ActionAid), Jafar Mohamed Gadaweyne (SONSAF); Mohamed Hassan Ibrahim (Researcher-APD), Suad Ibrahim Abdi (Researcher-APD); Ayaan Ashur (UK-Chatham House – as observer).

II. Expectations From the Recommendations

The Somaliland Independent Scholar’s Group commends the Mediation Committee’s efforts and achievements in an otherwise very challenging undertaking. The Group also commends the President and the two Chairmen of the opposition political parties, who heeded the public demand, which included a call from this Group, to sit together and discuss their political differences in the spirit of consensus and dialogue.

The Somaliland Scholar’s Group sees the Mediation Committee’s Recommendations as a reasonable framework for all actors to work together to hold the upcoming Somaliland Presidential Election within the set timelines. Among all Somalilanders and their international friends, the Mediation Committee’s efforts generated intense interest. The expectations from the Committee’s efforts could be condensed into three main outcomes:

1. To diffuse the rising political tension
2. To build trust among key stakeholders
3. To produce working strategy document or a Code of Conduct as a signed binding agreement to address the election problems facing Somaliland.

Dabdamis (fire-extinguisher)

The first expectation and probably the most important one is characterised by this group as “Dabdamis”. The Mediation Committee has achieved an astounding success in this respect. The growing tensions within the Somaliland society, resulting from the ensuing political conflict, have been diffused. It is now fair to say that, there is a better possibility for key political actors to continue dialogue among themselves.

Trust Building:

The immediate product of any agreement is to trust your opponent to be able to fulfil what is agreed upon and therefore to move forward from your earlier position to develop together a more cooperative climate. This agreement between the three political parties has to serve that purpose. The Somaliland Independent Scholar’s Group, the Mediation Committee and many other already active sectors of the society are definitely prepared to take their part to facilitate the agreement and to ensure its full implementation. However, despite the fact that the general climate has improved, so far we do not see any improvement in the trust levels between the political leaders and their close circles.

Signed Agreement:

The Group believes that, what we received from the Mediation Committee was a set of recommendations, not enough in itself as an agreement. It is necessary to take the second step to transform the recommendations into an agreement, to develop it into a Code of Conduct signed by the three negotiating leaders. Although the President had expressed his acceptance verbally, there is definitely a need for a “written signed document(s)” to implement it as a binding Code of Conduct, to build trust among the key stakeholders, to share it with our international partners, and to keep it in our archives for our children and for future generations and above all for history to judge us.

III. Implementation of Recommendations

The Independent Scholar’s Group prioritized the Mediation Committee’s Recommendations to adopt three key articles to analyse and to develop a strategy for an implementation framework; we selected the following three issue areas: The “No more extension issue”, the “National Electoral Commission” and the “Equitable distribution of public resources for the National Political Parties”.

The Extension Issue:

The Group concurs with the Mediation Committee on their position of “No more Extensions”; we take it further to say that “no more extensions ever, unless strictly qualifying for an undisputed “Force Majeure” Situation, which has to also be strictly defined by further legislation”.

The Independent Scholar’s Group identifies on the basis of Somaliland’s experience two possible categories of extension causes a) Extension resulting from failure to hold elections on time, and b) Extension resulting from a “Force Majeure” situation. The extensions undertaken so far, since 2006 could be categorized as failure to hold elections (with perhaps some reasonable allowance of a Force Majeure situation for the 29.10 bombings). Before 2006, extensions may have given us a reprieve to bridge selection processes, because of lack stability and also absence of required institutions. However, after that, their negative impact outweighs their benefits to the Somaliland development and democratization processes. If extensions are continued as part of our culture of governance, then we are rewarding failure and we are removing the motivation of the incumbent to work hard and to strive to be re-elected. In the same token, at the international community level, extensions are perceived as Somaliland’s inability for good governance, which is a failure from our side and failure is not rewarded by the international community. Therefore, the practice of “extensions” is depleting the credibility and friendship capital, which the Somaliland people have earned and accumulated over the years through hard work since 1991.

Despite the fact that, enough damage has been done already, we still have the capability to recover from it, if we focus our efforts to solve the problem in the longer-term perspective. To tackle the legal controversy, we will need a heavy dose of goodwill and trust among our political leaders, including not only the party Chairmen, but also the leadership of the legislative Houses. A lasting solution could easily come from passing a legislation based on a consensus agreement and goodwill from the above leaders. We urge the legislative houses and the President of Somaliland to fulfil their legislative and executive responsibilities towards the Somaliland people to settle this issue before the 27 September 2009 Election. With this legislation you can remove the perpetual state of constitutional crisis we have been experiencing since 2006 and unleash tremendous energies and desire from the people to move forward with our state building and democratization process.

The National Electoral Commission.

The NEC has a critical role to play in the advancement of democracy in Somaliland. The first NEC is recognized to have fulfilled its responsibilities towards this goal in an exemplary manner and in difficult circumstances. Its members deserve to be recognized by the people as well as the national leadership for their service to the nation. The present NEC has a difficult task facing it, but what seems to be even more difficult for its members is to prepare and organize themselves to take up the challenge.

The Independent Scholar’s Group had a lengthy debate on the National Electoral Commission issue as an important article in the Mediation Committee’s Recommendations. The thrust of the discussion was on the merits and demerits of taking the longer-term view and addressing the NEC issue head-on to seek a lasting solution and to revamp it completely. However, the general consensus was that our present circumstance, dictated by repeated postponements of the elections, would not permit us to risk a situation that can lead to delaying the election any further from the 27th of September 2009 date. Therefore the Group has adopted following standpoints:

First: Opting to changing the entire NEC membership is a risky route to take. The time we have until the September 2009 election is about only three months. Considering this our choices are definitely limited to live with the present group. Even, if all other things go well, the new members will need time to learn about the job. Therefore we have to consider other options.

Secondly: The best option now is to strengthen with more members if possible and to create adequate support systems to fill the gaps in their present capacities. There are now several supporting mechanisms available for them to avail, which may need also to be empowered more robustly to assist NEC. On the other hand some of their management and logistical responsibilities can be outsourced to other professional entities. Further more, available members from the First NEC, who are not involved in political parties, could also be engaged to support the present NEC.

Thirdly: The Group believes that most of their problems are self-generated. Therefore, without them recognizing the gravity of their situation and the need to put their house in order, the above measures may not have the desired effect. Further more, it is not only Somaliland people who are concerned about the situation, but also the international community, which is supporting us and which expects us to learn from the regional post-election destabilization experiences, especially Kenya.

The Server:

The server issue seems to be the wild card in the whole Somaliland election debate. In our last position paper issued on 19 March 2009, the Group not only supported the process, but also acknowledged the role Somalilanders have played in complicating the work of the server as an important factor in delaying the process of getting quick and reliable results from the biometric system. Subsequent developments have since eased the pressure on the server system to produce immediate results, especially when the election date was postponed until 27 September.

The Independent Scholar’s Group is asking itself, why couldn’t the companies and agencies responsible for the SERVER process provide a reasonable but firm target completion date as well as an estimate of what percentage of its work has been accomplished, to help all concerned plan their election strategies. Two Presidential candidates are on the record to have expressed their unease over the server process. This Group still recognizes that tremendous financial and human resources have been expended on the Voter Registration Process from the international community as well as from the Somaliland people and still believe that its intentions were right and that the resources were spent on the right cause. However, it is incumbent upon the contractors and supervising agencies to provide the necessary information and answer the questions raised after that, it is up to the Somaliland leaders, institutions and people to decide whether the expected outputs can be useful for their forthcoming Presidential Election.

The Group does not deny that some information may have already been provided by the concerned agencies; however, what we are saying is that there is not enough information available in the public domain and therefore, speculation is rife, especially when national leaders demonstrate their uncertainties about the usefulness of the server operations and products to the election. Whatever the outcome, this has been a profound undertaking by the Somaliland state and people with the support of the international Community to effect a fundamental change in the way we process our elections and towards the attainment of our free and fair elections goals.

Finally, the Group raised the need for the national concerned institutions to look ahead and start discussing the future custody of the database and the standardization of the registration process to accommodate new entrants into the voter registration lists.

Promotion of Free and Fair Elections: Use of Public Media Outlets and Property

The Somaliland Independent Scholar’s Group are committed to promote holding fair, free and peaceful elections in Somaliland. The equitable use of public resources is an important pillar of the free and fair election principles. Public resources are bought, built and run with tax-payers money and not with any political group’s resources. Therefore, by law, these resources should be used and accessed equitably by all political candidates and parties. Since the President and both Chairmen of the opposition parties accepted the Mediation Committee Recommendations in principle, The National Electoral Commission should lead a process of discussions among the parties to sign a Code of Conduct through their good offices as a guiding framework for the “Free, Fair and Peaceful” election process. Some of the key issues, which the Code of Conduct will address include:

1. Integrity Committee

The formation of a National Integrity Committee to take full responsibility and have clear mandate to ensure that all public owned resources are accessed equitably by all political parties and their candidates. This is to ensure that the candidates and their parties have full and unhindered opportunity to pass their messages to the voters and to share equitably the available public resources. This Committee, while independent in its mandate will closely work with NEC, the three political parties, and other election stakeholders.

ii. Equitable Sharing of Public Media Broadcasting and Coverage Access

* Establish a monitoring framework for all three political candidates and their parties to have equal air-time access to Radio Hargeisa and the Somaliland National TV and Equal coverage from Maandeeq Newspaper.
* Strengthen the legal framework through the promulgation of a Political Broadcasting and Media Coverage Law, which establishes the legal and regulatory aspect of this issue.

iii. Physical Properties and Executive Authority Issues

1. For all concerned to refrain from use of Government Transport, buildings and any other physical and financial facilities not permitted by law.
2. State executive officials’ powers and work-time are all publicly owned. All civil servants are barred by law from engaging in partisan political activities. That does not of course bar them from casting their vote for the candidate of their choice.

The Group urges the international community not to confine its monitoring support to the campaign and election days, but to extend it to the ongoing process of ensuring development of free, fair and peaceful election culture. We urge all key actors to contribute to efforts designed to raise public awareness including all government employees on the legal and moral obligation of all citizens to uphold the principle of “Free, Fair and Peaceful” Election. The group recognizes that elections are the sole right of the Somaliland people to change or reinstate their leadership and that all elections have to be held on time.

The national media should play its role in promoting the development of free and fair and peaceful election culture through its self-regulation mechanism. All Media Outlets are expected to sign and abide by an updated Somaliland Press Code of Conduct.

Finally, it is incumbent upon all sectors of the Somaliland society to appreciate their achievements in building their state, embarking on a democratic path and enjoying the fruits of the peace, stability and progress they worked so hard for and indeed for the 18th year running.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: