Toggaherer’s Weblog

TOLOW DAAHIR RAYAALE CILMIGU MA HABEEN BUU KU SOO GUUREEYEY? MAXAMED KAAHIN

Posted on: May 17, 2009

TOLOW DAAHIR RAYAALE CILMIGU MA HABEEN BUU KU SOO GUUREEYEY? MAXAMED KAAHIN

TOLOW DAAHIR RAYAALE CILMIGU MA HABEEN BUU KU SOO GUUREEYEY? MAXAMED KAAHIN

“Tolow Daahir Rayaale Cilmigu
ma habeen buu ku soo guureeyay?”
Maxamed Kaahin – Afhayeenka Xisbiga Kulmiye
“..Dad ka tirsanaan jiray Maamulkii hore ee Siyaad Barre oo Somaliland imika sii jooga, Maamulkana aad ugu faro badan, ayaa marka ay doonayaan arrinka Somaliland waxay ka dhigaan mid dhalatay markay xilka qabteen..farqiga u dhaxeeya Soomaaliya oo dagaallo ka jiraan iyo Somaliland oo amni ka jiro waxa weeye, markii Maamulkii Siyaad Barre laga takhalusay, ururkii SNM waxay isu keentay Beelaha Somaliland ayay Somaliland ku dhisantay.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo wax laga waydiiyay sababaha keenay Khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan, rejada ay ku qabaan in la hirgeliyo qodobada go’aanka guddida dhexdhexaadinta khilaafaadku soo saartay iyo arrimo kale.
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo shalay Waraysi gaar ah la yeelatay Weriye Muna Casayr Jaamac oo ka tirsan Telefishanka SLSC, ayaa waxa uu eedda asbaabaha keenay khilaafka Siyaasadeed dusha u saaray Madaxweyne Rayaale. “Asbaabta keentay in Somaliland khilaafkan siyaasiga ahi ka dhaco waxa weeye, M/weynihii oo doonaya Xilkiisii M/weynenimo muddadii uu Distoorku siiyey markii uu ka dhammaaday ee uu ku fashilmay xilkiisii M/weynenimo iyo in uu qabto Doorasho. Sababtoo ah, Distoorku Dawladda ayuu saarayaa waajibaadka Doorashada qabashadeeda iyo Miisaaniyadda Doorashada. Waa iska curfi Caalami ah oo markii ay Dawladaha Afrika ku jabeen ee ay Umaddii ku hoojiyeen ee shaqadoodii iyo Xilkoodii garan waayeen, isla markaana 1960-kii ilaa maanta dawlad-xumo soo martay, ayaa waxay keentay in Dawladaha horumaray Arabakhi dhacday iyo Raashin xun sanad walba laynoo Dawaro, markay Doorashooyinka qaban kari waayaanna, ay Kharashka inaga bixiyaan. Sidaa darteed, murugu wuxuu ka yimi wuxuu doonayaa (M/weyne Rayaale) in uu muddo-kordhin ku sii jiro, muddo-kordhintana in badan baa laga hadlay..” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sidoo kale waa tii Qaraxyadu inagu dhaceen.

Markaa arrinkani (khilaafku) wuxuu ku yimi waa arrimahaa, ha yimaaddo oo had iyo jeer mararka qaarkood ayuu Dawladaha Caalamka ku yimaaddaa. Markaa, is-maan-dhaaf baa arrinkaa ka yimi oo guddi dhexdhexaadin ah ayaa gashay, waxaanay gaadhay qaraar, sideedabana had iyo jeer hoggaanku waa Bani’aadam oo Maan Rag waa Mudacyo Afkii oo mararka qaar baa ismaan-dhaaf ku yimaaddaa.

Markaana waajibku wuxuu saaran yahay Hoggaamiyaha Qaranka subaxdaa hor taagan oo ay tahay in uu isagu aqbalo in khilaafaad jiro oo uu aqoonsado, dabadeed uu badheedh, kalsooni iyo raganimo uu yeesho oo uu yidhaahdo, waxaan ku baaqayaa in dhinacyada ay saamaynayso aynu khilaafkaa ka wada hadalno. Muu odhanin M/weynuhu, waayo hoggaaminta caynkaas ahi kama muuqato, horena way u dhacday oo hore umuu samayn, haddana ma samaynin, berrina ma samayn doono.”

Mar uu Afhayeenka Kulmiye ka hadlayay waxyaabaha laysku hayay, isla markaana uu naqdiyay hadal uu hore u jeediyay M/weyne Rayaale ayaa wuxuu yidhi, “Wixii laysku hayay waxay ahayd, ma aaminsanin in uu sifo Dastuuri ah ku yahay M/weyne, taa waa nalaga xukumay oo ku noqon maayo imika, saddexdayada qolona waxay tidhi waanu aqbalnay. Shirkiisii Jaraa’id ee uu qabtay (Rayaale) waxa ka buuxay Aflagaado badan..

tolow aqoonta Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo) aanay lahayn ee Daahir Rayaale leeyahay, ma inta uu meesha joogay ayuu Jaamacado ka baxay, Cilmigu ma habeen buu ku soo guureeyay, halka uu kaga aqooon badan yahay waa halkee? Aqoon-la’aantii isaga haysay ayaa wuxuu ka xishoon waayay in uu dad ka aqoon badan yidhaahdo aqoon ma laha.

Arrinkaasi ilaa imika wuxuu taagan yahay oo khilaafkii joogaa, Anigu saxeexi maayo.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa weeye, Saddexdii Xisbi Qaran ee dalkan ayaa arrinku dhex maray, haddii uu dhex marayna Reer Baadiya Lo’ ama Halo isku qabsaday maaha, Balloodhadan dad isku qabsadayna maaha, nidaamkii dawladnimo iyo xeerarkeedii Dastuuriga ahaa ayaa laysku maan-dhaafsan yahay.

Markaa mar kasta markay arrimaha noocan oo kale ahi dhacaan, Ilaha Xisbiyada ah ee Siyaasiga ahi go’aamada la qaato ee lagu heshiisiiyo waxay dhaqan-gal noqdaan marka la saxeexo. Markaa Anigu ma qabo, Xisbiyada Mucaaradka ahina ma qabaan oo qaraar wada-jir ah ayay ka soo saareen in M/weynuhu uu daacad ka yahay heshiiskaa la galay, isku sawir iyo waa la wada hadlay iyo waxyaabo yaryar oo Cilmi Nabad-sugideed ah ayuu uga jeedaa inay meesha ka soo baxaan. Marka uu leeyahay waan aqbalay ee uu haddana leeyahay saxeex layguma laha, labadaa dhexdooda Been baa ku dhex jirta.

Bulshada reer Somaliland waxay sugaysay laba shay, Khilaafaadkii Siyaasiga ah ee dalka ka dhacay waa laga heshiiyay oo ay meel isugu yimaadaan dhinacyadii ka hadlayay oo Bulshadu aragto in la heshiiyay oo la saxeexay.”
Mar Maxamed Kaahin la waydiiyay intay le’eg tahay rejada ay ka qabaan in la hirgeliyo, isla markaana la fuliyo go’aamadii guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa weeye, waydun aragteen guddidii dhexdhexaadintu go’aamaday soo saareen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kuwo u baahan in laga shaqeeyo, sida in la sameeyo guddi heer Qaran ah oo iyagu daba-gal ku sameeya Maaliyadda Qaranka, Masuuliyiinta Qaranka ama Xisbiyada Mucaaradka ah ha ahaadaan ama ka Xukuumiga ah ha ahaadee, in xilliga ka horraysa Doorashada ama lagu gudo-jiro Doorashada iyo Ololaha aan si khaldan Maaliyadda Qaranka loo isticmaalin.

Waayo, waxaynu ognahay in dadka joogaa xitaa Shaqaalaha caadiga ah ee ay Siyaasaddu xaaraanta ka tahay ay si toos ah hantida Qaranka ugu isticmaalaan sifo Siyaasi ah. Arrimaha Komishanka oo aan iyana weli si toos ah looga heshiinin oo aanay iyaguna xukun ka gaadhin, Xisbiyada Mucaaradkuna waxay soo jeediyeen in ay kuwaana diyaar u yihiin ka wada hadalkooda iyo dhammaystirkooda, balse uu M/weynuhu diiddan yahay ayaa iyana meesha ka soo baxday. Markaa waxaanu hadda ka hadlaynaa rejadayada, balse tiisa (Rayaale) ka hadli mayno.

Waayo, Anagu markii horeba waxaanu aqbalnay dadkii tirada badnaa ee noo yimi, waxaanu doonaynay in nalala arko Amaanada iyo wacad-galka M/weynaha iyo Xukuumaddiisu leeyihiin..Markii uu M/weynuhu Guddida Telefoonka ka yidhi waan aqbalay mooyaane, muddadii hore oo dhan cidda la dhiraan-dhirinaayay ee arrinkan culayska lagu saarayay wuxuu ahaa ninkii dalkan M/weynaha ka ahaa.

Markaa Anagu Xisbiyada Mucaaradka ah haddaanu nahay waxaanu mar kasta taagganahay in qodobada heshiiska la dhammaystiro, bulshadana waxaanu u sheegaynaa cidda aan diyaarka ahayn ee aan runta ka sheegin aqbalaaddiisa ee aan doonayn in uu Heshiiska saxeexo oo qodobada laga sii heshiiyo waa Guddoomiyaha Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda ka dhisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “..

Sida aanu go’aankan ku aqbalnay waxa weeye, waxa la yidhaahdaa Kalluunku Biyaha ayuu ku nool yahay ee mid Miyiga lugaynaya lama hayo, sidaa awgeed, Xisbiyada Siyaasiga ahi waa Kalluunkaas oo kale oo Badda dadweynaha ayay ku nool yihiin. Dad farobadan ayaa talooyin Xisbiyada siiyay, guddi baa gar loo dhiibay oo aanu aqbalnay ee Anagu sidiisa (M/weyne Rayaale) gar-diid noqon mayno, dalkana waanu uga lexe-jeclo badanahay oo sidan imika dhacday ee ay Xukuumaddu ku joogto ee hanti-boobka ahee Dhul-boobka ah ee Lacag-boobka ahee, Baanan-boobka ahee, Deked-boobka ah.”

Sidoo kale mar la waydiiyay sababta keentay in Guddoomiyaha Kulmiye safar dibedda ugu baxo, iyada oo aan laga heshiin khilaafaadkii siyaasadeed, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Dee horta, Guddoomiyahayagii wuu dhoofay, balse Guddoomiyuhu maaha qofka kaliya ee Masuul ah, hoggaanka Xisbiga ayuu ka mid yahay, xubinta ugu sarraysa ee Guddoomiyaha ahna weeye, Murashaxa Xisbigana wuu yahay.

Wuxuu u baxay hawlo isugu jira kuwo gaar u ah iyo kuwo Xisbiga ahba..kalsoonina way tahay in Xisbigayagu shaqayn karo, Guddoomiyahayaguna uu tegi karo. Waayo, Faysal (Guddoomiyaha UCID) shalay (dorraad) buu soo noqday..hawl la dhayalsanayo maaha iyo mid aanu sugi kari-weynay oo intii badnayd waanu sugnay, Guddoomiyahayaguna intii uu sugayay wuu sugay.

Cidda qudha ee mar walba Saxeexaa u diyaarka ahayd Anaga ayay ahayd, cidda ay halkiisii ka soo af-jarantay waa Daahir Rayaale. Imika waxa weeye, Anagu isaga (Rayaale) saxeex ka sugi mayno, hadduu ixtiraamayo Qaranka iyo dadkii arrintan galay, Guddoomiyahayaga waa la helayaa, ka UCID-na waa la helayaa oo saxeexu u habsaami maayo.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.OGAAL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: