Toggaherer’s Weblog

MANCHESTER OO XAQIIJIYISAY HANASHADA KOOBKII 18 EE HORYAALKA INGRIISKA

Posted on: May 17, 2009

MANCHESTER OO XAQIIJIYISAY HANASHADA KOOBKII 18 EE HORYAALKA INGRIISKA

Kooxda Manchester ayaa xaqiijiyay maanta inay ku guuleysteen koobkii 18aad ee horyaalka ingariiska, iyadoo koobkii sedexaad ee isku xiga ay ku guuleysteen kooxdan ka dib ciyaartii ay bar baraha kula galeen maanta kooxda Arsenal.
click to comment

Manchester ayaa ku dabaal degtay garoonkeeda Old Trafford hallkaasoo taageerayaashii ugu badanaa ee kooxda Manchester ay ku soo xaadireen madaama ay hal dhibic oo kaliya ay u baahnaayeen waxaana dhibicdaasi ay ka heleen kooxda Gunners oo ay ku marti qaadeen garoonkooda.

Fursado ayay qasaariyeen labada kooxood intii ay ciyaartani socotay waxaana aheyd inay ku dhamaato ciyaar goolal la iska dhaliyo, iyadoo ciyaaryahan Tevez oo helay line up inkastoo la bedelay uusan ku faraxsaneyn taaso cadeyn karta inuusan sii joogi doonin kooxda wuxuuna macsalaameeyay taageerayaasha kooxda markii la bedelayay.
click to comment
Manchester ayaa laga yaaba inay ku soo laabato jagada ah kooxda adduunka ugu fiican waxaana haatan ay gacanta ku dhigtay horyaalka waxaana finalka ka joogtaa ciyaarta koobka horyaalada qaarada yurub oo ay wada kulmi doonaan kooxda Barcelona.

Manchester ayaa waxaa u hadhsan hal kulan oo ay la ciyaari doonaan kooxda Hull city lakiin kulankaasi wax muhim ah uguma fadhiyo sababtoo ah waxay xaqiijiyeen inay koobka qaadeen, waxaana kaalinta labaad hada ku jirta kooxda Liverpool oo labo kulan u hadhsan tahay kaasoo mid ka mid ah ay berri la ciyaari doonto kooxda Westbrown w. albion, iyadoo kulanka labaad ee u danbeeyay ay la ciyaari doonto.
click to comment
Kooxda Manchester United ayaa haatan waxa ay la siman tahay kooxda liverpool oo iyadana hore u heysatay 18 koob oo horyaalka ingriiska inkastoo kooxda liverpool ay muddo sanando ah aysan haatan qaadin koobkani horyaalka ah.

Qaybta Ciyaaraha ee ToggaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: