Toggaherer’s Weblog

INAN YAR OO SOOMALIYAD 8 SANO JIR AH OO CUNSURIYAD AWGEED TAREEN LOOGA TUURAY FINLAND

Posted on: May 17, 2009

INAN YAR OO SOOMALIYAD 8 SANO JIR AH OO CUNSURIYAD AWGEED TAREEN LOOGA TUURAY FINLAND

click to comment
Amal Farah Abdi waa Inan Yar oo Sideed sano jir ah AYAA iyada oo dooneyesa in ay Tareen ka raacdo badhtamaha magaalada Espoo ee dalka Finland uu Nin Saan-Cadaale ahi Albaabka Tareenka xoog uga soo tuuray oo dhabar dhabar dhulka ugu dhacday.
click to comment
Sida ay dad goobjoogayaal ah iyo Amal laf ahaanteeduba xaqiijiyeen Ninkan Saan- Cadaalaha ahi oo sida muuqata u dhashay dalka Finland ayaa markii uu Amal Irida Tareenka ka soo tuurayay ku qeylinayay erayo Cunsurinimo, isir-naceyb iyo midab takoor kulansaday waxaana hadaladii afkiisa sida axmaqnimada ah uga soo burqanayay ka mid ahaa; ” Ka wareeg horteyda, Daanyeer yahay Yari”.

Amal Farah Abdi markii falkan naxdin leh ee Shuruucda Caalamka aan meelna ka soo gelin lagula sameeyay xarunta Tareenada ee Badhtamaha magaalada Espoo ayaa waxay ka timi Goob Ganacsi oo aabaheed ku leeyahay Rugta Ganacsiga ee badhtmaha Espoo waxayna ku sii jeeday gurigooda.

Inkastoo Booliska Espoo laga diiwaangeliyay Dembigan Cunsurinimada ah ee Amal lagula kacay ayey hadana weli Boolisku sheegayaan in aysan soo qabin Ninkii falkan geeystay waloow saldhiga Tareenada afartiisa dhinac ay ku lushaan Kaamaradaha duuba dhacdooyinka iyo dhaqdhaqaaqa.
click to comment
Saxaafada dalka Finland gaar ahaa jariirada ugu afka dheer looguna akhriska badan yahay ee Helsingin Sanomat ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aad uga faalootay una faahfaahisay sida wax u dheceen waxaana xusid mudan in dib loo jaleecay falkan foosha xun iyo saameynta uu ku yeelan karo Bulshada ku nool dalkan gaar ahaan Mujtamaca Soomaalida.

Halkan ka Hoose ka Akhriso Wargeysyadu waxa ay ka qoreen Falka Cunsurimo

http://www.hs.fi/english/article/Immigrants+say+Finnish+police+not+taking+complaints+of+racist+crimes+seriously/1135245979429

http://www.hs.fi/kaupunki/artikkeli/8-vuotias+somalitytt%C3%B6+paiskattiin+junasta+Espoon+keskuksessa/1135245904463

http://www.hs.fi/kaupunki/artikkeli/Poliisi+ei+ole+viel%C3%A4+l%C3%B6yt%C3%A4nyt+valvontakamerakuvaa+somalityt%C3%B6n+t%C3%B6n%C3%A4isyst%C3%A4/1135245975469

http://www.hs.fi/kaupunki/artikkeli/Tutkija+Maahanmuuttajalasten+kokema+rasismi+eritt%C3%A4in+yleist%C3%A4/1135245929672

ODAY MAXAMED

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: