Toggaherer’s Weblog

DR SHEEKH YUSUF AL-QARDAAWI DAGAALADA SOMALIYA WAA KUWA NASIIB DARO AH.

Posted on: May 16, 2009

DR SHEEKH YUSUF AL-QARDAAWI DAGAALADA SOMALIYA WAA KUWA NASIIB DARO AH.

DOXA 16 MAY 2009 THN
Madaxa hay’ada culimada islaamka ee caalaamka Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya kuwo nasiib darro ah.
click to comment

Sheikh Yuusuf Al Qardaawi waxaa uu muujiyey sida uu uga walaacsan yahay khasaaraha badan ee ka dhalanaya dagaalada u dhexeeya dad muslimiin ah oo wada dhashey, isagoo dalbadey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Al Qardaawi ayaa sheegay in hay’adoodu ay horey ula kulantey xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen arimaha dalka Soomaaliya.

Waxaana uu Sheekhu intaa raaciyey in hay’ada culimada adduunka ee islaamka ay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso kooxaha isku haya Soomaaliya, haddii ay isku khilaafsan yihiin diinta, waxaana Sheekh Qardaawi uu hoosta ka xariiqay in iyagu u sheegi doonaan cidda khaldan iyo tan saxan.

Hay’ada culimada caalamka islaamka waxay magaalada Doxa ee dalka Qadar kula kulantey odayaal iyo culimo ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay kala hadleen xal u helida dhibaatada dalka.

Waxaana hadalka Dr Yuusuf Al Qardaawi uu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkan magaalada Muqdisho ay ka dheceen dagaalo kulul oo dhexmarey ciidamada DKMG iyo kooxaha Al Shabab iyo Xisbul islaam oo isku dhinac ah, kuwaasi oo dagaalka ay kula jiraan dowlada ku fasirey mid diineed.

TOGAHERER MEDIA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: