Toggaherer’s Weblog

BARLAMANKA ITOOBIYA OO MEEL MARIYAY CODSI BEESHA SHEEKHASH INAY YESHAN MAAMUL KA MADAXBANAN KILIL 5

Posted on: May 16, 2009

BARLAMANKA ITOOBIYA OO MEEL MARIYAY CODSI BEESHA SHEEKHASH INAY YESHAN MAAMUL KA MADAXBANAN KILIL 5

Adiss Ababa 16 May 2009 THN
Baarlamaanka wadanka Ethiopia ayaa ansixiyay Codsigii Beelaha Sheekhaashta iyo Duubada ee deegaanka Raaso inay ay yeeshaan Maamul ka madaxbanaan deegaannka ismaamulka Soomalida iyo Miisaaniyad toos ah oo ka timaada dawlada faderaalka Ethiopia ama looyaqaano “special administrative”.
click to comment
Maamul ka baxsan ismaamulka deegaanka Soomalida ayaa lafilayaa in dhawaan loogu dhawaaqo deegaanka Raaso oo ay degaan labada Beelood.Tirada dadka kunool deegaanka Raaso ayaa tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ethioia lagu sheegay 385,000 inkasta oo tirada saxda lagu qiyaaso tiro kabadan intaas.
click to comment
Inkasta oonay cadayn ilaa hada maamulka nooca uu noqondoono, hadana wararku waxay carabka kudhufanhayaan in labada beelood loo samayn doono maamul ka madaxbanaan dawlada Soomalida ee DDS, maamulkoodana uu noqon doono mid sida maamulka Diredawa oo kale ah oo Miisaaniyadoodu toos uga iman doono dawlada dhexe, waxaana sida wararku sheegayaan dawlada dhexe ay bilaabaysaa sida ugu dhakhsaha badan maamul dawlada dhexe ah oo ku meelgaadh ah.

Labadan Beelood ayaa waxay intii dhowr sano ah ku dacwoonayeen in lagu tuntay xaqoodii iyo waxuu dastuurka wadanka Ethiopia siiyay dhamaan qoomiyadaha wadanka Ethiopia sidaas darteed loosameeyo maamul kamadaxbanaan kililka 5 aad iyo Ismaamulka deegaanka Soomalida.

Maalmaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa faahfaahinta maamulka labada qoomiyadood loogu dhawaaqay iyo nooca uu noqon doono.

Wariye Axmed Duraan
TogaHerer
Adiss Ababa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: