Toggaherer’s Weblog

ALSHABAAB OO DEEGAANO HOR LEH KU WAAYAY DAGAALADII AY LA GALEEN AHLU SUNAH

Posted on: May 16, 2009

ALSHABAAB OO DEEGAANO HOR LEH KU WAAYAY DAGAALADII AY LA GALEEN AHLU SUNAH

Ururka Alshabaab ayaa u muuqda mid gacantooda deegaanadii ay horay ugu joogeen Gobolka G/gaduud, iyadoo intii u harsaneyd ay haatan u muuqdaan kuwo lagala wareegayo, kadib dagaalo faraha looga gubtay oo ay la galeen Urur diimeedka is hubeeyaya ee dariiqada Suufiyada Ahlu Sunah Waljamacah.

Dagaalo socday muddo ka badan 5-saacadood oo bilowday shalay duhurtii, isla markaana soo gaaray ilaa xalay ayaa Alshabaab looga itaal roonaaday, waxaana dagaaladaas mar kale Shabaabku jab ka soo gaaray.

Wariye ku sugan Gobolka G/gaduud ayaa soo sheegaya in %98 ay gacanta ugu jirta Ahlu Sunah guud ahaan Gobolka, waxaana labada dhinac xiisadahooda dagaal ay lugaha la sii galanayaan Gobolka Hiiraan oo deris la ah G/gaduud.

Maleeshiyaadka Ahlu Sunah Waljamaacah oo taageero ka helaya dhalinyaro deegaanka ayaa waxay la wareegeen Deegaano dhowr ah sida Wabxo, Dari, Dac iyo qeyb ka mid ah Degmada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, balse ku dhow deegaanka Wabxo.

Wararka ayaa sheegaya in saaka mar kale ay qarka u saaran tahay in dagaal uu ka qarxo Degmada Maxaas, kadib markii Maleeshiyaadka Ahlu Sunah Waljamaacah oo ka soo ambabaxay Deegaanka Wabxo ay soo gaareen afaafka hore ee Degmada Maxaas.

Sidoo kale Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa kaabiga u saaran inay la wareegaan Degmada Ceelbuur, oo haatan ay u jiraan in ku dhow 20KM sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Degmadaas oo cabsi dardeed uga cararay xiisadaha colaadeed.

Ururka Alshabaab oo ah ka mid ah Ururada Islaamiyiinta kuwooda ugu tunka weyn, isla markaana horay dagaalo adag ula galay Ciidamadii Ethiopianka, ayaa haatan u muuqda mid farahiisa ka sii baxaya deegaanada Gobolada dhexe, oo ay isku ballaarinayaan Maleeshiyaadka Ahlu Sunah, iyagoona horay kala soo wareegay Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel oo ay dagaalo adag ku dhex mareen labada dhinac.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: