Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADA MARAYKANKA OO EED DUSHA UGA TUURTAY ERITREA KU LUG LAHAANSHO DAGAALADA XAMAR

Posted on: May 15, 2009

XUKUUMADA MARAYKANKA OO EED DUSHA UGA TUURTAY ERITREA KU LUG LAHAANSHO DAGAALADA XAMAR

XUKUUMADA MARAYKANKA OO EED DUSHA UGA TUURTAY ERITREA KU LUG LAHAANSHO DAGAALADA XAMAR

Xukuumada Mareykanka ayaa ku eedeysey Eritrea inay ku lug leedahay colaada ka jirta magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war murtiyeed ay soo saartey wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka.

War murtiyeedka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa dalbatey inay Eritrea si deg deg ah uga joojiso taageerada ay siineyso kooxaha islaamiyiinta ee doonaya inay afgembiyaan dowlada madaxweyne Sheekh Shariif.

Waaxda arimaha dibada ee Mareykanka waxay ku tilmaantey dowlada Eritrea inay noqotey agabka sii hurinaya isla markaana taageerada siinaya kooxaha ka horjeeda dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo hadda weeraro ku qaadaya fadhiisimaha dowlada.

Dowlada Mareykanka waxay Eritrea ku tilmaantey inay gardaadineyso kooxaha xagjirka ah ee fawdada ka wada geeska Afrika, kuwaasi oo xidhiidh la leh ururka Al Qacida sida ay dowlada Mareykanku sheegeyso.

“Eritrea waxay mudo ku guda jirtey inay taageerto kooxaha xagjirka ah, waxayna sameyneysey balanqaadyo ku saabsan inay weeraro qaadaan”, ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka Ian Kelly oo intaa ku daray “waa in si deg deg ah taageeradaasi loo joojiyo”.

War murtiyeedka wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka waxa uu uu tilmaan ka bixiyey in dagaalada hadda ay mucaaradka islaamiyiinta ka wadaan uu wiiqi karo habka nabada iyo xasiloonida ee Soomaaliya, iyadoo wasaaradu sidoo kale caddeysey in tallaabada Eritrea ay sii xumeyneyso xidhiidh caadi ah oo dhexmari lahaa Washington iyo Asmara.

Eedeynta dowlada Mareykanka waxay soo bexeysaa iyadoo todobaadkan ay magaalada Muqdisho ka dheceen dagaalo dhexmarey ciidamada DKMG iyo kooxaha islaamiga ee ka soo horjeeda dowlada.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyaduna dhowaan ku eedeysey Eritrea inay hub iyo saanad militeri siisey kooxaha dowlada dagaalka kula jira, hubkaasi oo ka soo degey garoomada koonfurta dalka.

Hase yeeshee Xukumada Eritrea ayaa beenisey eedeymaha ku saabsan inay hub iyo saanad kaleba ku taageertey xoogaga dowlada ka horjeeda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: