Toggaherer’s Weblog

XAAWALAYDII UGU DADA WEYNAYD CAALAMKA OO GEERIYOOTAY SAKHAN DOSOVA 1879 – 2009

Posted on: May 15, 2009

XAAWALAYDII UGU DADA WEYNAYD CAALAMKA OO GEERIYOOTAY SAKHAN DOSOVA 1879 – 2009

Sakhan Dosova waxa ay inta badan nolosheeda ku qaaday fakhri iyo duruufo daneed, mana jirin cid ogeyd in ay tahay haweeneyda ugu da’da weyn dunida maanta aan ku noolnahay, waxay ahayd sanadkan bilowgiisa mar lagu samaynaayey tirokoob cusub dadka degan dalka Kazakhistaan ee ka go’ay Midowgii Sofiyetkii hore (USSR), markaas ayey la soo baxdey Aqoonsi (ID-Card) duug ah oo ay lahayd ayna ku qorneyd magaceeda iyo goorta ay dhalatay, waxaana ugu qorneyd in ay dhalatay 27. Maarso 1879kii, sidoo kale waxa ay weli haysatey Baasaboorkii Midowgii Sofiyetiga oo duug ah, waxa ayna deganayd daabiyad yar oo ku taala meel ka baxsan magaalada Karaganda, isla markaas ayaa waxaa dawladda Kasakhistaan u soo baxdey in ay tahay haweenayda ugu da’da weyn dunidan aan ku noolnahay.

click to comment
Sakhan Dosova 1879 – 2009
Sakhan waxa ay guursatey laba jeer waxa ay dhashey caruur gaadhaysa 10, sidoo kale waxa ay leedahay 8 caruur ah oo ay caruurteedi sii dhaleen iyo 12 caruur ah oo caruurteedi caruurtii ay dhaleen sii dhaleen iyo 24 caruur ah oo caruurteedi kuwii ay dhaleen kuwii ay sii kuwii ay sii dhaleen ay dhaleen!!.

Waxa ay saxaafadda u sheegtey in aysan weligeed daawo liqin Rabbina caafimaad ku manaystey nolosheeda, sidoo kale weligeed ma aysan cunin waxyaabaha macmacaanka ah, kadib markii ay waraysiyo ugu tageen dadka jecel nolosha dheer in ay wax ka ogaadaan sirta nolosheeda.

Dawladda dalka Kazakhistaan ayaa hadiyad u siisey guri qasri ah si ay ugu si noolaato, waxa ay u soo guurtey gurigii cusbaa bishii Apriil ee la soo dhaafey inkasta oo aysan ku sii nolaan muddo dheer gurigii qasriga ahaa iyo noloshii cusbeyd kadib markii ay ku sinbiriraxatey Musuqshii marmarka lahayd halkaasna uu ka soo gaadhey nabarkii ay u nafbaxdey, bilowgii asbuucan.

Sanadka ay dhalatay Sakhan Dosova, waxaa dhashey rag caan ka noqdey dunida sida Joseph Stalin iyo Albert Einstein, isla sanadkaas waxaa dhacay dagaalkii Anglo-Zulu War, ee u dhexeeyay Boqortooyadii ZULU-ga ee Koonfurta Afrika iyo Imbiradooriyadii Biritan sidoo kale waxa ay shan sano ka horeysey shirkii Berlin 1884 ee wadamadii gumeystayaashu ay ku qaybsadeen Qaarada Afrika, waxayna 10 sano ka horeysey intaanu dhalan Hitler.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: