Toggaherer’s Weblog

WARYASI AANU LA YEELANAY GUDOOMIYAHA XISBIGA UDUB /UK MUDANE AXMED NAASIR

Posted on: May 15, 2009

WARYASI AANU LA YEELANAY GUDOOMIYAHA XISBIGA UDUB /UK MUDANE AXMED NAASIR

Waraysi aanu la yeelanay Gudoomiyaha Xisbiga UDUB/UK Mudane Axmed Naasir

Hargeysa-Gudoomiyaha Xisbiga UDUB/UK Mudane Axmed Naasir, ayaa waraysi aanu la yeelanay kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka, Mudaharaadkii Xisbiga KULMIYE ee London, Fikirka Xisbiyada Mucaaridka ee ah in la bedelo Komishanka iyo arrimo kale oo xiiso badan.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sedan:

S: Bal marka hore Gudoomiye, dalka waxa aad joogtay muddo ku dhow ilaa saddex bilood, bal ka waran waxyaabaha aad ku aragtay dalka?

J: Marka ugu horeysay dalka waxa aan ka maqnaa muddo aad u dheer oo ilaa 20 sano ah, markii aan ku soo laabtay waxa aan la soo kulmay waxyaabo badan oo I farax galiyay, oo ay ka mid yihiin aniga oo la kulmay nabad iyo xasilooni aad u heer saraysa iyo dadkii wakhtigaa iigu dambaysay oo Ehel iyo Asxaababa leh, si weyna waa la iigu soo dhaweeyay, waxaan ku arkay horumar weyn oo la taaban karo, gobollada Somaliland qaarkood ayaa safaro ku tegay, inkasta oo aan la socday kolba halka uu dalku marayo iyo xaaladiisaba , laakiin marka aad u eegto cimilooyinka ka jira wadamadaasi kale ee reer Yurub runtii Somaliland waa meel naftu ku degayso, waxa kale oo aan ugu baaqayaa dhamaan Bulshada reer Somaliland ee ku nool Yurubta ama adduunka intiisa kale in ay soo arkaan oo ay dalkooda hooyo yimaadaan, runtii waxa aan la kulmay Barwaaqo iyo nimco, weliba hadda waxa da’ay roobabkii gu’ga.

Laakiin runtii waxa aan ogaaday in Xisbiyada Mucaaridka ahi ay mar kastaba horumarka Somaliland iyo xukuumadu ku tallaabsatay ay indhahooda ka qarinayaan oo aanay sheegayn runtii, siiba xisbiga KULMIYE ay xukuumadu waxba ka wadi kari la’dahay oo horumar walba oo la gaadho iyagu cagaha qabsanaya.

Intii aan dalka joogay waxa aan la kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka, xubnaha dawlada iyo weliba shacbi weynaha reer Somaliland oo si fiican ii soo dhaweeyay.

S: Gudoomiye, dhawaan Mar uu Madaxweynuhu safar ku tegay dalka Ingiriiska, waxa Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu doonayeen in ay ku mudaharaadaan, arrintaasi sideed u aragtaa?.

J: Waxyaabahaasi waa fikradaha khaldan ee ay ku kacaan qoladan Mucaaridka ahi, waa arrin shirqool ah, hore ayay arrintan oo kale ugu tallaabsadeen, Madaxweyne ku xigeenka laftiisa mar uu dalka UK yimid, shirqoolo noocaas oo kale ah ayaa lagu diyaarinayay, Gudoomiyihii ka tegay laftiisu waxyaabihii uu kaga tegay Xisbiga ee uu uga baxay ayay ka mid yihiin ee uu yidhi waxyaabaha xisbigu nagula talin jireen waxa ka mid ah in aan la aqoonsan dalka inta Madaxweyne Rayaale Madaxweynaha ka yahay, horena waanu u sheegnay in qoraalo badan ay adduunka gaadhsiiyeen, markaasi waxa iska khaldan wadaniyadii iyo dimuqraadiyadii, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo difaacaya arrintana waan ku arkay joornaalada oo leh waa wax dimuqraadiyada ka mid ah, at least waxa ay ahayd in ay sugaan ilaa iyo inta la ina ictiraafayo , jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku nool fikirkaasi ma aaminsana oo way ka soo hor jeedeen, koox yar oo xag jir ah ayaa qaban qaabisa arrimahaasi oo kale,

S: Xisbiyada Muaaridku waxa ay soo jeediyeen in la bedelo Komishanka Doorashooyinka, arrintaasi oo dib u dhac kale ku keenaya doorashada, side ayaad u aragtaan xisbi ahaan?.

J: fikirkasi runtii waa fikir khaldan weeyaan, waa waxyaabihii u caadada ahaa xisbiyada Mucaaridka ee ay mar marsiyo ka dhiganayeen ee aanay doonayn in ay doorasho dalka ka dhacdo, runtii xisbi ahaan Xisbiga UDUB waxa uu diyaar u yahay in dalka doorasho ka dhacdo oo waxa ugu dambeeyay toddobaadkii hore waa kii Madaxweynuhu ballan qaaday in doorashadu xilligeedii ku dhacayso, waxa aanu aaminsanahay in haddii doorasho la qabto in anaga faa’iido badani noogu jirto, Xisbiga KULMIYE xubintii uu u soo magacaaban lahaa guddida Doorashooyinka waa tii uu la habsaamay ee in badan la sugayay, cida leh Komishanka wakhtigan ha la bedelo dee runtii waxay iska cadahay oo waxa weeyaan doorasho diyaar uma nihin, waana waxyaabihii ay mar marsiyaha ka dhigan jireen

S: Xisbiga KULMIYE, waxa uu soo jeediyay in bilaa diiwaan gelin lagu geli karo doorashada Madaxtooyada, arrintaasi sideed u aragtaa?

J: Wallaahi anigu waxa aan u arkaa in aanu isagu iska lahayn go’aankaasi ah in doorashada lagu geli karo diiwaan gelin la’aan, anagu xisbi ahaan diyaar ayaanu u ahayn oo kharash iyo wakhti ayaa galay diiwaan gelinta, dalka diiwaan gelin balaadhan ayaa ka wada dhacday runtii weliba gobollo dalka ka mid ah oo aanay hay’adihii deeq bixiyayaasha ee gacanta inaga siinaysay diiwaan gelinta kharash ugu tallo gelin ayay xukuumadu ku guulaysatay in diiwaan gelin laga sameeyo, waa arrin khalad ah oo nasiib darro ah in maanta uu yidhaahdo Gudoomiyihii xisbiga KULMIYE diiwaan gelinta aynu iska dayno oo aynu kansalno (Cancel), severkii hawshii kala shaandhaynta wuu wadaa, Madaxweynuhuna waa kii amray in 15 June natiijada Serverku soo saaro, tanina waxa ay la mid tahay in aanay diyaar u ahayn doorasho xor oo xalaal ahi in ay dalka ka dhacdo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: