Toggaherer’s Weblog

XAFLAD XILALKA LOOGU KALA BADALAYEY LABA XOGHAYE OO MAANTA KA DHACDAY X/G/DH EE UDUEB

Posted on: May 14, 2009

XAFLAD XILALKA LOOGU KALA BADALAYEY LABA XOGHAYE OO MAANTA KA DHACDAY X/G/DH EE UDUEB

Hargaysa 13 May 2009 (THN)
Waxaa manta magalaada Hargaysa ka dhacay xaflad xilka loogu kala wareejinayey xoghayihii hore gobolka ee xisbiga talada haya ee Udib mudane Axmed Cabdi Cismaan iyo xoghayaha dambe oo ay u doorteen xilkaasi mudane Axmed Maxamed Faarax(Gamaame) taas oo ka dhacday xaruntka dhexe ee xisbiga Udub,
Xaflada oo ay ka soo qayb galee Wasiirka Qorshaynta Somaliland Mudane Cali Ibrahim Maxamed (Ali Sanyare), Wasiirkuxigeenada Wasaarada Qorshaynta Axmed Yusuf , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cafimaadka shaqada iyo Shaqaalada Mahdi Cismaan Buuri, Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Faarax, xubno ka socda labada gole ee fulinta iyo dhexe ee xisbiga Udub iyo Xubno kale oo ka tirsan xibigaas iyo taagerayaal kale.
click to comment

Wasiirka Qorshaynta Somali land Mudane Cali Ibrahim Sanyare oo ka hadlay xafladaasi ayaa ayaa ugu horayn amaan u jeediyey xoghayihiin hore una mahad celiyey kuna sheegay shaqsi kor u qaaday dhamaan golaha dhexe, intaa kadib waxa uu sheegay in uu xogahayahan gobalka ee cusub ee la doortay uu yahay nin u qalma jagadan taas oo uu sheegay in uu yahay nin kabixi kara xilkan xoghaye xaaladan lagu jiro taas oo uu sheegay in xiligan loo bahan yahay nin siyasi ah oo hanan kara dadka si wanaagsana wax ugu sheegi kara madaama ay caynkaas tahay waxaan ku farayaa in aad xawli iyo dedaal aad la timado waxaanuu wasiirku waxaan kuu rajaynayaa in ilaahay xilkan kuu fududeeyo taas oo uu sheegay in ka xisbi ahaan aynu la wada shaqayno .

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan ina hortaalo hawlo badan oo la inoga bahan yahay in aynu siday tahay u fulinu haday tahay abaabul iyo haday tahay wax kaleba taas oo aynaan u kala hadhin min madax ilaa mijo.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadalay labadii xoghaye ee loo kala badalaayey xilalka raxan wasiiro kuxigeeno ah .
Ugu dambayntii waxaa halkaasi isna ka hadlay Xoghayaha Guude Ee xisbiga Mudane Jaamac Yasiin Farax mahad naqa iyo amaanu uu soo jeediyey ka soo qayb galayaashii xafladasi kadib waxa uu sheegay in ay xisbi ahaan ay diyaar u yihiin waliba aanu hormood ka nahay in ay doorashadu dhacdo xiligii loo cayimay taas oo uu yidhi waa midka aynu ku gaadhayno horumarka iyo aqoonsiga caalamiga ah Dawladnimo.

Waxa kale oo Mudane xuseen oo wax ka sheeg ku bilaabay xisbiyada mucaaradka ayaa ugu dambaystii waxa uu shacbi waynaha Somaliland kula taliyey in ay ilaaliyaan aminga oo ay iska jiraan wax wal oo dhawici kara deganaanshiiyaha.

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: