Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XADHIGA KA JARAY DIYAARADA CUSUB EE XORIYO

Posted on: May 14, 2009

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO XADHIGA KA JARAY DIYAARADA CUSUB EE XORIYO

Berbera 13 May 2009 (THN)
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe ayaa shallay xadhiga ka jaray shirkada diyaaradaha ee Xorriyo Airways oo ku soo biirtey diyaaradaha duullimaadyada ee u kala goosha Somaliland iyo dalalka Imaaraadka, taas oo shalay duullimaadkeedii u horreeyey ku soo cago-dhigatay madaarka madaalada Berbera ee gobolka Saaxil, kana soo duushay magaalada Dubai.

click to comment

Munaasibad loo sammeeyey furitaanka diyaaradda Xorriyo Airways oo ah nooca waaweyn ee loo yaqaan (Boin) oo lagu qabtay madaarka Berbera, ayaa waxa ka soo qaybgalay massuulliinta gobolka Saaxil oo ay ka mid yihiin Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Badhasaabka Maxamed Cabdillahi Maxamed, xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Berbera, cuqaal, sallaadiin, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo xubno ka tirsan wakiillada diyaaradda Xorriyo.

click to comment

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Haybe Muxumed oo munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey ayaa si weyn u soo dhaweeyey halwgalka duullimaad ee diyaaradda Xorriyo ka bilowdey Somalilan , isagoo tilmaamay in ay tahay mid baahi weyn loo qabay diyaaraddan xorriyo, isla markaana wax weyn ku soo kordhin doonto isu-socodka Somaliland iyo caallamka.
Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamed Cabdillahi Maxamed oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa si gaa ugu mahadnaqay dhallinyarada wakiilka ka ah diyaaradda Xorriyo oo uu ku sifeeyey dhallinyaro dedaal iyo karti badan la yimi, isla markaana ay maamul ahaan la shaqayn doonaan “Siddii looga midho dhallin lahaa dedaalka ay dhallinyaradaasi keeneen ee ay dalkooda iyo dalkoodaba ku soo kordhiyeen” ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.

click to comment

Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey wakiillada diyaaradda Xorriyo oo uu ku tilmaamay in tahay horumar loo baahnaa oo dalka ku soo kordhay.
Warsamme Axmed Aw-Aadan oo ka mid wakiillada diyaaradda cusub ee Xorriyo Airways oo ka warbixiyey qaabka diyaaraddani u shaqaynayso, ayaa sheegay in Xorriyo Airways si joogto ah ugu kala gooshi doonto wadamada Imaaraadka Carabta iyo iyo Somaliland oo ay soo caga-dhigan doonto madaarka weyn ee Berbera, maadaama aanay soo fadhiisan Karin madaarka Hargeysa oo aan oogu tallo-gelin in diyaaradaha waaweyni soo fadhiistaan.
Warsame waxa uu intaa raaciyey in diyaaradani xidhiidh la leedahay Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, isla markaana ay xafiisyo kala duwan ku leeyihiin magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco, iyadoo ay xorriyo Airways aad uga qimo jaban tahay diyaaradaha dalka ka shaqeeya.
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ka tirsan sallaadiinta gobolka Saaxil oo gebogebadii munaasibadaas ka hadlay, ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in wax laga qabto madaarka weyn ee Berbera oo uu xusay in uu wax badan ka tari lahaa siddii ay u fududaan lahayd imaatinka diyaaradaha waaweyn, waxaanuu yidhi suldaanku “Salaankaa 1993kii ayaanu Riixaynay welina kiibaa yaala, xukuumada waxaan leeyahay garoonka yar ee Hargeysa kanaa ka Caalami ah oo ka muhiimsan oo mudan in la dayactiro sidaa markaan leeyahay uma hadlayo Reer Saaxilnimo ee waxaan u hadlayaa Qaranimo Diyaaradan Cusubna ilaahay ha barakeyo ayaan layahay” -Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh ayaa yidhi sida

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

May 2009
S S M T W T F
« Apr   Jun »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
%d bloggers like this: